Skip to main content

Posts

Showing posts from 2018

Bidaarta oo laga yaabo in daawo waxtar leh loo helo

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday daawo waxtar u noqon karto bidaarta iyadoo la isticmaalayo daawo hore loogula tacaali jiray cudurka lafaha ku dhaca. Baarayaasha caafimaadka ayaa ogaaday in daawadani ay ka hortagi karto borotiinka loo yaqaanno SFRP1 oo xanniba korriinka timaha. Madaxa mashruuca dhakhtar Nathan Hawkshaw oo ka socda jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in isbeddel ay u keeni karto dadka ay timaha ka buubeen. Waxaa la sheegay in labo daawo oo keliya ah hadda la hayo oo wax looga qaban karo bidaarta. Waxayna kala yihiin: Daawada minoxidil, waxay daawayn kartaa bidaarta ku dhacda ragga iyo haweenka. Daawada finasteride, waxa daawayn kartaa bidaarta ragga oo kaliya ah. Daraasaddan waxaa shaaca ka qaaday xarunta daraasaadka ee PLOS Biology waxaana lagu sameeyay shaybaar kaddib markii 40 rag ah timahooda tijaabo lagu sameeyay isla markaasna timaha loo abuurayay. Dhakhtar Hawkshaw ayaa BBC-da u sheegay in baaritan dhanka caafimaadka ...

Hergabka oo daawo loo helay

Lahaanshaha sawirka SCIENCE PHOTO LIBRARY Image caption Dhibaatada Hergabka. Dhakhaatiir kasoo jeedo Ingriiska waxay sheegeen inay heleen daawada Hergabka taaso la dagaalami karto Fayraaska keeno Hergabka. Waxaa la sheegay in daawadani ay ka hortagi karto in unugyada proteenka jirka aadanaha uu inta badan weeraro fayraaska taaso marka dambe dhalin karto inuu faafo. Daawadan ayaa wax tar noqon karta marka la siiyo qofka la xannuunsan Hergabka wakhti hore. Cilmi baarayaal ku sugan Macadka Imperial ee London waxay ka shaqaynayaan sidii daawadan ay u noqon lahayd mid sanka laga qaato iyo in la yeereeyo dhibaatadeeda. Cilmi baare ka tirsan macadka ayaa sheegay in daawadan la siinayo qofka uu Hergabka ku dhacay kaddibna ay joojinayso fayraaska faafitaankiisa. Wuxuu intaasi ku daray in daawadan ay yarayn karto saamaynta uu Hergabka ku yeesho qofka. Daawadan ayaa sido kale caawin karta dadka la xannuunsan neefta kuwaaso u nugul Hergabka. Fayraaska keeno Hergabka ma ahaan mid awo...

Taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Hindiya ka noqotay sawir qaade

Ms Vyarawalla iyo kaamiradeeda Magaceedu waa Homao Byanrawalla, waxa ay taariikhda ku gashay in ay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo sawir qaade ka noqotay dalka Hindiya , iyada oo sawirro ku diiwaangalisay hanaankii ay Hindiya xornimada kaga qaadanaysay Ingiriiska. Waxa ay dhalatay 9-kii Diseembar, sanadkii 1913-kii, kuna dhalatay gobolka galbeedka Hindiya ee Gujarat, waxayna kasoo jeeddaa qoyska saameynta badan ee qoowmiyadda Parsi. Inta badan yaraanteedii waxa ay ku qaadatay safar, maadaamaa aabaheed uu ahaa atoore aflaamta jila, kana mid ahaa koox bandhig faneed samayn jirtay. Balse xoogaa kadib qoyskeeda waxa ay u guureen magaalada Mumbai, halkaas oo ay ku biirtay mac-hadka jilliinka iyo fanka ee JJ School. Waxa ay la kulantay nin sawir qaade ah oo lagu magacaabo Manekshaw Vyarawalla oo markii dambe guursan doona, kaas oo baray xirfadda sawir qaadista. Sawirradii ay qaaday ee ugu horeeyay sanadii 1930-kii Layligii ugu horeeyay oo ay sawirro ku qaaddo , kuwaas...