Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2018

Taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Hindiya ka noqotay sawir qaade

Ms Vyarawalla iyo kaamiradeeda Magaceedu waa Homao Byanrawalla, waxa ay taariikhda ku gashay in ay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo sawir qaade ka noqotay dalka Hindiya , iyada oo sawirro ku diiwaangalisay hanaankii ay Hindiya xornimada kaga qaadanaysay Ingiriiska. Waxa ay dhalatay 9-kii Diseembar, sanadkii 1913-kii, kuna dhalatay gobolka galbeedka Hindiya ee Gujarat, waxayna kasoo jeeddaa qoyska saameynta badan ee qoowmiyadda Parsi. Inta badan yaraanteedii waxa ay ku qaadatay safar, maadaamaa aabaheed uu ahaa atoore aflaamta jila, kana mid ahaa koox bandhig faneed samayn jirtay. Balse xoogaa kadib qoyskeeda waxa ay u guureen magaalada Mumbai, halkaas oo ay ku biirtay mac-hadka jilliinka iyo fanka ee JJ School. Waxa ay la kulantay nin sawir qaade ah oo lagu magacaabo Manekshaw Vyarawalla oo markii dambe guursan doona, kaas oo baray xirfadda sawir qaadista. Sawirradii ay qaaday ee ugu horeeyay sanadii 1930-kii Layligii ugu horeeyay oo ay sawirro ku qaaddo , kuwaas...