Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2016

Shineemooyinka Hindiya oo lagu amaray inay ciyaaraan heesta calanka

Image copyright Waa qasab in la istaago marka la ciyaaro heesta calanka Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa amartay in shineemooyinka oo dhan ay ciyaaraan heesta calanka inta aan la bilaabin filinka. Garsoorayaasha ayaa sheegay in amarka la hirgaliyo toban maalmood gudahood dadkana waa inay istaagaan markii heesta la ciyaarayo. 1960 -yadii iyo 1970-yadii, shineemooyinka ayaa ciyaari jiray heesta calanka, laakiin way yaraatay waayadan danbe. Go'aanka maxkamadda ayaa rayiga dadka ay ku kala duwanaayeen barta bulshada. Ma jiro hal sharci hindiya oo ku saabsan heesta calanka, 29 -ka gobol ayaa leh sharciyadooda heesta calanka. Sanadkii 2003, gobolka galbeedka ee Maharashtra ayaa ka dhigay sharci in shineemooyinka ay ciyaaraan heesta calanka, laakiin sanadkii hore, maxkamadda sare ee Madras ayaa go'aamisay gobolka Tamil Nadu in ay arintan keenayso jahawareer. Arbacadii, laba garsoore ee Dipak Mishra iyo Amitav Roy ayaa go'aamiyay in heesta calanka ay ciyaaraan shineemooyi...

Shirkadaha internetka ayaa doonaya inay ka hortagaan sharciga lagu ogaanayo websiteyada la booqdo

Image copyright Shirkadaha UK ee internetka waa inay diiwaan galiyaan websiteyada ay booqdaan macaamiisha Qorshe lagu diiwaan galinayo websiteyada ay dadka reer UK booqdeen ayaa waxaa ka soo horjeestay shirkadaha teknoolajiyada oo doonaya inay bixiyaan hab ay ku qariyaan meelaha ay dadka booqdeen. Shirkadaha internetka bixiya, ayaa mudo dhow looga baahnaan doonaa inay diiwaan galiyaan meelaha ay macaamiishooda booqdaan oo ay ku jiraan websiteyada iyo app-ka fariimaha la isugu diro. Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay inuu sharciga caawin doono si looga hortago argagixisada, laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in dadka kombutarada xogtooda u dhaca inay heli karaan xogta macaamiisha. "Waxay qaadataa in qof xun ay u suurto gasho inuu helo xogta oo dhan" ayuu sheegay James Blessing, oo ah gudoomiyaha ururka shirkadaha bixiya internetka ee (Ispa), oo ay ku jiraan shirkadaha BT, Sky, Virgin Media, TalkTalk iyo kuwo kale. "Wax walba ayaad isku dayi kartaa si ...

Japan ayaa dhisaysa kombuterka ugu wayn adduunka uguna dhaqsaha badan

Image copyright Kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ayaa hadda ah kombuterka ugu wayn Japan ayaa bilowday mashruuc ay ku dhisayso kombuterka ugu wayn ee ugu dhaqsaha badan dhamaadka sanadka 2017. Japan waxay sheegtay in la qorshaynayo in lagu qarash gareeyo £140 milyan si loo sameeyo kombuterka AI Bridging Cloud (AIBC). Waxay rajaynaysaa in AIBC uu ku shaqayn doono xawaare gaaraya 130 petaflops, oo ka dhaqso badan kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ee ah kan ugu dhaqsaha badan. Mashiinka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo daraasaadka xogta tirada badan ayay sheegtay Japan Shaqada ugu horeeya ee uu qaban doono kombuterka ayaa waxay noqon kartaa daraasaad caafimaad ama shaqo lagu horumarinayo borogaraam kombuterka loo isticmaalo baabuurta aan darawalka lahayn iyo mashiinada robot-ka ah. Awoodda kombuterka AIBC, ee la filayo ayaa ka dhaqso badnaan doonta 93 petaflops oo uu hadda yahay kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha, kaasoo meesha ugu saraysa ee uu g...

Sawirro arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka oo dhamaaday

RAEERKA JANARDHANA REDDY Mid ka mid ah aroosyadii ugu qaalisanaa ayaa lagu qabtay gobolka Karnataka ee Hindiya. Waxaa lagu qiyaasayaa inay ku baxday ugu yaraan $74milyan. KASHIF MASOOD Arooska ninka ganacsadaha iyo ninka siyaasiga G Janardhana Reddy gabadiisa, Brahmani, ayaa laga xanaaqay iyadoo malaayin qof Hindiya ay lacag la'aan ku dhacday dhawaan kadib markii lacago qaar la joojiyay. REERKA JANARDHANA REDDY Dharka ay xiran tahay gabadha ayaa wuxuu joogaa $2.5 milyan waxayna xiratay dahab qiimahiisu yahay $13milyan ayay sheegeen wararka. REERKA JANARDHANA REDDY Arooska, Rajeev Reddy, oo labaatan iyo saddexjir ah Rajeev Reddy, ayaa ka dhashay reer ganacsato ah ee ka yimid Hyderabad. KASHIF MASOOD ciyaarta Barazil ee samba ayaa ka mid ahayd bandhigyadii loo sameeyay dadka ka soo qayb galay arooska. KASHIF MASOOD Mr Reddy ayaa la sheegay inuu dhahayay in lacagta uu bixiyay lix bilood ka hor intaysan dowladda ka joojin ...