Skip to main content

Posts

Showing posts from 2017

Halkan ka ogow sideed arrimood oo ku saabsan hurdada

Maxaan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena? 1. Waxaa naloo sheegaa in sideed saacadood aan hurudno habeenkii Waxaan aalaaba maqalnaa in loo baahan yahay hurdo sideed saacadood ah, habeen kasta. Haddaba halkey taladan ka timid? Cilmi baaris laga sameeyay daafaha caalamka, oo lagu baarayay sida cudurrada ay ugu dhacaan dadka kala duwan, ayaa la timid gebagebo la mid ah hurdada sideeda saacadood ah. Dadka wakhtiga yar hurda iyo kuwa hurdada ku daaha waxay u badan tahay in ay cudurro ku dhacaan. laakiin ma cadda in hurdada ay tahay waxa sababa cudurada ama calaamad u tahay sababta xanuunka iyo nolol aan caafimaad lahayn. Dadka hurdada yar waxaa lagu tilmaamay kuwa hurda in ka yar lix saacadood, halka kuwa hurdada badanna la sheegay in ay hurdaan in ka badan sagaal ama 10 saacadood, habeenkiiba. caruurta waxaa laga doonayaa in ay hurdaan 11 saacadood habeenkii, maalinta oo dhanna 18 saacadood. Kuwa...

Gabadh Muslim ah oo la qiirootay hadiyad la siiyay

Lahaanshaha sawirka SHEZA HASAN Image caption Boombalada Xijaaban ayaa ah kuwa gacanta lagu sameeyay Haweenay Muslim ah oo ka soo jeeda magaalada Ontario, ee dalka Canada,ayaa uga mahadcelisay qof aan la qoon oo Hadyad ahaan ugu keenay 25 Boombala oo xiran Xijaab . Sheza Hasan ayaa markii ay gurigeeda dib ugu soo laabatay waxay Albaabka laga soo galo ka heshay Sanduuq ay dulsaaran tahay warqad ay fariin ku qoran tahay. Markii ay Sanduuqa furtay waxay gudihiisa ka heshay Boombalo loo xiray Xijaab. Ms Hasan ayaa barteeda Facebook soo galisay Sawirada Hadyaddan la yaabka leh . Sawirada ay soo galisay Facebook ayaa waxay soo jiiteen dad badan islamarkana wadaagay oo sii baahiyay . "Dareenka qaar ayaa waxa uu yahay mid taabanaya qalbigaaga,"ayay soo qortay. "Naf la yaab leh oo aan la aqoon ayaa xirmadani Hadyadda dhigtay Albaabkeyda ayay intaa ku dartay. "Qoraal yar oo macaan oo la socoday xirmadan ayaa la iigu sheegay in ay ogaatay in aysan jirin Bombalo ...

Soomaaliya maloo dalxiis tagi karaa?

Buuraha Calmadoow ee gobolka Sanaag Shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 27-da bisha sabtembar, 2017-ka waxaa magaalada Muqdisho laga xusay maalinta dalxiiska adduuunka, waxaana xuska ka qeybgalay mas'uuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo sheegay in la gaaray xiligii loo soo dalxiis tagi lahaa Soomaaliya. Xuskan ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii Soomaaliya ay ku biirtay ururka dalxiiska Qaramada Midoobay ee UNWTO. Haddaba qormadan waxa aan kaga hadlay fursadaha iyo caqabadaha jira. Meelaha loo dalxiis tago Soomaaliya Lahaanshaha sawirka CALI DUCAALE Image caption Goobweyn waa halka ay isaga daraan wabiga Jubba iyo badweynta Hindiya waxayna ka mid tahay meelaha loo dalxiis tago Wasaaradda dalxiiska Soomaaliya ayaa 7 goobood oo dalka ka mid ah si hordhac ah ugu astaysay in ay yihiin goobo loo dalxiis tago, waxaana ka mid ah xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo tan Liido ee Muqdisho. Meelahan waa kuwa ugu mashquulka badan dalka, waxaana usoo dalxiis taga dadka...

Japan ayaa dhisaysa kombuterka ugu wayn adduunka uguna dhaqsaha badan

Kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ayaa hadda ah kombuterka ugu wayn Japan ayaa bilowday mashruuc ay ku dhisayso kombuterka ugu wayn ee ugu dhaqsaha badan dhamaadka sanadka 2017. Japan waxay sheegtay in la qorshaynayo in lagu qarash gareeyo £140 milyan si loo sameeyo kombuterka AI Bridging Cloud (AIBC). Waxay rajaynaysaa in AIBC uu ku shaqayn doono xawaare gaaraya 130 petaflops, oo ka dhaqso badan kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ee ah kan ugu dhaqsaha badan. Mashiinka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo daraasaadka xogta tirada badan ayay sheegtay Japan Shaqada ugu horeeya ee uu qaban doono kombuterka ayaa waxay noqon kartaa daraasaad caafimaad ama shaqo lagu horumarinayo borogaraam kombuterka loo isticmaalo baabuurta aan darawalka lahayn iyo mashiinada robot-ka ah. Awoodda kombuterka AIBC, ee la filayo ayaa ka dhaqso badnaan doonta 93 petaflops oo uu hadda yahay kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha, kaasoo meesha ugu saraysa ee uu gaari karo ay ...

Dubai oo hawlgelisay qalab qabanaya shaqada booliska

Askerigan mashiinka laga sameeyay ayaa waardiyeen doono goobaha dalxiiska Bioliiska Dubai ayaa soo bandhigay markii ugu horreysay askeri mashiin ah (robot) oo ka hawlgali doona xarummaha muhiimka ah ee magaalada. Dadka ayaa qalabkan u adeegsan doono inay u gudbiyaan wararka la xiriira dambiyada. Waxaa kale oo ay u adeegsan doonaan inay ku bixiyaan lacagaha ganaaxa ah iyagoo gujin doono dhalo xabadka ugu xiran askerigan mashiinka ah. Macluumaadka uu helo wuxuu la wadaagi doonaa boliiska waddooyinka. Dowladdu waxay leedahay boqolkiiba 25 hawsha ay booliska qabtaan ayay mashiinnadan ku wareegi doontaa marka la gaaro sannadka 2030-ka. "Ujeedada ma ahan inaan mashiino ku badalno askarta," ayuu yiri Khaalid Al Razooqi, oo ka tirsan booliska Dubai. "Iyadoo tirada dadka ku nool Dubai ay sii kordheyso, waxaan qorsheynaynaa in saraakiisha booliska aan awoodooda isugu gayno sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada'', ayuu raaciyay Khaalid. bbc

Sawirro shimbiro laga qaaday oo abaal marin lagu mutaystay

Tartan loogu talogalay in lagu xuso kala duwanaanta iyo nolosha shimbiraha ayaa waxaa abaalmarinta koowaad heley sawir laga qaaday balanboolo ALEJANDRO PRIETO ROJAS Sawir qaadaha lagu magacaabo Alejandro Prieto Rojas ayaa abaalmarinta koowaad ku heley sawirkan oo uu ka qaaday tuulada Rio Lagartos, Mexico. MARKUS VARESVUO Markus Varesvuo ayaa heley abaalmarinta layli sawireedka ugu wanaagsan GABOR KAPUS Gabor Kapus ayaa dabin u dhigay shimbiro, balse ka hor intii aysan ku dhicin ayaa waxaa soo dhexgashay dawacadan, sawirkan ayaase soo baxay quruxda badan BEN HALL Ben Hall ayaa sawiray haadkan dul hoganaya buuraha Torres del Paine National Park, Chile. JAMIE HALL Jamie Hall ayaa kaamaradiisa ku rakibtay cayayaan dhintay gadaashiis si uu u sawirro shimbirta qaadan doonta. PIOTR CHARA Sawir-qaade Piotr Charan ayaa sawirkan ka qaaday dooxada Odra , ee galbeedka Poland BRET CHARMAN Bret Charman ayaa isaguna tantanka sawirada shimbiraha...

Meere astaamo dhulka la mid ah leh oo la ogaaday

Sawir gacmeed laga sameeyey meeraha GJ 1132b Saynisyahanno ayaa sheegay in ay markii ugu horreysay ogaadeen jawi (atmosphere) la mid ah kan koonkan aan ku nool nahay oo ku xeeran meere dhulka la mid ah. Waxay daraasad ku sameeyeen duni kale oo loo yaqaanno GJ 1132b, taasoo 1.4 goor ka weyn dhulka, noona jirta fogaan ah 39 sannad-iftiin. Sannad-iftiin (light year) ayaa ah halbeeg lagu qiyaaso masaafada uu sannadkii iftiinku jari karo marka uu dhex socdo meel maran, wuxuuna halkii sannad-iftiin la mid yahay 9.5 trilyan oo KM. Daraasadooda ayey ku ogaadeen in meerahaas uu ku gadaaman yahay dahaar ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal. Talaabadan ayaa loo arkaa horumar laga sameeyey baadigoobka loogu jiro in la helo noole ku nool meelo ka baxsan koonkan, iyo in wax laga ogaan karo jawiga meerayaasha, waxaase la sheegayaa in meerahaas uusan noqon karin meel nololi ka jiri ...

Shiinaha: Konton Mas ayaa baxsaday

Saraakiisha bariga Shiinaha ayaa baadi goobaya in ka badan konton mas oo nooca Kobraha ah, oo laga waayay beer si sharci darro ah loogu xannaaneynayay. In kabadan laba boqol oo mas ah ayaa baxsaday bishii Agoosto. Beeraleyda haystay masaskaasi ayaa u sheegay booliska in ay isku dayayeen in ay soo qabtaan ayaga oo aan wergelin masuuliyiinta. Masaska baxsaday ayaa la ogaaday ka dib markii mid ka mid ah laga helay guri ku dhexyaal beer, taa oo cabsi gelisay dadkii halkaasi ku noolaa. Dowladda hoose ayaa u laab qaboojisay dadweynaha, ayadoo sheegtay in ay heyso daawo ku filan oo lagula dagaallami karo sunta masaskaasi, haddii uu qaniino dadka ka hor inta aanan masaskaasi la helin.

Cadaabtii ifka": Xabsi Liibiya ku yaal oo tahriibeyaal lagu hayo

Lahaanshaha sawirka . Image caption Wax lagu quudiyaan lahayn maxaabiistan Hennessy Manjing halista badduu u badheedhayaa, waa 18 jir ka yimid South Sudan waanu ogyahay in uu ku dhiman karo safarkan halista badan ee uu doonayo inuu Liibiya kag tago oo ku galo Yurub. Sanadkan waxa badda Mediterranean-ka ku dhintay qiyaastii 2,400 oo qof oo tahriiba. Laakiin intii aanu soo gaadhin Liibiya, Hennessy waa la af-duubay, la garaacay marna waaba la toogan gaadhay. Wuxu sheegay in uu dalkiisii ka soo kicitimay 2016-kii markii qoyskiisa loogu hanjabay in la layn doono. Haatan wuxu ku xidhan yahay xabsiga Triq al-Sika oo ku yaal badhtamaha Tripoli, halkaas oo 1,000 oo kale ku jiraan. Dadka halkaa ku jira badankoodu waa Afrikaan shaqo doon ahaa oo la soo qabtay iyagoo doonaya in ay xeebta doonoyo ka raacaan. Waxaanay ku jiraan bakhaar weyn oo aan meel laga neefsado iyo laydh toona lahayn. Kulaylka daran ee jira dartii ayay isku wada dhegeen, lugahay is wada dhaafsadeen oo xataa meel ay ku k...