Skip to main content

Gabadh Muslim ah oo la qiirootay hadiyad la siiyay

Boombalada Xijaaban ayaa ah kuwa gacanta lagu sameeyayLahaanshaha sawirkaSHEZA HASAN
Image captionBoombalada Xijaaban ayaa ah kuwa gacanta lagu sameeyay
Haweenay Muslim ah oo ka soo jeeda magaalada Ontario, ee dalka Canada,ayaa uga mahadcelisay qof aan la qoon oo Hadyad ahaan ugu keenay 25 Boombala oo xiran Xijaab .
Sheza Hasan ayaa markii ay gurigeeda dib ugu soo laabatay waxay Albaabka laga soo galo ka heshay Sanduuq ay dulsaaran tahay warqad ay fariin ku qoran tahay.
Markii ay Sanduuqa furtay waxay gudihiisa ka heshay Boombalo loo xiray Xijaab.
Ms Hasan ayaa barteeda Facebook soo galisay Sawirada Hadyaddan la yaabka leh .
Sawirada ay soo galisay Facebook ayaa waxay soo jiiteen dad badan islamarkana wadaagay oo sii baahiyay .
"Dareenka qaar ayaa waxa uu yahay mid taabanaya qalbigaaga,"ayay soo qortay.
"Naf la yaab leh oo aan la aqoon ayaa xirmadani Hadyadda dhigtay Albaabkeyda ayay intaa ku dartay.
"Qoraal yar oo macaan oo la socoday xirmadan ayaa la iigu sheegay in ay ogaatay in aysan jirin Bombalo xijaaban oo Suuqyada yaalla islamarkana ay aniga noo samaysay 25 Boombalo oo Xijaaban," ayay tiri Ms Hasan.
Image copyrightSHEZA HASAN
Warqadda Albaabka loo dhigayLahaanshaha sawirkaSHEZA HASAN
Image captionWarqadda Albaabka loo dhigay Gabadha
Sheza Hasan ayaa sheegtay in arrintan ay xusuusisay in mar waliba ay jiraan dad badan oo wanaagsan.
Sheza ayaa intaa ku dartay in arintan ay dhiirigalin u noqtay .
Sheekada Ms Hasan ayaa waxa wadaagtay kumanaan qof oo isticmaala baraha bulshada,waxaana tabiyay warbaahinta dowlada Canada ee CBC.
"Jawaabta waxa ay ahayd mid ka sareysa intii aan filayay," ayay ku sheegtay qoraal kale oo ay soo dhigtay Facebook.
"In aan fariisto Kamarada horteeda xaqiiqdii waa mid igu adag." ayay raacisya.
Sheza Hasan ayaa sheegtay in marka ay dadka arkaan Gabadh Muslim ah oo TV-ga ka hadlaysa ay badalayso fikirkii ay ka haysteen Muslimiinta.
Sheza Hasan,(Bidix ) iyo QoyskeedaLahaanshaha sawirkaSHEZA HASAN
Image captionSheza Hasan,(Bidix ) iyo Qoyskeeda
Waxa ay carabka ku adkeysay in mar waliba ay u mahadcelinayso qofka aan la aqoon heebtiisa ee meesha u dhigay Boombalada Xijaaban ee Hadyadda ah.
"Waxa aan si naxariis leh kaaga codsanayaa in aad ii timaado," ayay tiri Mrs Hasan.
"Waxay tusaale u noqonaysaa dadka kale in ay arkaan oo ay dhiiri galin u nqoto " ayay intaa ku dartay.

bbc

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...