Skip to main content

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Nin ku jira Ambulance, aye ka qaadaeen Bariga Xalabbeing Bisha Cas & Laanqayrta Cas arbacadii 7 December 2016Image copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image captionDagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen
Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan.
Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah.
Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas.
Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan.
Annaga, Ururka bisha cas ee Suuriya iyo ICRC waxaynnu halkaasi u joognay inaan ka wadno dadkaasi Bariga magaalada Xalab.
Bareelo la sido wadooyinka Bariga Xalab Bisha cas & laanqayrta cas Arbaco 7 December 2016Image copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image caption"Meesha dhamaadka aduunka" sida inay caro soo burqatay"
Waxa ay aheyd goor horaba gudcur sida aynnu ku soconnay jidadka cariiriga ah ee magaalada qaddiimiga ah, waan aqiin deegaankan dagaalka ka hor, waxay ahayd meel camiran oo kobcaysa.
Hadda, waa dukun daakun. Jidadka ma aqoonsan karo, iskaba ilow dhismayaasha. Magaalo bahallo galeen oo sida dhagixii u burburtay, Meel aduunku ku dhamaaday, sida caro burqatay.
Dhawaaqa rasaasta cabsida leh ayaa meel dheer laga maqlayaa, ma jiro wax buuq ah, dad ma joogo.
Waa innaynu xoogaa lugaynnaa ilaa ugu dambayn dhamaadka, waayo gawaaridu ma gudbi karaan.
Meel halkaas ah waxaa ka muuqda, laba guri oo burbursan. Mid waa ragga, midnna waa haweenka.
Waxaan galay dayrka. Koox ka mid ah bukaanka oo rasaas haleeshay ayaa jooga Waxay gashanayeen waxooga dhar ah wayna gariirayeen. Qaar ayaa jahwareersanaa waxay ahaayeen kuwo aad isagu dhow midba midka kale ayuu garabka ku hayey, hareerahooda ayay eegayeen,iyagoo isku dayaya midba kan kale uu ku xasilo.Dhinaca kale waxaa yaalay maydad, waxaa laga yabaa ilaa tobaneeyo.
Waan aqiin ninka xarunta maamula, waynnu la kulanay, waxaynnu ogaanay in gabi ahaaba qoyskiisii ay geeriyoodeen sadex maalin ka hor: waxaa ka mid ahaa xaaskiisii, wiilkiisii iyo wiil uu awoowe u yahay . Halkan ayuu keenay qoysiisa waayo wuxuu is lahaa ma jirto cid weeraraysa xaruntan. Meydka dayrkaa yiil qaarkood waxay ahaayeen xubnihii qoyskiisa.
Gabar lagu riixayo gaariga cuuryaamiinta ayaa waxaa riixaya Laanqayrat iyo bisha casImage copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image captionDhakhaatiirta oo doonaya inay ogaadaan dadka sida aadka ah ugu baahan in la qaxiyo
Qol ay ka buuxaan meydadka dulsaaran sariiraha yaal guriga dadka waayeelka ah ee bariga Xalab, Arbaco 7 December 2016Image copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image captionMeydad ayaa ag dhooban dadka nool
Gudcur ayaa is xidhay, heer kulkii ayaa aad hoos u dhacday, markaa waa inaan dhaqso u baxnaa. Waxaan aqoonsannay kuwa aadka ugu baahan caawinaadda. Intii aan hawsha ku jiray nin waayeel ayaa horteenna qabow ugu geeriyooday.
Daawo ma leh. qalabka la isku diiriyo ma jiro. Ma jiro shidaal cunto lagu karsado.Waxaan eegay dhismayaasha innoo dhaw si aan u eego bal wax dad ah, laakiin ma aanay jirin.
Laakiin waxaa jiray mayd kale. Waan u jeednay, laakiin wuxuu ku hoos jiray dhisme burburay. Ma jirin wax aan u qaban karnay,
Daadgurayntu ma ahan mid sahlan. Badi, gaar ahaan kuwa maskaxda ka jiran ma doonayn inay baxaan. Way jahwareersanayeen, ciirsi la'aan ayay ahaayeen. maba aanay garowsanayn inay ku nool yihiin aag dagaal.
Qaar ayaa halkaas ku noolaa afar illaa shan sano. Wax kalaba ma aanayn garanayn "Ma lihin qaraabo kale, ma haysanno meel kale oo aynnu aadnno," qaarbaa lahaa waxaan doorbidaynnaa inaan halkan iska joogno".
Ka dibna ciidammo ayaa yimid. Waxay wadeen lix caruur ah. Waxay ka soo heleen burburka, way dhunsanaayeen, ciirsi la'aan ayay ahaayen, gabar todobo sano jir ah ayaa ugu waynayd, kan ugu yarnna wuxuu ahaa wiil 7 bilood jir ah, waxba ma aanay cunin muddo laba maalmood ah.
Iyagu dhammaantood hadda uun ayay agoon noqdeen oo waalkood ayaa ku dhintay bam dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Waxba, ma haystaan, cidnna ma haystaan, Maxaad oran kartaa?,
Nin gacanta katiinad kaga xiran ayaa la dhigayaa gaari ambulance, bariga Xalab Arbaco 7 December 2016Image copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image captionBisha & laanqayrta cas waxay daadgureeyeen dadka dhaawaca ah, kuwa waayeelka ah iyo kuwa naafada ah ee maskaxda ka jiran
Qof ka shaqeeya bisha cas iyo qof naafo ah, Xalab Arbaco 7 December 2017Image copyrightSYRIAN ARAB RED CRESCENT
Image captionQaar ka mid ah dadka maskaxda ka jiran ayaan doonayn inay baxaan
Xarunta gudaheeda 18 qof ayaa doonaya inay joogaan waayo ma haystaan meel ay aadaan. Waxaan rajeynayaa innaan dib ugu laabto oo aan u wax uun caawimaad ah u fidi
Cutub cusub dagaalka ahliga ah:
Dadkan waxay nolashooda ku waayeen dagaalkan foosha xun kaasi oo aannay shaqo ku lahay, oo aysanna go'aansan inay ka qayb qaataan. Waa kuwa ugu nugul dadka nugul. Mana jirto cid badbaadisay.
Tani ma ahan kumaa saxan iyo kuwaa qaldan, kumaa guulaysanaya iyo kumaa guuldaraysanaya. . Tani waxay ku saabsan tahay dadka, jidh iyo dhiig, aadanaha. Dhiigbax, dhimanayaan, loo dhigay Agoonta, maalin kasta. Waxa laga hadlayaa waa jirka iyo dhiigga, Bini'aadam ayaa dhiig baxaya, waxaa laga dhigayaa waalid la'aan maalin kasta.
Waxaan dareemayaa murugo aad u wayn maanta. Fadlan dagaalku waa in uu xad yeeshaa.

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...