Skip to main content

Shimbir ka soo dhoofay Shiinaha oo saaka yimid Muqdisho!!

shimbir



Shimbirka Meng, ayaa safar dhib badan kadib nabad yimid Soomaaliya oo uu hadda ku suganyahay xeebaha Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Meng,ayaa lagu soo xiray aalad muujineysa halka uu marayo,ka hor inta uusan ka soo tagin waqooyiga Dalka Shiinaha.
Shimbirkan oo uu leeyahay Nin Ingiriiska u dhashay oo ku nool Beijing Shimbire, dhaqalaeysna ah ayaa waxaa la soo diray isaga iyo Shimbiro kale kuwaas oo kala aaday Waddamada Kenya iyo Tanzania.
Shimbirahan waxaa  la soo diray Bishii September ee Sanadkan,waxaana ay ku qaadatay in uu mid ka mid ah oo ah Meng uu yimaado Soomaaliya masaafo dhan 3,400KM oo aan hakad lahayn ilaa Hindiya oo uu safarkiisa tooska ah ka soo billaabay.
Shimbirka ayaa Saaka oo Talaado ah ka soo dagay xeebta Muqdisho,waxaana uu wali ku suganyahay xeebta,iyada oo ninka Shimbirkan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay in uu ka leeyahay  horumarinya degaanka iyo noolaha kale.
Shimbirka ayaa intii uu ku soo jiray Safarka waxaa uu la kulmay dabeyl aad u xoogbadan inkasta oo uu ugu dambeyntii yimid Muqdisho.
Meng,oo micnaheedu yahay (Shimbirka Riyada), ayaa waxaa uu ka mid yahay xeyn Shimbiro ah oo uu leeyahay Terry Townshend, oo Shimbire dhaqaaleys Ingiriis ah,waxaana uu u dhaq dhaqaaqaa bad baadada degaanka .
Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa Flappy  iyo Skybomb ,waxaana Flappy uu joogaa Kenya muddo bil ah isaga oo ka soo hormaray Meng,waxaana uu 15 jeer galay Sohdinta Soomaaliya ka hor inta uusan Meng iman Soomaaliya.
Nasiib darro mar ayaa Flappy laga waayay Sinyaalaha ama signalka xogta keydiya inkasta oo dib loo helay markii dambe,kadib markii uu dib ugu laabtay halkii loogu talagalay oo ahayd Kenya.
Meng, imaanshihiisa Soomaaliya ayaa aad uu u soo dhameeyay milkiolaha iyo ardeyda saaxiibadii ah ah oo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal haya booqashada Meng ee Soomaaliya.
Xigasho:Africa Times.



mstqbl rdo

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...