Skip to main content

Waa maxay sababta ay qaaliga u tahay diyaaradda madaxwaynaha Maraykanka?

  • 8 Disembar 2016
Air Force One - oo sii galaysa Cuba, wakhti dheerna waxaa loo arkayay in ay calaamad u tahay awoodda MaraykankaImage copyrightAir Force One - oo sii galaysa Cuba, wakhti dheerna waxaa loo arkayay in ay calaamad u tahay awoodda Maraykanka
Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay 3.2 bilyan oo doolar u isticmaasho mashruuc lagu badalayo diyaaradda uu madaxwaynuhu isticmaallo ee Air Force One, laakiin madaxdwaynaha la doortay Donald Trump ayaan arrintaas ku faraxsanayn.
Trump waxa uu hadda ku talinayaa in la joogo wakhtigii laga laaban lahaa dalabka soo iibsashada diyaaradaas.
Waa maxay sababta ay qaali u tahay diyaaradan caanka ah?

Midda koobaad

Air Force One at Joint Base Andrews in Maryland on 6 December 2016Image copyrightREUTERS
Diyaaradda Air Force One, ma aha hal diyaarad oo kali ah ee waxaa magacaas qaata, diyaarad kaste oo ciidammada cirku leeyihiin oo uu madaxwaynuhu raaco.
Waa naadir in madaxwaynuhu uu raaco diyaaradaha rakaabka, waana taasi sababta madaxwaynaha loogu sameeyay diyaaradda uu nooceedu yahay 747-200 oo ah diyaarad millatari oo loogu talagalay in uu isticmaalo madaxwaynaha Maraykanka oo ah taliyaha guud ee ciidammada.
Nooca diyaaradani waxay hawl gashay 1990-meeyadii, wakhtigeeduna wuu sii dhamaanayaa, sidaa darteed milatariga ayaa dalbay nooc cusub oo ah 747-8.

Cudud milatari

Diyaradan waxay leedahay xarun talis oo guurguurta oo madaxwaynaha Maraykanku uu dalka ka maamuli karo hawada haddii weerar lagu qaado, sida uu sheegay aqalka cad ee Maraykanku
Diyaaradda Air Force One ee hadda dhererkeedu waa in kabadan 60ft midda la rabo in lagu badalo ayaase ka sii dheeraan doontaImage copyrightAP
Image captionDiyaaradda Air Force One ee hadda dhererkeedu waa in kabadan 60ft midda la rabo in lagu badalo ayaase ka sii dheeraan doonta

Diyaarad taas ka wayn oo ka fiican

Waraysi uu Trump siiyay jariiradda Rolling Stone sanadkii hore ayuu ku sheegay in diyaaraddiisa shaqsigu ay ka wayntahay midda madaxwaynaha ee Air Force One
Taas Run ma aha
Diyaaradda Trump ee nooceedu yahay 757-200 dhankaste way ooga yartahay sida lagu sheegay qeexitaanka shirkadda diyaaradaha ee Boeing.
Diyaaradda qaaliga ah ee Trum ayaa ka yar midda uu sida rasmiga ah u adeegsan doono hadda wixii ka dambeeyaImage copyrightGETTY IMAGES
Image captionDiyaaradda qaaliga ah ee Trum ayaa ka yar midda uu sida rasmiga ah u adeegsan doono hadda wixii ka dambeeya
Diyaaradda Air Force One waa ay ka badin kartaa diyaaradaha gaarka loo leeyahay.
Masaafo ka dheer kuwa kale ayay duuli kartaa iyada oo awoodda in ay hal duulimaad kaga baxdo Washington oo ay ku gaarto Hong Kong, sidoo kale waxay awoodaa in ay hawada shidaal ku qaadato.
Waxaa laga yaabaa in diyaaradda Air Force One aysan ku xirnayn dahabyo sida midda Trump, balse waxyaabo kale oo cajiib ah ayay leedahay.
Air Force One hadda waxay leedahay saddex dabaq cabirkeeduna waa 400 oo mitir oo isku wareeg ah, waxaana ka mid ah xafiis gaar ah oo madaxwaynuhu leeyahay, xarun shir iyo xataa Jiim ama meel jimicsiga loogu talogalay
Jikada diyaaradda oo koox cunto kariyeyaal ah ay ka shaqeeyaan waxay hal mar quudin kartaa boqol ruux, qabanqaabadase waxaa sameeya cunto kariyeyaal milatari ah kuwaas oo xaqijiya in waxa la karinayo oo dhan ay bad qabaan.
Weriyeyaasha halkii marba diyaaradda la raaci kara madaxwaynaha waa 13, sirdoonka ayaana aad u baara ka hor duulimaadka iyo marka ay gudaha diyaaradda u galayaanba.
Weriyeyaasha waxaana la jooga sirdoon hubaysan kuwaas oo xakameeya dhaqdhaqaaqooda.
Sugitaanka ammaanka ee noocaas ahna wuu ka jiraa diyaaradda inteeda kale.
Qaybta madaxwaynuhu waxay ku taalaa dhinaca hore, meesha loo sii marana waxaa ku yaalla labo kursi oo ay markaste fariistaan sirdoonku.
Diyaaraddu waxaa kale oo ay leedahay xarun caafimaad oo u hawlgali karta sidii qayb qalliin markastana Dakhtar ayaa jooga.

Safar qaali ah

Dabcan waxaas oo dhan qiimaha ayay ku sii kordhinaysaa diyaaradda khaaska ah ee madaxwaynaha.
Diyaaradda Air Force One waxaa lagu qiyaasaa in ay saacad kaste ku baxdo 180,000 ilaa 200,000 oo doolar.
Taas ayaana ahayd waxyaabihii uu Trump ku dhaliilay Obama markii uu adeegsaday diyaaradda isaga oo u ol'olaynaya Hillary Clinton.
Haddii madaxwaynaha la doortay uu doonayo in uu diyaaradaha ka bilaabo yaraynta kharashka ku baxa safarada madaxwaynaha, taasi waa billaw uun.


bbc

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...