Skip to main content

Saddex bangi ayaa lagu ganaaxay £413 oo milyan kadib markii ay badaleen dulsaarka ay lacagaha bangiyada ku kala ammaahdaan



The offices of global financial institutions at Canary WharfImage copyright

Guddiga Yurub ayaa ku ganaaxay saddex bangi £413 oo milyan, kadib markii ay badaleen qiimaha lacagta dulsaarka Euribor ee bangiyada yurub ay lacagta ku kala ammaahdaan.
Qiimaha Euribor ayaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo ammaahyo badan oo balaayiin euro ah.
Guddiga Yurub ayaa ganaaxay siddeed bangi oo ay ku jiraan HSBC, JPMorgan iyo Credit Agricole iyagoo si sharci daro ah u wadaagay xog ku saabsan Euribor, si ay u sameeyaan faa'iido ayuu sheegay guddiga.
Laba ka mid ah bangiyada, Barclays iyo UBS, ayaa laga cafiyay ganaaxa kadib markii ay sheegeen arrinta qaladka ah ee ay bangiyada samaynayaan.
JPMorgan iyo HSBC ayaa beeniyay inay qalad sameeyeen, waxayna sheegeen in laga yaabo inay racfaan ka qaataan go'aanka.
Barclays, Deutsche Bank, RBS iyo Societe Generale ayaa la ganaaxay 2013 qaybtii ay ku lahaayeen badalida dulsaarka iyagoo bixiyay £1.4 bilyan.
Gudoomiyaha, Margrethe Vestager, ayaa sheegay: "Bangiyada waa inay xushmeeyaan sharciyada Midowga Yurub ee tartanka sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya suuqa Yurub".
Guddiga ayaa ku ganaaxay JPMorgan Chase €337m, Credit Agricole €115m, iyo HSBC €34m.

Meelaha lagu sheekaysanayay

Baaritaanka ayaa lagu helay in ay isla wada shaqaynayeen bangiyada inta u dhaxaysay September 2005 ilaa May 2008.
Shaqaalaha bangiga ayaa isticmaalay internetka meelaha lagu sheekaysto (chat rooms) iyo (instant messaging) iyagoo ka hadlaya qiimaha la doonayo inuu noqdo dulsaarka Euribor. Euribore ayaa ah dulsaarka ay bangiyada lacagaha ku kala ammaahdan.
Arrintan ayaa wax ka badashay qiimaha ammaahyada dadka la siiyo, sida ammaahyada guryaha lagu gato iyo kuwa ay qaataan ardayda jaamacadaha dhigta.
Afhayeenka JP Morgan ayaa sheegtay in bangiga uusan samayn wax qalad ah.
"waan la shaqaynay Guddiga Yurub shantii sano ee uu socday baaritaanka," ayay tiri.
"Ma samayn wax qalad ah oo ku saabsan qiimaha Euribor. Waxaan sii wadaynaa inaan iska difaacno eedeymaha, oo ay ku jirto inaan racfaan ka qaadano maxkamadda Yurub."

'Talaabooyin sharci'

Afhayeenka HSBC ayaa sheegay : "Waxaan aaminsanahay inaa ka qayb qaadan talaabo ka soo horjeeda tartanka. Waxaan dib u eegaynaa go'aanka Guddiga Yurub waxaana fiirinaynaa talaabooyinka sharci ee noo banaan."


bbc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...