Dhacdooyin iyo aqoon xaqiiq ku saleysan nagala soco
Search This Blog
Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017
Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionWaa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra.
Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionSawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival
Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray dabaaldegga bariiska Jollof 20 August 2017.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigaa qoob ka cayaar, waxayna dadka cunnada jecel dhadhamiyaan Jollof.
Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionTaareerayaasha Joao Lourenco (ma muuqdo), murashaxa xisbiga MPLA oo qaylinaya intii lagu jiray ololaha doorashada Angola. Waxay ka qayb galayaan isu soo bax ka dhacay Luanda 19 August 2017.
Murashaxa MPLA waxa aad loogu saadaaliyey inuu noqonayo madaxweynaha xiga ee Angola, ka dib markiiuu Jose Eduardo dos Santos go'aansaday inuu xukunka ka dego, 38 sano oo uu dalkaas xukumayey ka dib. '
Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionTaageerayaasha Isaias Samakuva (halkan kama muuqdo), oo ah murashaxa UNITA ayaa kor u haya diiq madow taasoo ah astaanta Xisbiga.
Maalintii xigtay ayaa taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka waxay la yimaadeen diiq madow oo astaan u ah xisbigooda UNITA.
Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionTaageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo ka tirsan isbahaysiga NASA oo ku banaanbaxaya dibadda maxkamadda sare ee Nairobi, August 18, 2017.
Mucaaradku waxay boolisku ku eedeeyeen inay adeegsadeen awood xad dhaaf ah mar ay kala eryayeen dad mudaaharaadayey. Boolisku arrintaas waa beeniyey.
Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionMadaxweynaha Nayjeeriya Muhammadu Buhari oo garoonka dayaaradaha ee Abuja ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah barasaabyada gobollada Nayjeeriya August 19, 2017, ka dib mafkii uu ka soo noqday safar caafimaad.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDad mudaaharaadaya oo sita boor ay ku diiddan yihiin argagixisada, bartamaha magaalada Ouagadougou, August 19, 2017, ka dib weerar dhawaan ka dhacay halkaas oo 18 qof ay ku dhinteen.
Dadka mudaaharaadayey ayaa ka cabanayey dilka 18qof oo qof jihaad doon ah uu ku dilay makhaayad laga cuno cunnada Turkiga.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionSawirkan waxaa la qaaday August 15, 2017, waxaana ka muuqda carruur ku dheelaysa biyaha wabiga Chari ee magaalada N"Djamena, oo xarun u ah Chad.
Sawirkan waxaa la qaaday August 15, 2017, waxaana ka muuqda carruur ku dheelaysa biyaha wabiga Chari ee magaalada N"Djamena, oo xarun u ah Chad. Waa meel aan ka fogayn xuduudda Kaameruun.
Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionWaalidiin Masaari ah oo ilmo aad u yar baraya sida loo dabaasho, taasoo ah waxa ugu horreeya ee ilmaha lagu baro iskuul ku yaalla Qaahira oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah. Sawirka waxaa qaaday August 15, 2017, Amr Abdallah Dalsh oo ka tirsan Reuters.
Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa PATRICIA MUELLER Geed wayn ...
Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...
Comments
Post a Comment