Skip to main content

Dhibka xoonka dheeftiisaa ka badan

Wasp

Cilmi-baaris cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa waxtarka iyo faa'iidooyinka badan ee uu deegaanka u leeyahay xoonka oo ah nooc ka mid ah cayayaanka.
Waxa kaliya ee fasaxaaga xagaaga qasi kara waa noolahan yare ee qaniinyada kulul, kuna dul dega cuntadaada ama cabitaankaaga, dadka inta baddana way dhibsadaan.
Malaha waxa uu ka mid yahay noolayaasha laga haysto fikradaha khaldan, loona baahanyahay in wacyigalin laga sameeyo.
Cilmi-baarista cusub ayaa waxa ay ku doodaysaa in uusan ka faa'iido yarayn noolaha kale ee ay isku bahda yihiin ee shinnida.

Noocyada xoonka

Xoonku wuxuu leeyahay noocyo aad u badan, dalka UK oo kaliya waxaa la diiwaangaliyey wax ka badan 9,000 oo nooc oo xoon ah.
Waxa uu noolyahay koox koox, koox kastana waxa waxa ay leedahay shaqo u gaar ah, iyaga oo xitaa leh heykal hoggaameed oo ay boqorada hoggaamiso.
Inta badan xoonka waa mid u nool kali kali, kuwo ayaa aad u yaryar oo ay xitaa adagtahay in la arko.
Xoonka waxa uu dhistaa buul dhoobo ka samaysan oo ay ka qeybqaataan koox badan oo xoon ah.
Waxa uu awood u leeyahay in uu dhisto hoy adag oo muddo aad u dheer jiri kara, ayna adagtahay in uu u dumo si sahlan.
Xoonka labka ah isagu kama qeyb qaato wax shaqo ah, wuxuuna ka dhashaa ukunta boqorada ee shaqaalaha ma dhalaan xoonka labka ah.
Inkasta oo aysan samaynin wax malab ah, haddana waxa ay xagga waxtarka deegaanka kala mid yihiin shinnida.
XoonLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Xoonka waxa u cunaa cayayaanka dhibaatada ku ah beeraha iyo deegaanka intiisa kale, waxaana lagu qiyaasay UK oo kaliya in sanad kasta uu xoonka cuno 14 milyan kiilo garaam oo xasharaad ah.
Sidoo kale xoonka wuxuu ka qeybqaataa taranka dhirta, wuxuuna ku degaa ubax unugyada dhediga wadda, isaga oo marka dambana ku dega ubaxa geedka labka ah, sidaasina waxaa ku dhasha taran geedaha dhexdooda ah iyo bacrimin dabiici ah.
Maadaama xoonka aad u jecelyahay waxyaabaha sokorta ku badantahay ama macaan, mashruuc cilmi baaris ah oo lagu magacaabo Big Wasp Survey ayaa dadka ugu baaqaya in ay ka qeybqaataan daraasadda si wax badan looga ogaado noolahan layaabka leh.
Waxaa iska kaashanaya jaamacadda London, tan Cloucentershire iyo barnaamijka Countryfile ee BBC-da, waxaana la doonayaa in la helo xog ku filan oo ku saabsan noolahan.
Guud ahaan cayayaanka ayaa maraya marxalad aad u adag xili lagu jiro dunida oo cimilada oo sii kululaanaysa iyo isticmaalka sunta cayayaanka oo laynaysa noole badan oo deegaanka faa'iido u leh.
Inkasta oo ay jiraan barnaamijyo badan oo lagu daryeelo cayayaanka kale sida shinnida iyo balanbaalista, haddana kuwa badan oo kale oo xoonka ka mid yahay ayaa aad loo dayacay.
WaspLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...