Tareenka cusub ee nooca raaxada ee dalka Japan ee lagu magacaabo Shiki-shima ayaa billaabay safarkiisii ugu horreeyay isbuucan.
- Tareenkan oo lagu magacaabo Shiki-shima ayaa ah nooca raaxada. Tikitka lagu raaco qiimihiisu wuxuu u dhexeeyaa $2,000 ilaa iyo $10,000.
- Tareenkan raaxada badan ayaa safarkiisa billaabay 1 May.
- Wuxuu safarkiisa ka billaabay Tokyo waxa uuna ku sii socdaa magaalada jasiiradda ah ee Hokkaido.
- 34 rakaab ayuu qaadaaa tareenkan raaxad, sidaas darteed rakaabku iskuma qabsadaan fariisashada dhinaca daaqadaha.
- Halkan ayay rakaabku ku yara gam'i karaan marka ay daalaan.
- Tareenkan waxaa qorshihiisa la shaaciyay sanaddii 2014, waxaana leh shirkadda tareenada ee East Japan Railway.
- Tikidhada qaar waa la iibiyay ilaa iyo March 2018.
- Cunnada waxaa lagu diyaariyaa tareenka gudihiisa. Gabdhahan ayaa diyaar u ah inay kuu adeegaan
- Qaar ka mid ah cunnada tareenka aad ka heli kartid
- Dadka qaar ayaa ku tilmaamay inay tahay qaab kale oo ay lacag ku khasaarinayaan dadka maalqabeenka ah
Comments
Post a Comment