Skip to main content

Diyaaradii Muqdisho loo afduubtey 40 sano ka hor oo la dhigayo madxaf ku yaala Jarmalka

Sawir muujinaya diyaarad Lufthansa ay leedahay / ma ahan diyaaradii la afduubteyLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSawir muujinaya diyaarad Lufthansa ay leedahay / ma ahan diyaaradii la afduubtey
Sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan madxafka Dornier ee koonfurta dalka Jarmalka, waxaa la qorsheyanaa in madxafkaasi la geeyo haraadiga diyaaradii Lufthansa ee nooceedu ahaa Boeing 737 ee 40 sano ka hor laga soo furtey magaalada Muqdisho kadib markii ay afduubteen kooxo Falastiiniyiin ah.
Diyaaradan ayaa waxa ay tiiley garoonka Fortaleza ee dalka Brazil, waxaana lasoo wareegtey wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka, waxaana la dhigayaa madxafka si ay astaan ugu noqoto 'dhabar adeega iyo geesinimada dadka Jarmalka' sida uu wargeyska Bild u sheegey wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel.
Bishii Oktoobar, 1977-dii ayay kooxo Falastiinyiin ah magaalada Frankfurt kasoo afduubteen diyaaradani, iyaga oo markii dambe kusoo dajiyey garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo markii dambe ay rakaabkii soo furteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jarmalka oo gacan ka helayay dowladdii militariga ee xiligaasi Soomaaliya ka talineysay.
Duulimaadka tirsigiisu ahaa 181 ayaa waxaa afduubtey koox falaago ah oo isugu jirey falastiiniyiin iyo lubnaaniyiin, kuwaasi oo mid ay haweeney ahayd, waxayna doonayeen in lasoo siidaayo rag ay jabhadda ka wada tirsanaayeen oo ku xirnaa xabsi ku yaala Jarmalka.
Diyaaradan ayaa waxa ay soo martay magaalooyinka Roma, Dubai iyo Cadan, iyada oo kama dambays soo cago dhigatay magaalada Muqdisho.
Waxa ay afduubayaasha dileen duuliyihii diyaarada markii ay Muqdisho yimaadeen.
Wadahadal iyo heshiis dhexmaray dowladdii Jarmalka Galbeed iyo dowladdii Soomaaliya ayaa waxa uu suurtogaliyey in Muqdisho ay kasoo dagaan unug ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababar ee dalkaasi Jarmalka, kuwaasi oo ku guuleystey in ay galaan diyaarada , kadibna soo furtaan 83 qof oo ahaa rakaabkii diyaaradda.
Waxaa hawlgalka lagu diley 2 ka mid ah afduubayaasha , labadii kalana waa la dhaawacay.
Dhacdadani waxa ay horseedey xiriir dublamaasiyadeed oo wanaagsan oo dhexmaray Soomaaliya iyo Jarmalka.


bbc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...