Skip to main content

Nin dhibaato kala kulmay in uu baasaboor qaato indho yaryaridiisa awgeed


Indhihiisa yaryar ayaa dib u dhigay in uu baasaboor qaatoImage copyright
Indhihiisa yaryar ayaa dib u dhigay in uu baasaboor qaato
Nin New Zealand u dhashay balse asal ahaan ka soo jeeda Aasiya ayay dhibaato qabsatay ka dib markii qalabkii baasaboorka samaynayay uu aqbali waayay sawirkiisa sababtuna ay ahayd qaabka ay u samaysan yihiin indhihiisa.
Qalabkii baasaboorka samaynayay ayaa sheegay in ay cilad jirto oo Richard Lee uu indhaha isku hayo, balse indhihiisa ayuu si fiican u kala hayay.
Balse Richard ayaa tilmamaay in arrintu aysan cunsuriyad ahayn ee ay tahay khalad ka dhacay wax aan bannii'adam ahayn oo qalab ah. ''wax dareen ah ma jiro'' ayuuna hadalkiisa sii raaciyay.
Wiilkan oo ah arday injineernimo barta ayaa sawirkiisa u diray wasaaradda arrimaha gudha isaga oo sii mariyay tiknoolajiyad hubisa sawirrada, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay wiilkaas oo 22 jirka ah.
Richard ayaa jaamacadda ka dhigta magaalada Melbourne, ee dalka Australia.
Wuxuu ku dhashay Taiwan balse wuxuu ku koray dalka New Zealand, wuxuuna rabay in uu cusboonaysiisto baasaboorkiisa si uu ugu laabta dalka Australia maadaama uu fasax u tagay New Zealand.
Markii u la xiriiray wasaaradda arrimaha gudaha waxaa loo sheegay in uu hoos ama har badan uu hayo indhihiisa. Sawir kale oo uu diray ayaase markii dambe la aqbalay baasaboorkiina waa loo cusboonaysiiyay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in boqolkiiba labaatan sawirrda online-ka lagu soo gudbiyo, iyadoo hanaanka la adeegsanayo uu ku tilmaaamo in dadku ay indhaha isku hayeen marka ay sawirka soo galayeen.


bbc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...