Dowladda Talyaaniga ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay shan kamid ah gobolladeeda ku yaalla waqooyiga dalkaas, xilli ay halkaa ka taagan tahay abaartii ugu xumayd muddo 70 sano ah. Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujinaysa in dalalka Spain iyo Bortaqiiska ay iyaguna wajahayaan abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo kun sano ah. Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa Isniintii shaaciyay in 38 milyan oo dollar uu si degdeg ah ugu caawin doono gobollada kala ah; Emilia-Romagna, Friuli Venezia Giulia, Lombardy, Piedmont iyo Veneto, si wax looga qabto biyo yaraanta haysata. Roobkii laga filayay gobollada waqooyi ee Talyaaniga ayaa intiisa badan sanadkan baaqday, waxaana meesha ka baxay dalagii laga filayay beeraha gobolladaas. Iskaashatada beeralayd ee ugu weyn Talyaaniga, Coldiretti, ayaa sheegtay inay abaarta ku waayeen dakhli ka badan 3 bilyan oo dollar. In ka badan boqol magaalo oo ku yaalla gobolladaas ayaa shaaciyay inay tashiilayaan biyaha ay siiyaan xaafadaha. Magaa...
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday daawo waxtar u noqon karto bidaarta iyadoo la isticmaalayo daawo hore loogula tacaali jiray cudurka lafaha ku dhaca. Baarayaasha caafimaadka ayaa ogaaday in daawadani ay ka hortagi karto borotiinka loo yaqaanno SFRP1 oo xanniba korriinka timaha. Madaxa mashruuca dhakhtar Nathan Hawkshaw oo ka socda jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in isbeddel ay u keeni karto dadka ay timaha ka buubeen. Waxaa la sheegay in labo daawo oo keliya ah hadda la hayo oo wax looga qaban karo bidaarta. Waxayna kala yihiin: Daawada minoxidil, waxay daawayn kartaa bidaarta ku dhacda ragga iyo haweenka. Daawada finasteride, waxa daawayn kartaa bidaarta ragga oo kaliya ah. Daraasaddan waxaa shaaca ka qaaday xarunta daraasaadka ee PLOS Biology waxaana lagu sameeyay shaybaar kaddib markii 40 rag ah timahooda tijaabo lagu sameeyay isla markaasna timaha loo abuurayay. Dhakhtar Hawkshaw ayaa BBC-da u sheegay in baaritan dhanka caafimaadka ...