Skip to main content

Waddan Yurub ah oo wajahaya “abaar u dhaw” tan Soomaaliya

 


Dowladda Talyaaniga ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay shan kamid ah gobolladeeda ku yaalla waqooyiga dalkaas, xilli ay halkaa ka taagan tahay abaartii ugu xumayd muddo 70 sano ah.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujinaysa in dalalka Spain iyo Bortaqiiska ay iyaguna wajahayaan abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo kun sano ah.

Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa Isniintii shaaciyay in 38 milyan oo dollar uu si degdeg ah ugu caawin doono gobollada kala ah; Emilia-Romagna, Friuli Venezia Giulia, Lombardy, Piedmont iyo Veneto, si wax looga qabto biyo yaraanta haysata.

Roobkii laga filayay gobollada waqooyi ee Talyaaniga ayaa intiisa badan sanadkan baaqday, waxaana meesha ka baxay dalagii laga filayay beeraha gobolladaas.

Iskaashatada beeralayd ee ugu weyn Talyaaniga, Coldiretti, ayaa sheegtay inay abaarta ku waayeen dakhli ka badan 3 bilyan oo dollar.

In ka badan boqol magaalo oo ku yaalla gobolladaas ayaa shaaciyay inay tashiilayaan biyaha ay siiyaan xaafadaha.

Magaalada Milan ayaa waxaa la xiray jardiinooyinka ay biyuhu ka daataan, waxaana la mamnuucay in la dhaqo gawaarida khaaska ah iyo weliba waraabinta beeraha guryaha ka dhex yaalla.



Webiga Po oo ah kan ugu dheer ee mara Talyaaniga ayaa aad u biyo yareeyay, halka dooxooyinka uu ku biyo shubo ay noqdeen biir aan wax lagu beeran karin.

Beeraleyda waqooyiga Talyaaniga ayaa ku tiirsan biyaha webiga Po, waxaana aaggaas ka soo go’a tamaadhada, xab-xabka iyo khudaarta kale.

Dadka haysta lo’da ayaa ka walaacsan inay waayaan caws ay siiyaan abaarta awgeed.

Heer kulka Yurub

Waddamada Talyaaniga iyo Norway ayaa bishii June diiwaangeliyay heer kul aan horay loo arag, oo maalmaha qaar kor u dhaafay 40 degree Celsius.

Cilmi baaris lagu soo bandhigay joornaalka Nature Geoscience ayaa lagu sheegay in waddamada Spain iyo Bortaqiiska ay sanadihii dambe wajahayeen kulayl xad dhaaf ah iyo abaar aan sanado badan la arag, arrimahaas oo loo aaneeyay isbedalka cimilada.

Khubarada ayaa ka digaya in webiga Tagus oo ah kan ugu dheer gobolkaas inuu khatar ugu jiro guritaan.

Xigasho BBCSOMALI

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...