Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2017

Waxaan guri wadaagnaa aabahay oo mayd ah

Badankeen ma jecla in ay ka fikiraan ama ka hadlaaan dhimashada, laakiin waxaa jira dad ka hela. Gobolka Toraja ee jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia dadka dhintay waxay qayb ka yihiin nolol maalmeedka caadiga ah. Digniin: akhristeyaasha qaar waxaa laga yaabaa in ay dhibsadaan qaar ka mid ah sawirrada warbixintan ku jira. Gurigan alwaaxa ka samaysan ee aysan oolin alaabadu ee dhawrka sawir ka muuqdaan ee codadku ka dhex yeerayaan naxashkuna ka soo carfayo, waxaa ka jira isu imaatin qoys. "Aabahaa ka waran?" ayuu qof marti ahi yiri, jawigii ayaana si dhakhso ah isu badalay oo qof kaste wuxuu fiiriyay guri yar oo meel gees ah ka dhisan halkaas oo uu yaalo nin duq ah oo saaraan sariir qurux badan. Mamak Lisa oo ah gabadhiisa ayaana qofkii su'aalay xaaladda aabaheed ugu jawaabtay "wali wuu xannuunsan yahay." Mamak oo muusoonaysa ayaa u dhaqaaqday dhanka ninka duqa ah, iyada ii tartiib u gacanqaadaysa ayay tiri "Aabo marti ayaa kuu timid si ay...

Dhibka xoonka dheeftiisaa ka badan

Cilmi-baaris cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa waxtarka iyo faa'iidooyinka badan ee uu deegaanka u leeyahay xoonka oo ah nooc ka mid ah cayayaanka. Waxa kaliya ee fasaxaaga xagaaga qasi kara waa noolahan yare ee qaniinyada kulul, kuna dul dega cuntadaada ama cabitaankaaga, dadka inta baddana way dhibsadaan. Malaha waxa uu ka mid yahay noolayaasha laga haysto fikradaha khaldan, loona baahanyahay in wacyigalin laga sameeyo. Cilmi-baarista cusub ayaa waxa ay ku doodaysaa in uusan ka faa'iido yarayn noolaha kale ee ay isku bahda yihiin ee shinnida. Noocyada xoonka Xoonku wuxuu leeyahay noocyo aad u badan, dalka UK oo kaliya waxaa la diiwaangaliyey wax ka badan 9,000 oo nooc oo xoon ah. Waxa uu noolyahay koox koox, koox kastana waxa waxa ay leedahay shaqo u gaar ah, iyaga oo xitaa leh heykal hoggaameed oo ay boqorada hoggaamiso. Inta badan xoonka waa mid u nool kali kali, kuwo ayaa aad u yaryar oo ay xitaa adagtahay in la arko. Xoonka waxa uu dhistaa buul dhoo...

42;waxyaalood oo layaab leh oo uu qabtay Trump Muxuu qabtay Trump fasaxiisi xagaaga ?

Malaayiin caruuraha dalka Maraykanka ayaa todobaadkan ku laabanaya iskuulaadka guud ahaan dalka, waxayna guryahooda ku noqonayaan casarkii iyaga oo wata layli loosoo direy oo ku saabsan wixii uu ardayga qabtay intii lagu jirey fasixii xagaaga. Hadda bal maleyso in aad tahay Donald Trump, laguuna direy shaqo guri ama layli , waxay ila noqon in aad u baahan doonto waraaqo dheeraad ah oo aad leyliga oga shaqayso. Hagaag, waxyaabaha hoos ku qoran waa kuwa Trump iyo kalkaaliyeyaashiisa ay qabteen xagaagii lasoo dhaafay. 1.Waxa la shaqaalaysiiyey agaasime cusub oo warbaahinta ah, oo magaciisu yahay Anthony Scaramucci. 2.Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa shaqada ka tagay isaga oo cabasho qaba, balse wuxuu sheegay in uu faraxsanyahay. 3.Scaramucci ayaa waraysi layaab leh siiyey majaladda New Yorker maalintiisii koowaad ee shaqada. 4.Trump waxa uu shaqada ka eryey agaasimihii Aqalka Cad Reince Priebus, kaasi oo looga tagay garoonka diyaaradaha Andrews. 5.Waxa uu Trump sha...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Madaxwayne qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay 26,000 oo yuuro

Macron Tan iyo intii uu madaxwayne ka noqday dalka Faransiiska Emmanuel Macron bishii May 2017 ayaa waxa uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro. Arrintan ayaa waxa ay noqotay mid ay si aad ah u hadal hayaan dadka isticmaala baraha bulshada. Wargayska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in lacagtani uu madaxwaynaha Macron ku qarash gareeyay waxyaabaha lagu qurxiyo jirka sida qurxinta wajiga oo loo soo kireeyay qof ku xeeldheer qurxinta. Aqalka madaxtooyada oo ka jawaabayay arrintan ayaa u sheegay wakaalada France Info inkastoo ay badan tahay tirada lacagta ku baxday qurxinta madaxwaynaha hadana ay ka sii badnayd lacagtii ay isticmaaleen madaxwaynayaashii ka horeyay ee Holland iyo Sarkozy. Gacanyaraha Macron ayaa hasa yeeshee sheegay in mustaqbalka ay raadin doonaan goobo raqiis ah. Inkastoo ay tahay mid iska caadi ah in dadka magaca leh ay isticmaalaan waxyaabo jirka lagu qurxiyo ,ayaa hadana dad badan oo isticmaala...