Skip to main content

Posts

Showing posts from 2016

Yahoo oo laga xaday 'Hal bilyan' oo macluumaad oo macaamiisheedu lahaayeen

Image copyright GETTY IMAGES Image caption Telefoonka Yahoo Yahoo waxey sheegtay in inkabadan hal bilyan oo qof cinwaanadooda ay saameysay weerar dhanka internet-ka ah oo barta shirkadda lagu qaaday sanadkii 2013kii. Shirkadda waxey tilmaamtay in arrintan ay u muuqato inay socotay illaa bishii September ee 2014kii. Xilligaasi Yahoo waxay sheegtey in 500 oo milyan oo qof in cinwaanadooda la jabsaday. "Dawlad" Yahoo ka xadday macluumaadka 500 milyan oo ciwaan Itoobiya oo lagu eedeeyay xayiraadda Internet-ka Shirkadda Yahoo waxey xaqiijisay in magacyo, lambaro telefoon, baasiwooro ama lambarada sirta, iyo cinwaanno in la xaday, balse aanan la xadin bangiyada ama farriimaha mushaaraadka ee dadkaa la dhacay. Yahoo oo ay la wareegtay shirkadda Verizon, waxay sheegtay inay si dhow arrintan ugala shaqeynayso booliska iyo maamullada ay quseyso. Google oo Hindiya ka samaynaysa wi-fi internet oo lacag la'aan ah Facebook oo barnaamij u sameeyay waddamada soo koraya ...

Uber ayaa lagu amray inay joojiso tagaasida kaligood iswada ee San Francisco

Image copyright VOLVO Image caption Uber ayaa bilawday adeeg tagaasi oo ay baabuur Volvo ah ay kaligood is wadayaan Uber ayaa lagu amray inay joojiso adeega baabuurta kaligood iswada ee tagaasida ee magaalada San Farancisco, saacado kadib markii ay ka bilowday adeega. Hayadaha California ee sharciyada gaadiidka ayaa u digtay shirkadda inay joojiso adeega, oo ay ogolaansho ka hesho gobolka ama ay la kulanto tallaabo sharci. Uber ayaa bilowday inay macaamiisha siiso fursad ay ku doortaan baabuur iswada oo uu la socdo darawal markii ay dalbanayaan tagaasida. Shirkadda ayaan ka jawaanbin arrintan markii la waydiiyay. Intaan amarka la siin Uber, ayaa waxaa la arkay muuqaal la soo galiyay You Tube oo muujinaya baabuurta oo ka gudbaya nalka gaduudan ee baabuurta iyo dadka kala haga ee magaalada San Francisco. Uber ayaa uga jawaabtay dhacdadan iyo mid kale oo la mid ah inay ahayd qalad bini'aadan oo ay baarayso wixii dhacay. "Haddii Uber aysan xaqiijin inay joojinayso si ...

Ilmo laga samaynayo saddex qof ayay ogolaatay UK

Image copyright SCIENCE PHOTO LIBRARY Ilmo laga samaynayo laba dumar iyo hal nin ayay ogolaatay hayadda sharciyada taranka ee UK ee (Human Fertilisation and Embryology Authority, HFEA). Tallaabadan oo ah mid taariikhi ah oo dood badan dhalisay ayaa ka hortagi doonta ilmaha inay ku dhashaan cudur waalidka ay ka keeneen. Dhaqaatiirta Newcastle oo soo saaray habkan casriga ah ee IVF, ayaa la filayaa inay noqdaan kuwii ugu horeeyay waddankan ee bixiya adeegan, waxayna waydiisteen in ugxaan loogu deeqo. Ilmihii ugu horeeyay ee saddex qof laga sameeyo ayaa dhalan kara marka ugu horaysa, dhamaadka 2017. Reero badan ayaa waxaa ka dhintay carruur u dhimatay cudur aan la daawayn karin, (Mitochondrial disease) oo qofka ku reebaya awood daro aan wadnahooda garaacmi karin. Cuduradan ayaa waxaa u gudbiya carruurta hooyada oo kaliya, marka hab la isticmaalayo ugxaan dumar kale iyo mida hooyada iyo aabaha biyahiisa ayaa la sameeyay Image copyright SPL Ilmaha ayaa yeelanaya DNA yar oo ka t...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...

Saddex bangi ayaa lagu ganaaxay £413 oo milyan kadib markii ay badaleen dulsaarka ay lacagaha bangiyada ku kala ammaahdaan

Image copyright Guddiga Yurub ayaa ku ganaaxay saddex bangi £413 oo milyan, kadib markii ay badaleen qiimaha lacagta dulsaarka Euribor ee bangiyada yurub ay lacagta ku kala ammaahdaan. Qiimaha Euribor ayaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo ammaahyo badan oo balaayiin euro ah. Guddiga Yurub ayaa ganaaxay siddeed bangi oo ay ku jiraan HSBC, JPMorgan iyo Credit Agricole iyagoo si sharci daro ah u wadaagay xog ku saabsan Euribor, si ay u sameeyaan faa'iido ayuu sheegay guddiga. Laba ka mid ah bangiyada, Barclays iyo UBS, ayaa laga cafiyay ganaaxa kadib markii ay sheegeen arrinta qaladka ah ee ay bangiyada samaynayaan. JPMorgan iyo HSBC ayaa beeniyay inay qalad sameeyeen, waxayna sheegeen in laga yaabo inay racfaan ka qaataan go'aanka. Barclays, Deutsche Bank, RBS iyo Societe Generale ayaa la ganaaxay 2013 qaybtii ay ku lahaayeen badalida dulsaarka iyagoo bixiyay £1.4 bilyan. Gudoomiyaha, Margrethe Vestager, ayaa sheegay: "Bangiyada waa inay xushmeeyaan sharciyad...

Hindiya oo sharci darro ku tilmaantay in dumarka seddax jeer la dalaaqo

Image copyright Maxkamad ku taalla waqooyiga Hindiya ayaa xukuntay in qaanuunka dalkaas aysan waafaqsanayn, dhaqanka Muslimiinta ee ah in ay ragu xaasaskooda dhalaaqi karaan saddex jeer. Maxkamadda sare ee Allahabad waxay sheegtay in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay haweenka Muslimiinta. Maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ayaa dhageysaneysa dacwad kale oo gaar ah oo lagu diidan yahay dhalaaqada seddaxda jeer ah. Muslimiinta ayaa sheegaya in doodan ku saabsan talaaqada si aan xaq ahayn loogu bartilmaameedsanayo Muslimiinta Hindiya. 13% dadeynaha dalka Hidniya ayaa Muslimiin ah. Waxaa dalkaasi ku nool 1.3 bilyan oo qof. bbc

Waa maxay sababta ay qaaliga u tahay diyaaradda madaxwaynaha Maraykanka?

8 Disembar 2016 La wadaag Image copyright Air Force One - oo sii galaysa Cuba, wakhti dheerna waxaa loo arkayay in ay calaamad u tahay awoodda Maraykanka Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay 3.2 bilyan oo doolar u isticmaasho mashruuc lagu badalayo diyaaradda uu madaxwaynuhu isticmaallo ee Air Force One, laakiin madaxdwaynaha la doortay Donald Trump ayaan arrintaas ku faraxsanayn. Trump waxa uu hadda ku talinayaa in la joogo wakhtigii laga laaban lahaa dalabka soo iibsashada diyaaradaas. Waa maxay sababta ay qaali u tahay diyaaradan caanka ah? Midda koobaad Image copyright REUTERS Diyaaradda Air Force One, ma aha hal diyaarad oo kali ah ee waxaa magacaas qaata, diyaarad kaste oo ciidammada cirku leeyihiin oo uu madaxwaynuhu raaco. Waa naadir in madaxwaynuhu uu raaco diyaaradaha rakaabka, waana taasi sababta madaxwaynaha loogu sameeyay diyaaradda uu nooceedu yahay 747-200 oo ah diyaarad millatari oo loogu talagalay in uu isticmaalo madaxwaynaha Maraykan...