Image copyright GETTY IMAGES Image caption Telefoonka Yahoo Yahoo waxey sheegtay in inkabadan hal bilyan oo qof cinwaanadooda ay saameysay weerar dhanka internet-ka ah oo barta shirkadda lagu qaaday sanadkii 2013kii. Shirkadda waxey tilmaamtay in arrintan ay u muuqato inay socotay illaa bishii September ee 2014kii. Xilligaasi Yahoo waxay sheegtey in 500 oo milyan oo qof in cinwaanadooda la jabsaday. "Dawlad" Yahoo ka xadday macluumaadka 500 milyan oo ciwaan Itoobiya oo lagu eedeeyay xayiraadda Internet-ka Shirkadda Yahoo waxey xaqiijisay in magacyo, lambaro telefoon, baasiwooro ama lambarada sirta, iyo cinwaanno in la xaday, balse aanan la xadin bangiyada ama farriimaha mushaaraadka ee dadkaa la dhacay. Yahoo oo ay la wareegtay shirkadda Verizon, waxay sheegtay inay si dhow arrintan ugala shaqeynayso booliska iyo maamullada ay quseyso. Google oo Hindiya ka samaynaysa wi-fi internet oo lacag la'aan ah Facebook oo barnaamij u sameeyay waddamada soo koraya ...
Dhacdooyin iyo aqoon xaqiiq ku saleysan nagala soco