Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2016

Buce Lee Trailer Fanproj Productions & Entertainment

Daawo Boorsamiintada Filimka John Abraham oo shaaca laga qaaday

Waxaa daboolka laga qaaday boorsamiintada Filimka uu soo wado John Abraham ee Force 2. Filimkan horey qeyb hore ayuu u lahaa laakiin qeybtan ayaa la tilmaamayaa iney ka fiican tahay qeybtii hore. John waxaa filimkan wax kala jileysa Sonakshi Sinha Atariishada lagu magacaabo. best move force 2

ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali

Axmed Al-Faqi Al-Mahdi Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Ahmed Alfaqi Al Mahdi oo lagu helay dembi ah in uu burburiyay goobo taarikhi ah. Goobaha uu burburiyay ninkan ayaa ku yaalay dalka Mali, isagoo berigaasi ka tirsanaa kooxda Islaamiga ee Mali ka dagaalanta. Wadaadkaan reer Maali ayaa qirtay inuu dagaalyahanno Islaami ah oo ka tirsan kooxda Ansaaru Diin uu ku amray in ay burburiyaan goobahani taariikhi ah. Goobahan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh dalkaasi Maali, kuwaasi oo ku yaalay magaalada qaddiimiha ah ee Timbaktu intii u dhaxeysay sanaddadii 2012-kii iyo 2013-dii. Dacwad oogaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in maxkamadeynta ninkani ay tahay mid muhiimad weyn u lleh maxkamaddani. Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddani ay soo dacweyso ayna eedeyso qof burburiyay waxyaabaha taariikhiga ah. Sidoo kale waa markii ugu h...

Fanaan carbeed oo guur u soo bandhigay Angelina Jolie kadib markii uu furay Brad Pitt

Fanaan u dhashay dalka Lubnaan ayaa guur u soo bandhigay aktarada caanka ah ee Hollywoodka Angelina Jolie taas oo ay kala tageen ninkeedii hore ee Brad Pitt. Angelina Jolie ayaa dalbatay furiin kadib markii ay ogaatay in ninkeeda Brad Pitt uu xiriir jacayl la wadaagay aktarad u dhalatay faransiiska oo flim ay kuwada jileen ingiriiska. Brad Pitt iyo Angelina Jolie ayaa is qabay 12 sano, waxayna u dhashay 6 caruur ah, laakiin sheekada xiisaha leh ayaa ah in fanaan u dhashay Lubnaan uu haatan doonayo inuu guursado aktaradaan cajiibka ah. “Gacaliso Angelina Jolie, qofkii balan kula dhigta adna balan la dhigo, hana ka xumaan wixii dhacay, waxaa imaan doonta maalin Brad Pitt uu indhaha dhiig ka keeni doono maadama uu ku khiyaanay, waxaan diyaar u ahay inaan ku guursado oo aan isla korsano ilmaheena” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka fanaanka caanka ah ee” Joe Raad http://qadaryoung.blogspot.com/

Filinka Bridget Jones's Baby oo qaatay lacagtii ugu badnayd markii laga furay dalka UK

Emma Thompson iyo Renee Zellweger oo ku jira Bridget Jones's Baby Bridget Jones's Baby ayaa noqday filinka qaatay lacagta ugu badan dalka isagoo qaatay £8.1milyan markii la furay Jimcihii. Filinka ayaa ah kii saddexaad ee Bridget Jones iyo kii ugu horeeyay 12 sano tan iyo 2004 -tii. Renee Zellweger and Colin Firth ayaa filinka ku jira, iyadoo dadkii daawaday ay sheegeen inuu fiican yahay. Maalmihii la furay filinka ayaa qaatay siddeed jibaar filinka ku xigay ee lacagta badan qaatay oo ah Blair Witch oo galay kaalinta labaad. Wuxuu helay £959.000. The Beatles, Eight Days A Week, oo ah dekumentari laga sameeyay taariikhda kooxda heesta ayaa gashay kaalinta saddexaad, kadib markii ay heshay £655,000. Filimaanta ugu horeeya shineemooyinka UK 1. Bridget Jones's Baby - (£8.1m) 2. Blair Witch - (£959,000) 3. The Beatles: Eight Days A Week - (£655,000) 4. Sausage Party - (£615,000) 5. Kubo and the Two Strings - (£599,000) Xigasho;bbcnews/somali

inaad daawatid aflaan waxay kusiinaysaa xannuunka oo yaraada

In la daawado filimaanta sheekada ku salaysan way noo fiican tahay ayay sheegeen saynisyahanada Fiirsashada filin ilin kaa keena wuxuu caawinayaa dadka inay isku soo dhawaadaan, ayay sheegeen baarayaasha. Daraasadan ayaa macnayn karta sababta dadka ay u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn, xataa hadii ay oohin naga keento. Baaritaanka oo ay sameeyeen koox Jaamacada Oxford, ayaa sheegaysa in filimaanta murugada leh iyo kuwa sheekooyinka waawayn ay keenaan dareen fiican oo ah kiimikada endorphins. Waxay u shaqaysaa sida daawada xanuunka joojisa waxayna caawisaa in dadka uu isku soo dhawaado, ayay ku sheegeen baaritaankooda ay ku qoreen Royal Society journal Open Science. Sida ay dadka u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn ayaa ah wax lagu yaqaano dadka, laakiin ilaa hadda saynisyahanada ma aysan baarin meesha ay ka timid. "Sheekooyinka aan runta ahayn ayaa aqoonyahano badan ay barteen taasoo muhiim u ah bini'aadanka ayna wadaagaan dhaqamo badan," ay...

Snapchat oo soo bandhigtay awkiyaale kaameero leh

Shirkadda fariimaha lagu wadaago ee Snapchat ayaa soo bandhigtay awkiyaale hoodii u horeeyay ee leh kaameero. Awkiyaalahan oo shirkaddu u bixisay Spectacles ayaa la suuq gayn doonaa dhamaadka sanadkan isaga oo lagu iibin doono 130 doolaar. Awkiyaalahani waxay halkii marba duubi karaan 10 ilbiriqsi. Ku dhawaaqitaan kan awgii Snapchat ayaa magaceeda ku badalaysa Snap, Inc. Go'aankan ay shirkaddu magaca ku badalatay ayaa hoosta ka xariiqaya hamigeeda ah in aysan ku koobnaanin meel fariimo laisugu diro oo kali ah, inkastoo uu aad caan uga dhex yahay dhallinyarada. Wargaysta Wall Street Journal ayaa Jimcihii daabacay maqaal ay uga hadlayaan Evan Spiegel oo ah 26 jirka aas aasay Snapchat. Waxaana la socday sawirro badan oo uu ka qaaday Karl Lagerfeld oo ah nin ku caan baxay sawirro qaadidda. Even wuxuu sheegay in fasixiisii u horeeyay ee uu ku isticmaalo awkiyaalahan uu ku tagay Californian state park uuna ka soo qaaday muuqaalo xoogaa kaddib markii uu daawadayna uu ...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Haween lagu dilay Maraykanka

Afar haween ah ayaa toogasho lagu dilay iyaga oo jooga suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla Burlington, oo ka tirsan gobolka Washington, waxaa sidoo kale si xun u dhaawacmay nin kale. Booliiska ayaa baahiyay sawirrada ninka laga shakisan yahay, kaas oo isaga cararay goobtaasi isaga oo qori ku hubaysan. Booliiska ayaa baahiyay sawirkan iyaga oo ku sheegay ninka laga shakisan yahay Waxaa la daad gureeyay dadkii ku sugnaa xarunta laga dukaamaysto ee Cascade Mall iyo dukaamadii kale ee ka ag dhawaaba. Wali ma cadda ujeedada laga lahaa weerarkaas. Ninka laga shakisan yahay waxaa lagu tilmaamay nin ka soo jeeda dadka Hispanic loo yaqaanno, waxaana la arkayay isaga oo ku sii cararaya dhanka 5 motorway Mark Francis oo u hadlay booliiska roondada ee gobolka Washington ayaa sheegay in dilkaasi uu si gaar ah uga dhacay gudaha dukaanka Macy's Suuqan Macy's ayaa lagu dhex dilay saddexda ruux Wuxuu intaas ku daray in Gurmadka dagdaga ah iyo kooxaha caafimaadka ay galeen...

Cabsi ka taagan dalka Gabon

Shacabka ku nool caasimadda Libreville ee dalka Gabon, ayaa bilaabay in ay keydsadaan cunno iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah, xilli la filayo in maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi ay go'aan ka gaarto natiijadda lagu muransan yahay ee doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday. Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay bangiyada iyo dukaamada waaweyn ee caasimadaasi, ayaga oo iibsanaya wax kasta oo ay awooddaan. Dadkaasi duukaameysanayay iyo ganacsatada ayaa ka walaacsan xaaladda kacsan ee uu dalkaasi galay, waxaana ay sheegeen in ay ka taxadarayaan rabshado dalkaasi ka bilowda. Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in hogaamiyaha mucaraadka, Jean Ping, uu qaadi doono mas'uuliyadda rabshadaha ka dhasha go'aanka maxkamadda. Madaxweyne Cali Bongo ayaa lix boqol oo kun oo cod kaga guuleystay ninka la tartamayay ee Jean Ping, balse mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashadaasi lagu shubtay. XIGASHO;bbcsmoali.com

Obama iyo Erdogan oo ka hadlay horkeenaida cadaadlad dadkii ka danbeeyey af-ganbigii dhicisowbay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono dadka masuulka ka ahaa afgembigii fashilmay ee Turkiga. Waxa uu hadalkaasi ka jeediyay kullan uu si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Labadan masuul waxa ay kawada qeybgalayaan shirka dalalka dhaqaalaha ku hormaray ee G-20 ee ka socda Hangzhou. Turkiga wuxuu wadaadka deggan Mareykanka ee Fatxullah Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigaasi dhecisoobay bishii July ee sanadkan. Dowladda Turkiga waxay dalbaneysaa in wadaadkaasi loo gacan geliyo. Laakiin, Obama kamuusan hadlin arrintaasi ah in wadaadka lagu wareejiyo Turkiga. Fatxullah Gulen wuu beeniyay inuu ku lug lahaa afgembiga fashilmay. Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga waxay sidoo kale kawada hadleen xaaladda Suuriya.