Fanaan u dhashay dalka Lubnaan ayaa guur u soo bandhigay aktarada caanka ah ee Hollywoodka Angelina Jolie taas oo ay kala tageen ninkeedii hore ee Brad Pitt.
Angelina Jolie ayaa dalbatay furiin kadib markii ay ogaatay in ninkeeda Brad Pitt uu xiriir jacayl la wadaagay aktarad u dhalatay faransiiska oo flim ay kuwada jileen ingiriiska.
Brad Pitt iyo Angelina Jolie ayaa is qabay 12 sano, waxayna u dhashay 6 caruur ah, laakiin sheekada xiisaha leh ayaa ah in fanaan u dhashay Lubnaan uu haatan doonayo inuu guursado aktaradaan cajiibka ah.
“Gacaliso Angelina Jolie, qofkii balan kula dhigta adna balan la dhigo, hana ka xumaan wixii dhacay, waxaa imaan doonta maalin Brad Pitt uu indhaha dhiig ka keeni doono maadama uu ku khiyaanay, waxaan diyaar u ahay inaan ku guursado oo aan isla korsano ilmaheena” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka fanaanka caanka ah ee” Joe Raad
http://qadaryoung.blogspot.com/
Comments
Post a Comment