Skip to main content

ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali

Dacwadda Al-Faqi
Axmed Al-Faqi Al-Mahdi

Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Ahmed Alfaqi Al Mahdi oo lagu helay dembi ah in uu burburiyay goobo taarikhi ah.
Goobaha uu burburiyay ninkan ayaa ku yaalay dalka Mali, isagoo berigaasi ka tirsanaa kooxda Islaamiga ee Mali ka dagaalanta.
Wadaadkaan reer Maali ayaa qirtay inuu dagaalyahanno Islaami ah oo ka tirsan kooxda Ansaaru Diin uu ku amray in ay burburiyaan goobahani taariikhi ah.
Goobahan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh dalkaasi Maali, kuwaasi oo ku yaalay magaalada qaddiimiha ah ee Timbaktu intii u dhaxeysay sanaddadii 2012-kii iyo 2013-dii.
Dacwad oogaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in maxkamadeynta ninkani ay tahay mid muhiimad weyn u lleh maxkamaddani.
Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddani ay soo dacweyso ayna eedeyso qof burburiyay waxyaabaha taariikhiga ah.
Sidoo kale waa markii ugu horreysay oo qof maxkamaddan la soo taagay uu qirto dambigii loo haystay.
Intii ay socotay maxkamadeyntiisa ayaa Ahmad al-Faqi al-Mahdi waxa uu raalligelin u jeediyay dadka reer Mali.
Waxa uu dalbaday in la cafiyo, isaga oo ku doodaya in ay jahawareeriyeen dad aan quneyn.
Dacwad oogayaasha maxkamada ICC-da ayaa weydiistay maxkamadda in ay ku riddo ninkan 11 sano oo xarig ah.

Xigasho;bbcnews

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...