Skip to main content

inaad daawatid aflaan waxay kusiinaysaa xannuunka oo yaraada

Laba qof oo fiirsanaya film
In la daawado filimaanta sheekada ku salaysan way noo fiican tahay ayay sheegeen saynisyahanada

Fiirsashada filin ilin kaa keena wuxuu caawinayaa dadka inay isku soo dhawaadaan, ayay sheegeen baarayaasha.
Daraasadan ayaa macnayn karta sababta dadka ay u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn, xataa hadii ay oohin naga keento.
Baaritaanka oo ay sameeyeen koox Jaamacada Oxford, ayaa sheegaysa in filimaanta murugada leh iyo kuwa sheekooyinka waawayn ay keenaan dareen fiican oo ah kiimikada endorphins.
Waxay u shaqaysaa sida daawada xanuunka joojisa waxayna caawisaa in dadka uu isku soo dhawaado, ayay ku sheegeen baaritaankooda ay ku qoreen Royal Society journal Open Science.
Sida ay dadka u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn ayaa ah wax lagu yaqaano dadka, laakiin ilaa hadda saynisyahanada ma aysan baarin meesha ay ka timid.
"Sheekooyinka aan runta ahayn ayaa aqoonyahano badan ay barteen taasoo muhiim u ah bini'aadanka ayna wadaagaan dhaqamo badan," ayuu sheegay Robin Dunbar, oo ah professor maadada evolutionary psychology ee Jaamacada Oxford.

Kiimikada endorphins





Koox Jaamacada Oxford oo ka kooban saynisyahano, kuwo kale oo ka socda maadooyin aan saynis ahayn ayaa tijaabiyay in sheekooyinka la fiirsanayo ay soo dayso kiimikada endorphins - oo ah kiimikada maskaxda ee xanuunka yaraysa.
Endorphins - oo sawir lagu muujiyayEndorphins ayaa mararka qaar lagu tilmaamaa inay xanuunka u yarayso si dabiici ah

Xanuun yaraynta dabiiciga ee jirka

Baaritaanka ayaa ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isla sameeyeen baarayaal ka kala socda sayniska iyo maadooyinka kale.
Dr Sophie Duncan, oo ku taqasustay Shakespeare, ayaa sheegtay inay doonayeen inay fahmaan sida iyo sababta sheekooyinka aan runta ahayn ay u shaqeeyaan.
Daraasada ayaa sheegaysa ''inaad ka helaysid endorphin badan sheekooyinka aan runta ahayn'', ayay sheegtay.
''Inaad fiirsatid filin murugo leh - waxay u fiican tahay caafimaadkeena,'' ayay u sheegtay BBC.
''Waxay kordhinaysaa endorphins oo ah sida dabiiciga ah ee uu jirkeena u yareeyo xanuunka.''
Xigasho;bbcnews/bbcsomali


In n n    bmage captioIn la daaw

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...