Skip to main content

Haween lagu dilay Maraykanka

Booliiska ayaa xiray aaga xarunta dukaamaysiga ee dhibku ka dhacay
Afar haween ah ayaa toogasho lagu dilay iyaga oo jooga suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla Burlington, oo ka tirsan gobolka Washington, waxaa sidoo kale si xun u dhaawacmay nin kale.

Booliiska ayaa baahiyay sawirrada ninka laga shakisan yahay, kaas oo isaga cararay goobtaasi isaga oo qori ku hubaysan.
Booliiska ayaa baahiyay sawirkan iyaga oo ku sheegay ninka laga shakisan yahay
Booliiska ayaa baahiyay sawirkan iyaga oo ku sheegay ninka laga shakisan yahay
Waxaa la daad gureeyay dadkii ku sugnaa xarunta laga dukaamaysto ee Cascade Mall iyo dukaamadii kale ee ka ag dhawaaba. Wali ma cadda ujeedada laga lahaa weerarkaas.
Ninka laga shakisan yahay waxaa lagu tilmaamay nin ka soo jeeda dadka Hispanic loo yaqaanno, waxaana la arkayay isaga oo ku sii cararaya dhanka 5 motorway
Mark Francis oo u hadlay booliiska roondada ee gobolka Washington ayaa sheegay in dilkaasi uu si gaar ah uga dhacay gudaha dukaanka Macy's
Suuqan Macy's ayaa lagu dhex dilay saddexda ruux
Suuqan Macy's ayaa lagu dhex dilay saddexda ruux
Wuxuu intaas ku daray in Gurmadka dagdaga ah iyo kooxaha caafimaadka ay galeen gudaha xarunta dukaamaysiga iyo kiniisad ka ag dhaw oo dadka lagu daad gureeyay si ay u caawiyaan dadka dhaawaca ah.
Francis wuxuu sheegay in ninka hubaysan uu ka tagay goobta ka hor inta uusan booliisku soo gaarin aaga uu dhibku ka hacay
Waaxda sirdoonka ee dalka Maraykanka ee FBI oo gacan ka gaysanaysa baaritaanka ayaa sheegay in aysan jirin wax cadayn ah oo loo hayo in uu jiro dagaal kale oo la qorsheeyay in uu ka dhaco gobolka Washington
Xigasho;bbcsomali.com



Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...