Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2017

Barack Obama Oo Heli Doona Lacag Ka Badan Middii Uu Helay Intii Uu Ahaa Madaxweynaha USA!!!

Sideedii sanno ee lasoo dhaafay Barack Obama wuxuu fadhiyey White House, si kastaba ha ahaatee, haatan oo uu xilka ka degay Obama iyo qoyskiisu waxay bilaabi doonaan tallaabooyin ay ku raadinayaan inay tabcaan hanta ka badan middii usoo xarootay 8dii sanno ee lasoo dhaafay. Intii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka, Obama waxaa usoo xarootay 12 milyan oo dollars, sababtoo ah sannadkii wuxuu mushaar ahaan u qaadanaayey 400 kun oo dollars. Haatan wuxuu yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka, wuxuuna sannad kasta qaadan doonaa 200 kun oo dollars inta cimrigiisa ka dhimman. Haddii wax walba sida la saadaaliyey ay ahaadaan, Obama ayaa la saadaalinayaa inuu heysto 100 milyan oo dollars muddo 10 sanno ah gudahood. Si kastaba ah ahaatee, Barack Obama wuxuu daaha ka qaaday in waxyaabaha uu jeclaan lahaa ay ka mid tahay inuu laba Isbuuc si toos ah u hurdo… Balse aysan u suurtogeleynin sababtoo ah Obama iyo xaaskiisa waxaa markasta looga yeeri doonaa xaflado heer sarre ah si ay hadal uga...

Kusoo Dhowoow Catzonia – Hoteelkii Ugu Horreeyey Ee U Gaar Ah Bisadaha Oo La Furay, Waana Five Star!!!

Qolal heerkulkooda si aad ah looga warqabo, loo sameeyey sariiraha boqortooyada oo kale, lehna meelo lagu ciyaaro ayuu leeyahay Hotel Catzonia. Si kastaba ha ahaatee, Hotel Catzonia ma ahan hoteel loogu talogalay inay aadanuhu jiiftaan ee waa hoteelkii ugu horreeyey caalamka kaasoo FIVE STAR ah loola sameeyey bisadaha oo keliya. Hoteelkaani wuxuu ku yaallaa degmada Damansara, oo dhacda duleedka caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Waxaana xusid mudan in Hotel Catzonia laguugu xannaaneyn doono bisaddaada marka aad dalxiis u timaado degmadaan loo dalxiiska tago. Wuxuu ka kooban yahay 35 qol, waana afar dabaq guud ahaan. Hotel Catzonia ayaana waxaa jooga shaqaale loo carbiyey xannaaneynta bisadaha ay halkaan keensadaan macaamiishu. Website-ka Catzonia Hotel ayaa waxaa lagu qoray: “Waxaan aaminsanahay inay bisaduhu su baahan yihiin nasiino iyo maalmo dalxiis ah. Markasta waxay doorbidaan in loola dhaqmo sida inay madax yihiin oo kale. Inta ay halkaan joogaan marnaba c...

DARAASAD: 10 Sababood Oo Ay Tahay In Ragga Madoow Aysan U Shukaansan Dumarka Caddaanka Ah (Khubaro Ayaa Ka Hadashay)

Madowga iyo caddaanku waa ay isku milmayeen sannadihi ugu dambeeyey, sababtoo ah dumarka caddaanka ah ayaa soo dhoweysanayey ragga madoowga ah iyagoo xaasaskooda noqonaayey. Si kastaba ha ahaatee, khubaro heer sarre ah oo baaritaan dheer sameeyey ayaa daaha ka qaaday in aysan aheyn inay ragga madoow shukaansadaan, la haasaawaan ama guursadaan dumarka caddaanka ah. Waxana soo bandhigeen 10 sababood oo ay u cuskan karaan. 01 – Dumarka caddaanka ah inta badan waa ay ku dhibtoodaan America marka ay yihiin marwada nin madoow ah 02 – Dumarka caddaanka ah ma heystaan taageerada qoyskooda oo ka aqbalaya inay guursadaan nin midab ahaan ka duwan. 03 – Marka la yimaado dhanka furriinka, dumarka caddaanka ah wax walba ayey ka qaadan doonaan ninka madoowga ah, waxaana ku jira caruurtiisa 04 – Dumarka caddaanka ah waxay ula dhaqmaan eeygooda si ka wanaagsan sida ay ula dhaqmaan aadanaha. 05 – Iyadoo aan waxba laga soo qaadi doonin sida akhyaar aad u tahay, dumarka caddaanka ah marka...

Budada Looga Hortago SHIIRKA RAGGA Oo La Ogaaday Inay Sababto KANSARKA, Sidoo Kalena…

Maalin kasta waxaan iibsanaa qalab kosmaaticis ah kuwaasoo aan qurux maalmeedkeena ku iftiimino, si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah ayaa waxay halis gelin karaan caafimaadkeenna. Waxaana u sabab ah inay ku jirto kiimiko jirka waxyeello u geysaneysa, balse aniga oo aan ogeyn ayaan dhammaanteen iska isticmaalnaa. Waana sababta ay u wanaagsan tahay inaad dhakhtarka la kaashato daawada aad isticmaaleyso ka hor inta aadan bilaabin. Maanta, baaritaan dheer oo la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday in budada la buufiyo ee looga hortago shiirka ragga ee kilkilaha taasoo loo yaqaano AXE ay saameyn toos ah ku yeelaneysa caafimaadka. Dhakhaatiirta ayaana haatan si weyn uga digaya in la isticmaalo  Axe Deodorant For Men  sababtoo ah waxay sabab u noqotaa in dadka isticmaala uu ku dhaco cudurka dillaaga ah ee kansarka, sidoo kalena waxay sababtaa in si aan ku talogal aheyn ay u koraan naasaha raggu. Ragga ayaa si waalli ah u isticmaala  Axe Deodorant For Men  sababto...

England Oo Kasoo Horjeesatay Guurka Isku Jinsiga Ah, Ka Dib Seddax Sanno Oo Muran Ah

Codbixin aqlabiyad leh oo laga qaaday  Church of England  ayaa waxaa si rasmi ah loogu diiday qorshihii guurka dhexmara dadka isku jinsiga ah ee u dhashay dalka England. Inta badan  Church of England  ayaana u codeeyey in meesha laga saaro guurka dhexmara dadka isku jinsiga ah, ama si kale haddii loo dhaho inay raggu isku galmoon karaan dumarkuna isku guuxi karaan. Halkaas waxaa kusoo dhammaaday qorshe muran badan ka dhaliyey England oo si weyn loo hadal haayey seddaxdii sanno ee lasoo dhaafay. Xukuumadda Theresa May ayaana haatan u muuqata inay xal u heshay arrintaan. Ragga isku hawooda ee Kirishtaanka ah ayaa markasta dalbanaayey in lasoo dhoweeyo isla markaana taageero loo muujiyo, balse codbixin u dhacday 103 iyo 83 ayaa looga adkaaday qolyihii u doodayey. Taasoo ka dhigan in aysan haatan isguursan karin dadka isku jinsiga ah ee dalka England. Wuxuuna guurku dhexmari karaa rag iyo dumar oo keliya. filimside

Uma Baahnid SANKAAGA Si Aad Wax U Uriso, Barnaamijkaan Qariibka Ah Ayaana Lasoo Saaray (Macluumaad Yaab Leh)

KunKun Application , waa barnaamij lagu xirayo taleefoonkaaga gacanta kaasoo magaciisa marka Afsoomaaliga lagu turjumo noqonaayo ‘Urin ama Shiirin’. Barnaamijkaani wuxuu ka mid noqday barnaamijyada qariibka ah ee taleefoonnada gacanta ah lagu xirto kaasoo ay sameysay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Japan ee Konika Minolta. KunKun Application,  wuxuu ka caawinayaa dadka isticmaalaya in aysan marnaba sankooda si toos ah ugu urin waxyaabo laga yaabo inay aad u shiirayaan, shiirinta cagta ama kilkisha. Bedelkeeda adigoo isticmaalaya  KunKun Application  wuxuu kuu sahli doonaa inaad anteenadiisa yarta ah ku taagto halka aad dooneyso inaad shiiriso ka dibna wuxuu kuusoo gudbin doonaa shiirka rasmiga ah ee uu leeyahay sheygaasi, isagoo kuusoo marsiinaya taleefoonkaaga waase haddii uu yahay smartphone. Qalabkaan ayaa telkaaga la bari doonaa ka dibna isaga ayaad isticmaaleysaa bedelkii sankaaga Hiroshi Akiyama, waa INJINEER 43 sanno jir ah oo u dhashay dalka Japan...

DAAWO SAWIRRO: La Kulan Toban Nin Oo Aysan Maankaaga Geli Doonin Inay Ku Nool Yihiin Adduunkaan

Dadka ku nool adduunkaan si aad ah ayey u kala muuqaal duwan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Filimside ayaa maanta diyaar u ah inay kaa dhigto mid rumeysan waaya waxa ay indhihiisu arkayaan. Sababtoo ah waxaan halkaan idinkugu soo bandhigi doonaa liiska 10 nin oo aadan aamini doonin inay xaqiiqo tahay inay ku nool yihiin meeragaan. Sawirradooda ayaana la socda liiskaan. 10 – Yu Zhenhuan (Ninka Ugu Timaha Badan Adduunka)  – Ninkaan ayaa xitaa sheegay in uusan u baahneyn inuu dhar xirto sababtoo ah cudur ku dhacay ayaa kallifay inuu jirkiisu noqdo mid timo ka buuxaan boqolkiiba 96. 09 – Tom Staniford (Ninka Aan Marnaba Cayilin)  – Tom waxaa ku dhacay cudurka MDP Syndrome, keliya cudurkaani wuxuu ku dhacay sideed shaqsi inta adduunka la ogyahay. Sidaas darteed ninkaani marnaba ma cayilo. 08 – Sultan Kosen (Ninka Ugu Dheer Adduunka)  – Sultan Kosen oo ah nin beeraleey ah oo kasoo jeeda dalka Turkey ayaa wuxuu heystaa rikoorka ah inuu yahay ninka ugu dhe...

Sababta Rasmiga Ah Ee Ka Dambeyso Inay Dumarka Is Ruxaan Marka Ay Soconayaan Oo La Ogaaday

Bin,aadamka oo dhan waxa abuuray Alle wuxuuna u doortay inay noqdaan lab iyo dhedig sidoo kalana wuxuu u sameeyey waxyaabo ay ku kala duwan yihiin. Dadka wax baaro ayaa markaan ka hadlay sababta keentay in gabadhaha ay is ruxaan marka ay soconayaan weliba qeyb dambe taasoo dadka qaar ay ku sheegeen inay tahay ismuujin ay ragga isku muujinayaan. Haddaba culumada wax baarto ayaa sheegeen in ruxitaanka gabdhaha marka ay soconayaan inay tahay wax uu Alle ku abuuray taasoo ka dhalato jirkooda. Culumada ayaa sheegeen in lafaha ragga ay ka weyn yihiin kuwa dumarka, sidoo kalana kala horeynta lafahana way ku kala duwan yihiin jinsiyadaha kala duwan. Sidoo kale culumada ayaa sheegeen in gabadhaha ay u baahan yihiin awood badan si ay u socdaan halka ragga aysan socodka dhibaato ku qabin, waxayna tilmaameen in dumarka marka ay soconayaan ay imaaneyso inay hadba dhinac isku ruxaan mana ahan ayey dhaheen istustus iyo ismuujin. Culumada ayaa xusay in boodada dumarka iyo jilibka ay u...

JID AAN JIHO LAHAYN

Share   Tweet Ku Biiritaankii IS Waa sheekada nin u dhashay Turkiga oo baranayey cilmiga xiddigiska kuna biiray ururka IS Rasid waxa uu isku diyaariyey inuu ka safro dalka Finland 2-dii Jannaayo 2015. Waxa uu qaaday jidkii dagaalka iyo gacan ka hadalka waxana uu bishaas aakhirkeedii ku biiray IS Xafiiska La Socodka Xagjirnimada ee VOA Rasid Tugral waxa uu taageerayaal badan ku lahaa baraha bulshada, waxaa uu dadka raaca la wadaagi jiray sawiro lala ashqaraaro oo uu qaaday xilli habeen ah, gaar ahaan kuwa uu ka qaaday Turkiga xilli habeenkii ah oo ay ka muuqdo iftiinka dhismayaasha, iyo fallaaraha xiddigaha xilliga gudcurka oo isqabsaday. Waxa sawirrada uu qaaday qaarkood lagu daabacay bogga internetka ee majalladda National Geographic. Waxa uu dhiganayey jaamacad lagu barto cilmiga fisigiska gaar ahaan barashada xiddigaha. Waxa uu ahaa nin qurxoon, caqli badan, bulshaawi ah, doonaya in kolba wax cusub uu barto, waxaana u gacan haadinayey m...