Skip to main content

Nin Shiinaha u dhashay oo jiha qaldan ku socday illaa 500km


Ninka oo aanan la sawirin ayaa 30 maalmood baaskiil u kexeynaayay dhinac qaldan.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionNinka oo aanan la sawirin ayaa 30 maalmood baaskiil u kexeynaayay dhinac qaldan.

Nin Shiinaha u dhashay ayaa 30 maalmood baskiil u kexeynaayay jiha qaldan.
Ninka wuxuu doonayay inuu tuulada ka soo jeedo uu gaaro ka hor sanadka cusub ee dalkaasi Shiinaha.
Ninka ayaa u jeedadiisu waxay ahayd inuu gaaro deegaankiisa oo ah magaalada Qiqihar ee gobolka Heilongjiang.
Balse wuxuu ka sii fogaaday halkaas qiyaastii 1,700km, wuxuuna ka safray Rizhao.
Booliska ayaa joojiyay markuu baaskiilka kexeynayay illaa 500km, xilligaas wuxuu marayay gobolka bartamaha ee Anhui.
Ka dib markii ay ogaadeen inuu lumay, waxay booliska u iibiyeen tiket tareen si uu u geeyo deegaanka uu ku socday.
Ninka wuxuu safarka billaabay bartamihii bishii December illaa bishan January ayuu ku safrayay baaskiilkiisa, jiha qaldanna wuu ku socday.
Wararka waxay sheegayaan in ninka uu seexan jiray mehradaha ganacsiga, uuna yahay qof sabool ah, mushaarkiisuna yaryahay.
Wuxuu doonayay inuu sanadka cusub ee Shiinaha deegaankiisa ku dabaaldego, wuxuuna go'aansaday inuu baaskiilkiisa ku safro.
Ninka oo aan la magacaabin, ma garankaro maabka ama khariidada, taas oo micneheedu yahay inuu ku tiirsanaa waxa ay dadka kale u sheegaan.
Booliska ayaa qabtay asigoo waddo weyn oo aan loogu talagalin baaskiilka ku socda.
Laakiin markii la ogaaday inuu lumay, booliska iyo dadka shacabka ah ayaa lacag u uruuriyay, si deegaankiisa uu u gaaro.

BBC

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...