Maalin kasta waxaan iibsanaa qalab kosmaaticis ah kuwaasoo aan qurux maalmeedkeena ku iftiimino, si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah ayaa waxay halis gelin karaan caafimaadkeenna.
Waxaana u sabab ah inay ku jirto kiimiko jirka waxyeello u geysaneysa, balse aniga oo aan ogeyn ayaan dhammaanteen iska isticmaalnaa. Waana sababta ay u wanaagsan tahay inaad dhakhtarka la kaashato daawada aad isticmaaleyso ka hor inta aadan bilaabin.
Maanta, baaritaan dheer oo la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday in budada la buufiyo ee looga hortago shiirka ragga ee kilkilaha taasoo loo yaqaano AXE ay saameyn toos ah ku yeelaneysa caafimaadka.
Dhakhaatiirta ayaana haatan si weyn uga digaya in la isticmaalo Axe Deodorant For Men sababtoo ah waxay sabab u noqotaa in dadka isticmaala uu ku dhaco cudurka dillaaga ah ee kansarka, sidoo kalena waxay sababtaa in si aan ku talogal aheyn ay u koraan naasaha raggu.
Ragga ayaa si waalli ah u isticmaala Axe Deodorant For Men sababtoo ah waxay doonayaan inay dumarka soo jiitaan. Laakiin dumarku waa ay neceb yihiin shiirkeeda. Kaba sii darane haatan waxaa la ogaaday inay saameyn caafimaad leedahay oo ay kansarka iyadu keento.
filimside
Comments
Post a Comment