Rasid Tugral waxa uu taageerayaal badan ku lahaa baraha bulshada, waxaa uu dadka raaca la wadaagi jiray sawiro lala ashqaraaro oo uu qaaday xilli habeen ah, gaar ahaan kuwa uu ka qaaday Turkiga xilli habeenkii ah oo ay ka muuqdo iftiinka dhismayaasha, iyo fallaaraha xiddigaha xilliga gudcurka oo isqabsaday. Waxa sawirrada uu qaaday qaarkood lagu daabacay bogga internetka ee majalladda National Geographic. Waxa uu dhiganayey jaamacad lagu barto cilmiga fisigiska gaar ahaan barashada xiddigaha. Waxa uu ahaa nin qurxoon, caqli badan, bulshaawi ah, doonaya in kolba wax cusub uu barto, waxaana u gacan haadinayey mustaqbal wanaagsan iyo barashada culuunta hawada sare.
Hase yeeshee Tugral wax kale ayuu isagu u hanqal-taagayey. Waxa uu ahaa nin Muslim ah oo kasoo jeeda qoys muxaafid ah waxaana uu caadaysatya inuu booqdo shabakadaha jihaadiyiinta. Tugral waxa uu turjumaadda ay kooxahaasi ka bixnayaann jihaadka ku qaadday niyaddaa. Horraantii sanandkii 2015-kii waxa uu ka dhuuntay qoyskiisa iyo noloshii wanaagsanayd ee uu ku noolaa, waxaana uu ku biiray ururka ISIS ama Daacish ee ka dagaalama waddama Ciraaq iyo Siiriya.
Dhammaadki bishii Ogost-na Tugral waa uu geeriyooday, waxaana uu dhintay isaga oo u dagaalamaya ISIS. Da’diisu waxay ahayd 27 sano jir.
Kumannnaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ay soo jiidatay dacaayadda iyo fikaradda ISIS ayaa u safray mandiqaddaasi kuna biiray kooxda isku magacawday Khaliifada Islaamiga ah ee ka jirta mandiqaddaasi. Hase yeeshee sheekada Tugral waxay ka duwan tahay kuwa kale ee ku biiray, sababtoo ah qoraalka badan, diiwaanka iyo sawirrada ku saabsan nolishiisa ee uu ka tagay taasi oo uu ururinayey in ka badan 10 sano.

Tugral waxa uu qaaday sawirka isagoo ku sugan meel wax laga fiirsado oo ku taalla TÜBİTAK National Observatory, Antalya, Turkey, waxana uu sawirka ku daabacay Facebook Oct. 7, 2014.
Sannadihii lasoo dhaafay Tugral waxa uu ka tagay taariikh sawirro ah oo isaga ku saabsan shaqsiyaddiisa, sawirrada bisado iyo muuqaallo soo jiidasho ah oo ku saabsan hawada innagu wareegsan iyo diinta Islamaka, waxaana uu weeraro u gaysan jiray dadka aan Islaamka ahayn. Waxa uu diiwaangeliyey noloshiisii ISIS maalin walba – laga bilaabo xilliga uu caajisnaa ee uusan waxba qabanayan, mar uu ku jiray tababar adag iyo isaga oo ay sigeen duqaymaha dhinaca cirka ah. Waxa uu si weyn u difaaci jiray ficillada arxandarrada ah ee kooxdaasi ay kukici jirtay sida qoorgoynta iyo haweenka loo haysto galmo keliya.
Mid ka mid ah farriimaha uu ku qoray Facebook waxa ay odhanayasay: “Qofka dhinta isaga oo aan dagaalamin jihaad waxa uu dhintay isaga oo munaafaqa ah,” waxa na uu soo xiganayey xadiith, oo ah hadallada laga soo xigtay Nebi Muxammad NNKH. Culimada diinta islaamka oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdilfadal waxay ku qansacsan yihiin in kooxaha xagjirka ah ay beddeleen dinta islaamka iyo macnaha jihaadka, iyo in dhab ahaan diinta islaamku ay cambaaraysay argagixisada iyo weerrada loo gaysto dadka rayidka ah.
Haddaba maxaa ku hoggaamiyey Tugral inuu qaado jidkaas xagjirnimada ah ugu dambaynna ku dhinto gacan ka hadal? Weriyayaal ka tirsan VOA ayaa isku dayey inay su’aalo helaan iyaga oo si dhow u darsay qoraalladii baraha bulshada ee Tugral, iyo warqad 14 bog ah oo uu qoray intii uu ku sugnaa Siiriya oo laga soo turjumay afka Turkiga. Weriyayaashaasi waxay sidoo kale waraysteen saaxiibadiisii, dadka ay isla soo shaqeeyeen, waxay kaloo waraysio gaaban la yeesheen aabihiis.
Jihaadku ma ahayn jidkii uu Tugral ka bilaabay nolishiisa qaangaarnimo, sidoo kale ma aha wax laga sii dhadhansan karayey noloshiisii farxadda, caqliga iyo doonista ku dheehnayd ee uu ku jiray. Nolosha iyo geeridiisa dambe waxay tusaale u tahay yabooha beenabuurka ee ay jeedinayso aydiyoolajiyada IS oo ay ku lumeen dhalinyaro badan oo Muslimiin ah.
Xariif aan anshax lahayn
Dabayaaqada sannadkii 2007 Tugral waxa uu galay Jamacadda Farsamada ee Bariga Dhexe METU oo loo yaqaan Harvard-dhii Turkiga waxana uu baranayey cilmiga fisigiska. Jaamacadda oo ah mid cilmaani ah waxa ay u ahayd jawi ka duwan kan guriga uu kasoo jeedo, sida uu sheegay Nihat Celik oo ay isku fasal ahaan jireen kana mid ahaa dadka xaqiijiyey qoraalka Tugral ee baraha bulshasda.
“Maalintii waxa uu tagayey iskuulka waxana uu wax ku baranayey bii’ad bulshadu furfuran tahay, habeenkiina waxa uu usoo hoyaney qoyskooda oo ahaa qoys muxaafid ah oo diineed,” ayuu yidhi Celik. “Suurtogal ma aha inaad isku dhex waddid labadan nololood ee kala duwan.”

Tugral oo buur fuulaya Antalya, Turkey, waa sawir aan la aqoon goorta la qaaday.
Intii uu ku jiray jaamacadda METU Tugral waxa uu caan ku noqday xiisaha uu u qabay cilmiga xiddigaha iyo sawirqaadista, iyo inuu ahaa nin su’aalihiisa ay meel haystaan. Waxa la sheegay inuu mar walaba uu weydiin jiray su’aalo wanaagsan sida uu sheegay nin professor-ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah. Hase yeeshee Tugral ma ahayn ardayga ugu wanaagsan, su’aalo ayaa ka taagnaa dhinaca anshixiiisa waxaana uu gooyey xiisado badan.
Tugral waxa auu ku biiray naadiga qaybta cilmiga xiddigiska ee jaamacadda, waxaana uu saaxiib la noqday madaxa qaybtaasi Utku Boratac. Waxay si wadajir ah u barteen mucjisooyinka samada xilliga habeenkii ah iyaga oo xilligaasi aadi jiray fasaxyo dhulka ka baxsan magaalooyinka ah. Waxay kaloo gacan ka gaysan jireen munaasabadaha uu qabanqaabiyo machadka la socodka qaranka TUBITAK gaar ahaan qabanqaabadaha munaasabadaha lagu daawado xiddigaha, sida uu VOA u sheegay Boratak.
Waxa uu ku bilaabay inuu sawirro ku daabaco bogga ay leeyihiin dadka akhrista majallada National Geographic 2010, waxaana uu ka qaybgalay tartan ku saabsan sawirrada oo lagu qaadayey kaamaradaha lagu eego xiddigaha. Magaca loo yaqaanay baraha ijtimaaciga ah waxa u ahaa Nukleer Kedi ama Nuclear Cat taasi oo ka turjumaysay jacayl uu u qabay bisadaha iyo sawirradoodad.

Tugral waxa uu sawirkan ku daabacay Facebook, Oct. 8, 2014, waxana uu ku sifeeyey, "Hurdoonaya aniga oo waxbaranaya..."
Dhuumasho, duulimaad
Tugral waxa uu kusoo laabtay qoyskiisa Ankara, isagoo u adeegsanaya marin ka hor inta uusan u gudbin dhinaca waddanka ay deriska yihiin ee Siiriya. Waxa uu waalidkiis u sheegay in habeenkii ay taarikhdu ahayd 10-ka Jannaayo 2015-ka uu la soo joogayo saaxiibo ay isku yaqaaneen jaamacadda METU. Balse waxa uu rartay boorso oo dhabarka lagu qaato waxaana uu u baqoolay dhinaca xadka dalka Siiriya.
“Ka hor intii aanan soo bixin, waxaan kalsoonidayda u gacan geliyey ilaahay,” ayuu qoray Tugral.
Waxa uu soo lugeeyey waddada isaga oo u gacan haatiyey baabuur bas ah. Waxa uu yidhi, "markii aan fuulay ayaan xusuustay inaan ka imid kaamaradaydii,". Waxay ahayd kaamarad uu u qaato meel walba oo uu ku diiwaangeliyo samada, deegaanka ku xeeran iyo isbeddelkiisa. Waxa uu go'aansaday inaysan "wax weyn ahayn" oo u qalanta in dib loogu noqdo.
Walaalnimo iyo caajis
Malamo kadib Tugral waxaa loo wareejiyey guri kale oo rasaasku ay gidaarradiisa shabaq ka dhigtay, "oo aan u malaynayo in dagaal lagu qabsaday," ayuu qoray. Waxaa ku jiray ilaa 20 qof, waxaana uu ka sheekeeyey waddamada ay kasoo kala jeedaan iyo sida ay uga siman yihiin taageerada IS. Mid ka mid ah dadka meesha ku jiray waxa uu ciyaari jiray ciyaarta harraatida ee kickboxer waxaana uu ka yimid Jarmalka, mid kale waxa uu ahaa Injineer ka yimid Bangladesh, mid kale waxa uu markaas uun kasoo baxay xabsi ku yaalla Faransiiska. Mid kale ayaa sheegay inuu kasoo safray dalka Shiinaha ayna kasoo baxday lacag dhan $15,000.
Dhowr maalmood kadib Tugraal iyo siddeed kale waxay bas u raaceen magaalada Raqqa, caasimadda IS. "Waxaynu isku arkaynaa jannada," ayey isku macasalaameeyeen sida uu sheegay markii ay kasoo tagayeen kuwii kale ee ay wada joogeen guriga, waxay ahayd macasalaamays farxad leh, sida uu sheegay.
Tugral waxa uu ka muuqdaa fiidyow uu dhigay Facebook isaga oo muquuranaya balli biyo ku jiraan
Tugral waxa uu dhex mushaaxay magaalada Raqqa intii uu sugayey inuu qaato waxbarashada Shareecada iyo tababarka ay IS siinaysay si dagaal loogu diyaariyo. Waxa uu qoray "magaaladu waa magaalo weyn oo dadku ku badan yihiin...dadku si caadi ah ayey ugu nool yihiin iyadoo aan madaxgoyn jirin," ayuu ku qoray xusuus qorkiisa. Waxa ugu wanaagsan ee dawladda islaamiga ah ay samaysay waa mamnuucista sigaar cabista, ayuu qoray, hase yeeshee waxaa uu dhinaca kale ka cabanayey daalka uga imanayey "naaftada gubanaysa meel walba," iyo tan ka imanaysay mootooyinka iyo matoorrada qaboojiyayaasha.
Tugral waxa uu laba usbuuc joogay Raqqa, isagoo lagu dhex daray jihaadiyiin kale oo ajaanib ah guri qabaow oo biyhu ku yaryahay oo aysan oollin wax ka badan ukun markii cunto loo baahdo. Waxaa ku dhacay xanfaf dhinaca dhuunta ah, oo marka loo eego diyaaradaha duqaynaya agagaarkiisa aan ahayan wax sidaas usii weyn kuwaasi oo lagu qiyaasay dabayl xooggan oo daaqadaha garaacaysa.... Mar kasta waxaa na hortaalla cabsida ah in bam madaxa nooga dhaco.”
U diyaargarowga dagaalka
Muddo dhowr bilood ah Tugral waxa uu u kala hoyday dhowr guri oo qaarkood ku yaallaan magaalada Raqqa halka kuwo kale ay ku yaalleen Homs. Waxa uu ka cabanayey duruufaha guryaha oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo qabow, dadku isku badan yihiin isla markaana nadaafadda aysan wanaagsanayn. "Waxaan ku seexanayey qof ilaa 30 qof mar kastana dad cusub ayaa la keenayey," ayuu ku sheegay qoraallkiisa.
Xilli waxaa jirtay uu ku noolaa bohol sida dadkii hore inkastoo ay IS u gogoshay furaash iyo sariiro isbiriin ah, sidoo kalena loo dhigay mishiin dharka lagu dhaqdo iyo matoor korontada dhaliya. "Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jireen agab lasoo xaday," sida uu qoray oo ay ka mid ahaayeen bustayaal ay ku qornayd calaamadda UN-ka oo ay muuqataya in loogu talogalay dadka qaxootiga ah.
Tababarkiisa waxa uu bilowday maalintii ugu horraysay ee uu u hoyday bohosha. Dadka uu ku jiray waxaa la barayey qalaamo-rogadka iyo sida dhooqada loogu dhex gurguurto. Tugral waxa uu xirnaa jaakad iyo surwaal uu kala yimid Finland, "ma doonayn inaan dhooqada kula dhex gurguurto laakiin waan ku qasabanaa," ayuu qoray, isgaoo ugu baaqaya kuwa ka dambeeya ainay soo qaataan dharka milatariga.
Dadka ay iskula jireen bohosha iyo tababarka waxaa ka mid ahaa Injineer u dhashay Biritan iyo wiilkiisa. "Waxay u muuqatay inay wax ka yaqaanaan xiddigaha, aniga oo aan weydiinin ayaan bilaabay inaan u sharraxo," ayuu qoray Tugral. Inkastoo bohoshaasi aysan lahayn koronto, magaalada badankeeduna aysan lahayn. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax caad ah oo qarin karayey xiddigaha.
“Waxaan idiin sheegi karaa in cirku aanu daruuro lahayn meel kasta oo aad kaga sugan tahay dawladda islamaiga ah.”
Difaacid ficillada bahalnimada
Kadib mar uu galay dagaal habeen kale, Tugraal iyo jihaadiyiinta kale ee la socotay waxay ku laabteen saldhigoodii, isagoo sida uu qoray "guul gaadhay". Laba taangi ayey qabsadeen iyo baabuur kale oo fudud iyo baasuukayaal, "waxaana qoorta laga gooyey saddex qof."
Goor dambena waxa uu difaacay qoorgoynta farriin uu ku qoray Facebook isagoo ay sheeko dhexmartay saaxiibkiis Boratac oo weydiiyey sabata uu ula joogo "koox gawracda shacabka isla markaana madaxa ka goysa dadka? Waa waalli xad dhaaf ah.”
Tugral waxa uu taas kaga jawaabay inay ciqaab u tahay dadka taageera xukuumadda Siiriya oo "dilay dad badan oo rayid ah" sida uu sheegay, waxa kale oo uu yidhi waxaa lagu ciqaabayaa kuwa "diiday" maamulka islaamiga ah oo "addoomada u noqday Maraykanka". Waxaa kale oo uu difaacay in jihaadiyiinta IS ay haweenka kasoo jeeda qowmiyadda Yazidi ay u qabsadaan addoomo loo galmoodo oo kale.
Waxa kaloo uu u sheegay saaxiib Boratac in qoorgoyntu ay fulinayso ujeeddo istiraatijyad leh: "Qoorgoynta waa wax loogu talogalay TV-ga si cadawga nooga baqdaan. Markay arkaan way naga baqanayaan wayna naga cararayaan."
Caruusad jihaadi ah
Horraantii bishii Abriil 2015-ka Tugral waxaa lagu dhaawacay dagaal uu la galay Kurdiyiinta meel u dhow magaalada ku taalla xuduudda ee Tal Abyad. Waxa uu u wareegaya magaalada Raqqa si looga daweeyo dhaawaca soo gaadhay oo aan caddayn halka uu ka haleelay.

Tugral oo dhaawah ah waxaana lagu daweynayaa cisbitaal ku yaalla magaalada Siiriya ee Tal Abyad. Sawirka waxaa la daabacay April 17, 2015.
Bishii xigtay waxa uu guursaday Aisha Zevra Et-Turki, oo ah gabadh taageerta IS una dhalatay Turkiga.
Qoraal hore oo uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay in jihaadiga aan xaaska llahayn uu bishii qaato $100 isla markaana uu guri la wadaago lix maleeshiyo ah oo kale. Waxa uu qoray in dadka dibedda ka yimaadda ay haystaan "afar bilood inay ku guursadaan...dawladda islaamiga ah waxay ku siinaysaa guri, dhaqaale adiga, xaaska iyo carruurta aad ku noolaataan.”
Guurka kadib Tugral waxa uu yareeyey qoraalladii uu soo dhigi jiray baraha bulshada. Boratak ayaa kula xiriiray facebook waxaana uu weydiiyey sababbta uu u gaabsaday iyo inuu doonayo inuu Turkiga kusoo laabto.
“Waxa uu igu yidhi dhowaan ayuu guursaday, xaaskisuna waxay ka masayrsan tahay inuu waqti badan ku bixiyo baraha bulshada," sidaas waxaa VOA u sheegay Boratak. "Iima kala caddayn inuu kaftamayey iyo inay dhab ka ahayd.”
Qoraalladii kale ee uu dhigay Facebook iyo Twitter Tugral inkastoo ay ka yaraayeen sidii hore haddana waxaa ka muuqatay inay aad u kortay dareenka weyn ee uu u hayey jihaadinimada iyo sida uu u sii noqday qof diini ah. Waxa uu cambaarayn jiray duqaymaha cirka - oo ay gaysanayana ciidamada Siiriya, Ruushka iyo Isbahaysiga ay Maraykanku horseedka ka yihiin - iyo geerida kasoo gaadhaysa rayidka. Waxa uu sheegi jiray inuu doonayo inuu u dhaqmo sida shareecadu oggohshay, “laga bilaabo cunista cuntada ilaa isticmaalka musuqlaha.”
Waxa uu cambaareeyey Carabta reer Siiriya oo uu ku ku eedeeyey sida uu Facebook ku qoray inaysan akhrin karin Qur'aanka, ama xataa inaysan sidii salaanta islaamka qaadi karin: 'Marka aan ku dhaho, 'nabadi korkina ha ahaato,' dadka caadiga ah ee Raqaa, waxay iigu jawaabaan, 'Hello, hello.’ Aad baan uga niyad jabay.”
'Aakhiro ayeynu isku arkaynaa’
Farriinta ugu dambaysay ee Tugral uu Facebook ku qoray waxay ahayd Ogosto 31-keedii ku dhowaad bil kadib markii uu dhintay.
Waxay sheegaysay: “Haddii aan halkan muddo qoraal ku qori waayo waxaad ogaataan in waqtigaygii dunidan uu dhammaaay aana tagay aahiro. Iisoo duceeya in ilaahay ii aqbalo shaqaahadada. Waxay ahayd farriin hore loo sii duubay. Waxan rajaynayaa inaan aakhiro ku kulano.”
Boggiisa Facebook weli waa uu shaqaynayaa laakiin waxaa dhowaan la xiray bartiisa twitterka, shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay 'joojisay in ka badan 360,000 baro twitter oo xiriir la lahaa argagixisada kuwaasi oo badankoodu xiriir la lahaayeen' IS, tan iyo badhtamihii sanandkii 2015.
Boggiisa Facebook weli waa uu shaqaynayaa laakiin waxaa dhowaan la xiray bartiisa twitterka, shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay 'joojisay in ka badan 360,000 baro twitter oo xiriir la lahaa argagixisada kuwaasi oo badankoodu xiriir la lahaayeen' IS, tan iyo badhtamihii sanandkii 2015.
Salih Doğan, oo ah nin Turkuya oo baadhitaan ku sameeyaa arrimaha siyaasadda, xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha amniga kana tirsan jaamacadda Keele University, ayaa ku qiimeeyey in "kumannaan kun oo qof oo ka socda Turkiga" inay ku biireen IS. Inkastoo sida uu sheegay "dhammaantood laga yaabo inay soo jiidatay xasuuqa xukuumadda Dimishiq ay ka gaysanayso Siiriya," sida uu u sheegay VOA, haddana waxa uu yidhi ujeeddada ay ugu biireen way kala duwan tahay. Qaarkood waxaa laga yaabaa ayuu yidhi inay ugu biireen fikaradda jihaadka sababtoo ah waxay kasoo jeedaan qoys muxaafid ah, qaarkoodna waxay aaminsan yihiin in si caddaalad darro ah loo bartilmaameedsaday, qaarkood waxa dhacda inay la dagaalamaan duruufo hoose oo haysta halka kuwo kalena laga yaabo inay raadinayaan macaash dhaqaale.
"Waa wax laga calool xumaado inay dadkani sidaas ku baxaan," ayuu yidhi Doğan. "Waxay ila tahay in arrinta lama dhaafaanka ah ay tahay faaruq bani'aadminnimo oo ka dhex jirta duni laab la kac ka buuxo."

Magaalada ay IS ka taliyaan ee Raqqa, Siiriya, Tigral waxa uu carruurta baraa sida loo isticmaalo doorbinka xiddigaha. Sawirkan waxa uu ku daabacay Twitterka Twitter, May 5, 2016.
Su'aalaha ku saabsan Tugral weli waxay calool xanuun ku hayaan saaxiibkiis ay wada baranayeen cilmiga xiddigiska Boratac.
Waxay hadda ka hor mar wada daawadeen walxo iftiimaya hawada sare oo ay u maleeyeen suxuunta duusha ama UFO. Rasid si deggan ayuu u dhagaystay markii dambena waxa uu ku sameeyey cilmi-baaris. "Waxa uu ii sheegay, ''ma aha doqon yahow...waa dayax gacmeed.' Waxa uu i baray markaas kadib in aanan go'aan gaadhin cilmi-baarista ka hor.”
Sidaas darteed, Boratac waxaa layaab ku noqotay sida Tugral ay u marin habaabisay dacaayadda IS?
“Waxaan is weydiiyaa ... sidee ayuu ku gaadhay meeshaasi? Waxa uu ahaa nin maadeeya oo aan wax kasta dhab ahaan u qaadan. Ninkaasi ayaa ugu dambayn ay la gaadhay inuu cudur-daar u sameeyo qoorgoynta.”
Celik oo ay iksu fasal ahaayeen jaamacadda METU ayaa aaminsan in Tugral ay suurtogali weyday inuu helo meel u dhaxaysay labada fikradood ee dunida ee iska horimanaya: “Waxaan aaminsanahay inuu maskax ahana ku wareeray labadan adduunyo - dhinac waa diinta iyo dhinaca kale oo ah sayniska uu baranayey.”
“Waxay ila tahay in uu ku jiray xaalad mugdi ah," ayuu yidhi Celik, isagoo intaasi ku daray, "Waan dareemayey taas xataa ka hor intii uusan ku biirin IS.”
Comments
Post a Comment