Dadka ku nool adduunkaan si aad ah ayey u kala muuqaal duwan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Filimside ayaa maanta diyaar u ah inay kaa dhigto mid rumeysan waaya waxa ay indhihiisu arkayaan.
Sababtoo ah waxaan halkaan idinkugu soo bandhigi doonaa liiska 10 nin oo aadan aamini doonin inay xaqiiqo tahay inay ku nool yihiin meeragaan. Sawirradooda ayaana la socda liiskaan.
10 – Yu Zhenhuan (Ninka Ugu Timaha Badan Adduunka) – Ninkaan ayaa xitaa sheegay in uusan u baahneyn inuu dhar xirto sababtoo ah cudur ku dhacay ayaa kallifay inuu jirkiisu noqdo mid timo ka buuxaan boqolkiiba 96.
09 – Tom Staniford (Ninka Aan Marnaba Cayilin) – Tom waxaa ku dhacay cudurka MDP Syndrome, keliya cudurkaani wuxuu ku dhacay sideed shaqsi inta adduunka la ogyahay. Sidaas darteed ninkaani marnaba ma cayilo.
08 – Sultan Kosen (Ninka Ugu Dheer Adduunka) – Sultan Kosen oo ah nin beeraleey ah oo kasoo jeeda dalka Turkey ayaa wuxuu heystaa rikoorka ah inuu yahay ninka ugu dheer adduunkaan. Cabirkiisu waa 8 feet iyo 3 inches.
07 – Chandra Bahadur Dangi (Ninka Ugu Gaaban Adduunka) – Chandra Bahadur Dangi wuxuu heystaa inuu yahay rikoorka ninka ugu gaaban adduunka. Cabirkiisu waa 54.6 Cent Meter.
06 – Francisco Domingo Joaquim (Ninka Ugu Afka Weyn Adduunka) – Wuxuu ka mid yahay dadka heysta rikoorrada qariibka ah ee adduunka. Waana ninka ugu afka weyn adduunka, sida sawirkaan kaaga muuqata.
05 – Carlos “Halfy” Rodriguez (Ninka Leh Madaxa Barkiisu Maqan Yahay) – Shil uu galay ayaa keenay inuu Carlos lasoo baxo muuqaalkaan qariibka ah iyadoo uu maqan yahay nus ka mid ah madaxiisu sidaas oo ay tahay weli waa uu nool yahay. Laakiin sidoo kale nus ka mid ah maskaxdiisa ayaa ka maqan, sida ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen.
04 – Michel Lotito (Ninka Cuni Kara Wax Kasta) – Michel waxaa lagu garanayaa inuu yahay nin ka qeybgala tartamo uusan nuucoodu adduunka ku badneyn. Wuxuuna awood u leeyahay inuu cuno wax kasta kasoo biloow BUR illaa BIR.
03 – Gary Turner (Ninka Leh Maqaarka Jiidmaya) – Gary waxaa ku dhacay cudurka Ehlers-Danlos Syndrome sidaas darteed ninkaan maqaarkiisu wuxuu u jiidmayaa sida laastiigga oo kale.
02 – Sajad Gharibi (Hulk Of Iran) – Sajad Gharibi waa wiil aad u xoog badan wuxuuna ku helay xooggiisa dartiis niinaasta ah Hulk-ga dalka Iran. Waxaana lagu murmaa inuu yahay ninka ugu xoogan adduunka.
01 – Amoo Hadji (Ninka Ugu Wasakhda Badan Adduunka) – Ninkaani wuxuu daaha ka qaaday in uusan qubeysan muddo 60 sanno ah, wuxuuna kasoo jeedaa xaafad yar oo ku taalla dalka Iran waana ninka ugu wasakhda badan adduunka.
Rikoorkee adiga ahaan kuugula yaab badan akhriste?
Filimside
Comments
Post a Comment