Bin,aadamka oo dhan waxa abuuray Alle wuxuuna u doortay inay noqdaan lab iyo dhedig sidoo kalana wuxuu u sameeyey waxyaabo ay ku kala duwan yihiin.
Dadka wax baaro ayaa markaan ka hadlay sababta keentay in gabadhaha ay is ruxaan marka ay soconayaan weliba qeyb dambe taasoo dadka qaar ay ku sheegeen inay tahay ismuujin ay ragga isku muujinayaan.
Haddaba culumada wax baarto ayaa sheegeen in ruxitaanka gabdhaha marka ay soconayaan inay tahay wax uu Alle ku abuuray taasoo ka dhalato jirkooda.
Culumada ayaa sheegeen in lafaha ragga ay ka weyn yihiin kuwa dumarka, sidoo kalana kala horeynta lafahana way ku kala duwan yihiin jinsiyadaha kala duwan.
Sidoo kale culumada ayaa sheegeen in gabadhaha ay u baahan yihiin awood badan si ay u socdaan halka ragga aysan socodka dhibaato ku qabin, waxayna tilmaameen in dumarka marka ay soconayaan ay imaaneyso inay hadba dhinac isku ruxaan mana ahan ayey dhaheen istustus iyo ismuujin.
Culumada ayaa xusay in boodada dumarka iyo jilibka ay u dhaxeyso Laba Meyl taasoo ah mid ka badan ragga waana midda keento inay dhaqaaqaas sameeyaan.
Filimside.net
Comments
Post a Comment