Kusoo Dhowoow Catzonia – Hoteelkii Ugu Horreeyey Ee U Gaar Ah Bisadaha Oo La Furay, Waana Five Star!!!
Qolal heerkulkooda si aad ah looga warqabo, loo sameeyey sariiraha boqortooyada oo kale, lehna meelo lagu ciyaaro ayuu leeyahay Hotel Catzonia.
Si kastaba ha ahaatee, Hotel Catzonia ma ahan hoteel loogu talogalay inay aadanuhu jiiftaan ee waa hoteelkii ugu horreeyey caalamka kaasoo FIVE STAR ah loola sameeyey bisadaha oo keliya.
Hoteelkaani wuxuu ku yaallaa degmada Damansara, oo dhacda duleedka caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Waxaana xusid mudan in Hotel Catzonia laguugu xannaaneyn doono bisaddaada marka aad dalxiis u timaado degmadaan loo dalxiiska tago.
Wuxuu ka kooban yahay 35 qol, waana afar dabaq guud ahaan. Hotel Catzonia ayaana waxaa jooga shaqaale loo carbiyey xannaaneynta bisadaha ay halkaan keensadaan macaamiishu.
Website-ka Catzonia Hotel ayaa waxaa lagu qoray: “Waxaan aaminsanahay inay bisaduhu su baahan yihiin nasiino iyo maalmo dalxiis ah. Markasta waxay doorbidaan in loola dhaqmo sida inay madax yihiin oo kale. Inta ay halkaan joogaan marnaba cidlo ma dareemi doonaan”.
filimside.net
Comments
Post a Comment