Skip to main content

Waxaan guri wadaagnaa aabahay oo mayd ah

Mayd

Badankeen ma jecla in ay ka fikiraan ama ka hadlaaan dhimashada, laakiin waxaa jira dad ka hela.
Gobolka Toraja ee jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia dadka dhintay waxay qayb ka yihiin nolol maalmeedka caadiga ah.
Digniin: akhristeyaasha qaar waxaa laga yaabaa in ay dhibsadaan qaar ka mid ah sawirrada warbixintan ku jira.
Gurigan alwaaxa ka samaysan ee aysan oolin alaabadu ee dhawrka sawir ka muuqdaan ee codadku ka dhex yeerayaan naxashkuna ka soo carfayo, waxaa ka jira isu imaatin qoys.
"Aabahaa ka waran?" ayuu qof marti ahi yiri, jawigii ayaana si dhakhso ah isu badalay oo qof kaste wuxuu fiiriyay guri yar oo meel gees ah ka dhisan halkaas oo uu yaalo nin duq ah oo saaraan sariir qurux badan.
Mamak Lisa oo ah gabadhiisa ayaana qofkii su'aalay xaaladda aabaheed ugu jawaabtay "wali wuu xannuunsan yahay."
Mamak oo muusoonaysa ayaa u dhaqaaqday dhanka ninka duqa ah, iyada ii tartiib u gacanqaadaysa ayay tiri "Aabo marti ayaa kuu timid si ay kuu arkaan, waxaan rajaynayaa in aadan dhibsan doonin ama aadan ka xanaaqi doonin.
Waxayna igu martiqaaday in aan soo dhaqaaqo oo aan la kulmo Paulo Cirinda.
Indhahayga ayaa ku dhaygagay sariirta uu saran yahay Paulo Cirinda oon dhaqdhaqaaqaynin xataa indho libiqsiba ha ahaatee, inkastoo ay igu adkayd in aaan indhihiisa ka bogto awkiyaaalaha uu qabo oon tirtirnayn awgeed.
.Lahaanshaha sawirka.
Jidhkiisa waxaa ku yaalay duleelo badan siddii isaga oo cayayaan cunay, inta badan jidhkiisase waxaa saarnaa maryo.
Waxaase layaab igu noqday markii ay soo galeen carruur yaryar oo uu awoow u yahay oo iska ciyaaraya.
Mid ka mid ah oo qoslaya ayaana yiri "awoowgay muxuu markaste u jiifaaa?, mid kii kalana wuxuu kor u yiri "awoowe toos oo kaalay aan wax cunnee!"
Mamak Lisa ayaa markaas tiri awoowe ha dhibina wuu jiifaa ee, "waad ka xanaajin doontaan".
Arrinta layaabka leh ayaa ah in Paulo Cirinda uu geeriyooday 12 sano ka hor balse ay qoyskiisu u malaynayaan in uu nool yahay.
Fikirka ah in mayd guriga lagu haysato layaab ayay ku tahay dadka aan halkan deganayn, laakiin hal milyan oo ruux oo ku nool gobolka Toraja ee dalka Indonesia waa dhaqan soo jiray qarniyo.
.Lahaanshaha sawirka.
bbc


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...