Maxkamad ku taalla magaalada Nanjing, ee Shiinaha ayaa amartay in la xiro laba nin oo lagu eedeynayo inay dadka ku khayaameen bangi been ah, si ay lacagtooda u dhigtaan, sidaas waxaa ku warrantay warbaahinta dowladda.
Ragga, oo lagu kala magacaabo Zeng iyo He, ayaa lagu helay dembi ah inay jeebka isaga riteen $63 milyan oo dollar.
Lacagtaasi waxaa lahaa illaa 400 oo macaamiil oo bangiga beenta ah lacag dhigtay.
Xukun lagu ridi lahaa ayaa dib loo dhigay ka dib markii lagu oogay kiisas kale, sidaasi waxaa sheegay wargeyska People's Daily.
Waxaa lagu xukumayaa, Zeng, Sagaal-sano, iyo He oo sagaal-sano-iyo-bar xabsi ku jiridoono.
Bangiga beenta ah, oo loo bixiyay co-operative, waxaa loo ekeysiiyay gudihiisa bangiga dowladda ay leedahay.
Wuxuu lahaa dad lacagta qabto ama bixiyo, dhar iyo warqado la mid ah kuwa bangiga dowladda.
Laakiin, inkastoo wax u eg sharciga looga shaqeeyo miyiga ay haysteen, haddana waxay ka faa'ideysteen inaan looga baahneyn warqado fasax oo u ogolaanaya inay bangi ahaan u shaqeeyaan.
Dad badan oo Shiinaha ku nool ayey arrintan ku noqotay fajac, maadaana haddaba ay jiraan fadeexado ku saabsan cunto iyo waxyaabo kale oo la been abuuray.
Waxay dad badan la yaaban yihiin in Bangigan uu muddo shaqeynaayay ayadoo aana la ogaan.
Comments
Post a Comment