Skip to main content

Nokiya oo soo bandhigtay telefoonkii Nokia 6 Android ee ugu horeeyay

Nokia 6Lahaanshaha sawirka
The Nokia 6 ayaa ah teleefoonkii ugu horeeyay ee Android smartphone ee wata magaca Nokia
Telefoonkii ugu horeeyay oo Nokia Android ayaa lagu iibinayaa Shiinaha oo kaliya.
Telefoonka ayaa lagu iibin doonaa dukaanka internetka ee JD.com.
Shaqaalaha ku howlan telefoonka Nokia 6, ayaa sheegay in telefoonka loo sameeyay si aad u saraysa ayna soo jiidan doonto macaamiisha waddanka.
Ku dhawaaqidan ayaa ku soo aaday maalintii ugu danbaysay ee bandhiga teknoolajiyada ee CES ee lagu qabtay Las Vegas, halkaas oo telefoono cusub iyo qalabyo kale ee teknoolajiyada lagu soo bandhigay.
Nokia ayaa joojisay inay soo saarto telefoono laakiin waxay ogolaansho u siisay shirkada Finishka ee HMD Global inay samayso telefoonada Nokia.
Ilaa hadda , telefoonada ay HMD u soo saaraysay Nokia ayaa ahaa kuwa raqiiska ah ee aan ahayn Smartphone.
Nokia 6Lahaanshaha sawirkaHMD GLOBAL
Image captionHMD Global ayaa soo bandhigi doona bisha Febraayo taleefoono Nokia Android oo lagu iibin doono suuqyada kale
"Iyadoo ay jireen 552 milyan oo macaamiil oo isticmaala smartphone dalka Shiinaha sanadkii 2016, waxaa la filayaa in tiradan ay kororto oo ay ka badnaato 593 oo milyan oo qof oo isticmaala smartphone sanadka 2017, waa suuq istaraatiijiyad u leh telefoonada sida fiican loo sameeyay ayna macaamiisha qadariyaan tayadooda" ayay shirkada ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Nokia 150Lahaanshaha sawirkaHMD GLOBAL
Image captionHMD Gobal ayaa iibisa telefoonada raqiiska ee Nokia 150, ee lagu iibiyo adduunka oo dhan
Telefoonka Nokia 6 ayaa ku shaqeeya Android 7.0 oo ah borogaraamkii ugu danbeeyay oo loo yaqaano Nougat.
Wuxuu joogaa 1,699 yuan ($245; £200).
Wuxuu wax yar ka qaalisan yahay Huawei's Honor 6X laakiin ka raqiisan yahay Xiaomi Mi 5s.
"Nokia ayaa ah telefoonada adduunka sida wayn looga yaqaano" ayuu sheegay Ben Wood oo ah la taliye teknoolajiyada ee CCS Insight.
" Waxay rajaynayaan magaca Nokia inuu ka caawiyo in laga aqoonsado suuqa telefoonada iphoneka oo ay yaalaan telefoono kala duwan, oo tartan badan uu ka jiro telefoono isku si loo sameeyay."



BBc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...