Skip to main content

UAE ayaa ku maalgalinaysa $163 bilyan tamarta nadiifka ah

Shams 1, Concentrated Solar Power plant, in al-Gharibiyah Abu Dhabi (17 March 2013)Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAbu Dhabi ku jirta imaarada ugu horaysa UAE ee hiigsanaysa tamarta nadiifka ah
Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay doonayso inay ku maalgaliso $163 bilyan, mashruuc soo saaraya kala bar tamarta waddanka u baahan yahay oo nadiif ah.
Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshahan marka la gaaro sanadka 2050, wuxuu sheegay inuu rabo inuu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka.
UAE ayaa leh mustaqbal tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.
Waddanka ayaa ku jira waddamada ugu badan ee gaaska CO2 hawada ku sii daaya.
UAE ayaa ka danbaysa Qadar, Kuwait iyo Baxrayn liiska Bangiga Adduunka ee gaaska CO2 ee qof walba uu hawada ku sii daayo. t World Bank's worldwide list of CO2 emissions per capita.
Ra'iisalwasaaraha UAE, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, ayaa sheegay inuu rajaynayo sanadka markuu yahay 2050, in 44% tamarta uu waddanka u baahan yahay ay ka timaado tamarta nadiifka ah, iyadoo 38% ay ka iman doonto gas, 12% shidaal la nadiifiyay iyo 6% tamarta nukliyeerka.
'Inter Solar Connecting Solar Business' exhibition in Dubai (19 September 2016)Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDubai ayaa sanadkii hore soo bandhigtay magaalo tamarta ka helaysa qoraxda
Dubai iyo Abu Dhabi ayaa ugu horeeya qorshaha UAE ay ku doonayso tamarta nadiifka ah :
  • Bishii June, Dubai ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay dhisto shaldhig korontada tamarta oo la dhamaynayo 2030
  • 2014, Abu Dhabi ayaa furtay saldhiga ugu wayn adduunka ee tamarta qoraxda ku shaqeeya
  • Shirkadaha ka socdakoonfur Korea ayaa sidoo kale dhisaya afar saldhig oo ku shaqeeya nukliyeer meel u dhow Abu Dhabi, oo la rajaynayo inay soo saaraan 1,400 megawatts sanadka 2020
Dhinaca kale Morocco, Tunisia iyo Yemen ayaa balanqaaday bishii November inay isticmaalaan tamar nadiif ah oo kaliya sanadka markuu yahay 2050.


BBc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...