Skip to main content

Bangiga Adduunka oo saadaalinaya 2.7% koror dhaqaalaha adduunka sanadka 2017

Oil drilling platform in front of Sugarloaf MountainLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Waxaa jiri doona oo kaliya koror yar ee dhaqaalaha adduunka sanadka 2017, sida uu saadaaliyay Bangiga Adduunka.
Warbixinta dhaqaalaha adduunka ee (Global Economic Prospects) ayaa saadaalinaysa koror 2.7% marka la barbardhigo 2.3% ee korarkii sanadkii hore.
Kororka ayaa waxaa keeni doona waddamada dhaqaalahoodu soo korayo sida uu sheegay bangiga.
Laakiin waxaa jira hubaal la'aan kadib doorashadii Maraykanka, sida warbixintu sheegtay.

Kororka dhaqaalaha

Waddamada dhaqaalahoodu korayo dulsaarka lacagta ee la kordhiyay dalka Maraykanka iyo qiimaha doollarka oo kordhay ayaa keentay in la adkeeyo in la bixiyo amaahda, taasoo keentay in ammaahda lagu helo si qaali ah ama ay adag tahay in la helo.
Laakiin bangiga ayaa filaya in kororka uu sii bato waddamadan, sababtoo ah, sicirka qayraadka dabiiciga sida shidaalka iyo macdanta oo kordhay, oo ay dalalkan badankooda dhoofiyaan.
Dhaqaaleyahanada Bangiga ayaa sidoo kale filaya in hoos u dhaca dhaqaalaha labada waddan ee ka mid ah waddamada dhaqaalahooda uu kordhayo ee Brazil iyo Ruushka uu dhamaado.
Waddamada hoay u maray dhaqaalahooda ayuu bangiga saadaalinayaa koror yar oo ah ilaa 1.8%. Kororkan ayaa ka fiicnaan doona kii 2016, laakiin wali waa yar yahay markii la barbar dhigo waqtigii ka horeeyay dhibaatada dhaqaalaha adduunka.
Hubaal la'aanta siyaasadaha mustaqbalka ayaa korortay kadib aftidii Britain ay uga baxday Midowga Yurub gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay dhaqaalaha adduunka iyo guushii Donald Trump ee doorashadii Maraykanka.
Warbixinta ayaa faaqidaad ka bixinaysa sababta uu Maraykanka muhiim ugu yahay dhaqaalaha adduunka marka laga hadlayo ganacsiga iyo hayadaha lacagaha sida ay isugu xiran yihiin.
Waxay sheegtay inay jirto hubaal la'aan badan siyaasadaha dowladda Mr Trump ay samayn doonto.
Aerial view of One World Trade Center in ManhattenLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Waxay sheegtay waxaa jira rajo laga qabo koror dhaqaale ee Maraykanka, haddii Donald Trump uu hirgaliyo siyaasadiisa inuu jarayo canshuurta laga qaado shaqaalaha iyo ganacsatada iyo inuu maalgaliyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Warbixinta ayaa sidoo kale eegtay saamaynta ay yeelan karto haddii xayiraad lagu sameeyo ganacsiga caalamiga ah. Mr Trump ayaa sheegay inuu kordhin doono canshuurta alaabada la soo dhoofiyo wuxuuna ku taliyay inuu baabi'in doono qaar ka mid ah heshiisyada ganacsi.

Saamaynta saboolnimada

Bangiga ayaa sheegay caalamka, xayiraada cusub ee ganacsiga inay gaartay meeshii ugu saraysay tan iyo dhibaatadii dhaqaalaha adduunka, waxayna ka digtay in waddamada dhaqaalahooda korayo iyo kuwa soo koraya ay saamayn wayn ku yeelan doonto xayiraadahan.
Xayiraadahan ayaa saamayn wayn ku yeelan kara dhaqaalaha waddamada ugu saboolsan, ayay warbixinta ka digtay, iyadoo sheegtay kororka dhaqaalaha inuu yahay waxa ugu wayn ee lagu dhimay saboolnimada labaatankii sano ee ugu danbeeyay.
Waxay sheegtay haddii ay soo noqoto kororkii la arkay 2008-dii ka hor, in saboolnimada badan uu hoos uga dhaco 4% sanadka markuu yahay 2030.
Laakiin koror yar sida midkii la arkay 2015 ayaa hoos u dhigi karoo kaliya saboolnimda badan 9%.
Toddobaadka danbe Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa bixin doonta sadaalinteeda dhaqaalaha ee 2017.
Laakiin waa muhiim inaan la is barbar dhigin labada warbixin tirada ay isticmaalaan ee kororka dhaqaalaha adduunka.
waxaa jira laba hab oo la isugu daro kororka dhaqaalaha waddamada intuu le'eg yahay si loo helo tiro caalami ah, labada hay'adood ayaa isticmaala laba hab oo kala duwan warbixinadooda.


BBC

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...