Skip to main content

Guryaha ugu horeeya ee ay dhalinyarada iibsanayaan 'ayaa la dhisayaa sanadkan'

affordable housing, BristolLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionGuryahan cusub ee la dhisayo ayaa ah kuwo ka raqiisan kuwa suuqa lagu iibiyo
Kumanaan guryo oo loogu talagalay dhalinyarada guryaha ugu horeeya iibsanayso ayaa la dhisayaa, sida ay sheeg dowladda Britain.
Soddon meelood oo ku yaala gobolka England ayaa heli doona lacag dhan £1.2 bilyan, oo loogu talagalay mashruuca "Starter Homes Land Fund" oo lagu dhisayo guryo cusub.
Dhalinyarada guryaha iibsanaya waa inay da'dooda u dhaxaysaa 23 ilaa 40 waxayna helayaan guryo ugu yaraan ka raqiisan 20% inta ay suuqa ka joogaan.
Laaakiin, mid ka mid ah dadka ku xeeldheer guryaha ayaa BBC u sheegay in waqtiga guryaha lagu dhisayo ay tahay wax adag in lagu guulaysto.
Mashruuca Starter Homes Land Fund, ayaa markii ugu horaysay ay dowladda ku dhawaaqday sanadkii 2014, waxaana loogu talagalay inay dad badan guryaha ku iibsadaan.
Guryaha la raqiisinayo ayaa ah kuwo qiimahoodu yahay ilaa £250,000 guryaha London banaankeeda ku yaala, iyo kuwa London ku yaala ee qiimahoodu yahay £450,000.
Wasiirka guryaha Gavin Barwell ayaa sheegay: " Dowladiisa inay ka go'an tahay inay dhisto guryo lagu caawinayo dhalinyarada inay gurigooda ugu horeeya iibsadaan.
Bricklayer laying bricksLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Degmooyin cusub

Soddon xafiisyada deegaanada ayaa la doortay iyadoo la eegay sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhisi karaan guryaha. Deegaanadan waxaa ka mid ah Blackpool Council, Bristol City Council, Sheffield City Council iyo Luton Borough Council. Guryaha ayaa la filayaa in la iibgeeyo 2018.
Laakiin isagoo la hadlaya BBC, Christine Whitehead, oo ah Professor dhaqaalaha guryaha (housing economics) ee jaamacada London School of Economics, ayaa sheegay "in waqtiga guryaha lagu dhisayo uu aad u gaaban ayahay, ma fududa in guryo si dhaqso ah loo dhiso, sidoo kale waxaa nagu yar xirfada" ayuu yiri.
Dowladda ayaa sidoo kale balanqaaday inay dhisayso 200,000 oo guryo markii la gaaro sanadka 2020.
Tani waa hadalkii labaad ee ay dowladda soo saarto toddobaadkan si ay wax uga qabato guryo la'aanta ka jirto UK. Waxay Isniintii sheegtay inay ka dhisayso 48,000 oo guryo 14 meelood oo ku yaala gobolka England, oo u dhaxaysa Cornwall ilaa Cumbria.
Waxay sheegtay inay dhisayso saddex degmo oo cusub oo laga dhisayo Aylesbury, Taunton iyo Harlow & Gilston, oo lagu kordhinayo degmooyin oo la dhisayo.
Dowladda ayaa balanqaaday inay dhisayso 200,000 oo guryo markii la gaaro sanadka 2020.
Bishan ayay soo saari doontaa qorshaha dowladda ee ay ku dhisayso guryaha cusub.




BBc

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...