Image caption Brittany Bir ayaa sheegtay ardayda kaligood wax isbarta inay ku fiican yihiin inay shaqo abuurtaan Jaamacad macallin la'aan ah ayaa laga furay California bishan. Waxaa la yiraahdaa 42 - magacaas oo laga keenay macnaha nolosha, oo ka timid filimka taxanaha ee qayaaliga ee ( Hitchhiker's Guide to the Galaxy ). Jaamacada Maraykanka oo qayb ka ah jaamacad ku taala Faransiiska, oo ay isku magac yihiin waxay ku tababari doontaa ilaa kun arday sanadkii sida loo sameeyo borogaraamyada kombuterka, iyadoo u ogolaanaysa inay iska caawiyaan borogaraamyada, kadibna ay isku saxaan. Tani ayaa u eg qof indhaha la' oo hagaya indhoole kale, wayna adag tahay in la qiyaaso waaalidka imanaya maalinta ugu horaysa inay jeclaadaan jaamacad aan lahayn macallin. Laakiin tan iyo markii jaamacada 42 ay ka bilaabmatay Paris sanadkii 2013, codsiyada loo soo dirsado ayaa aad u kordhay. Waxbarasho lacag la'aan ah Dadkii dhawaan ka baxay jaamacada waxay hadda u shaqeeyaan shi...
Dhacdooyin iyo aqoon xaqiiq ku saleysan nagala soco