Skip to main content

Suxufiga dhabta ah

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawan karo   dal kasta horumarka uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ay ku faanto bulshada caalamla.
Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday ama ka hirgalay saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska lahaayeen ama iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray kuwo wax ku bartay  dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka badalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.
Dhismaha warbaahinta Soomaalida oo ku bilowday qaab ganacsi,kuwo siyaasad gaar ah leh  iyo mid guudba ,haddana waxaa sanado badan ay fursad u heleen in ay soo saaraan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed  oo ilaaliya  danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.
Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.
Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal  kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.
Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan  , waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka  iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.
Qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.
Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha kooban ee lagu tilmaamo qaar kamid ah hogaamiyaasha qeybaha bulshada,adigoo  aeegsan kara qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.
Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.
Ogoow suxufi in haddii aad ku xadgudubto anshaxa saxaafadda ay jiraan hey’ado amni oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo horseedi karta in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad wajahdo sumcad xumo,mana ahan ceeb-sheegidda iyo dhaliilaha waxa suxufigu uu ku gaaro magac iyo maqaam.
SONNA\Shire Xasan Kulmiye

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...