Skip to main content

Magaaladii Dhaqan Xumada ee la Halligay 19 Qarni ka Hor+sawiro

Image result for pompeii images people



Dalka Talyaaniga waxaa ku taalla magaalo lagu magacaabo Pompeii oo in badan warbaahinta dunida ku naanaysto magaaladii Dhaqan xumada (Faaxishada). 
Magaaladani waxa ay ku taallaa oogada sare ee buur  dhererkeedu gaadhayo illaa 1200 oo mitir. Waxaana la aaminsan yahay in ay ku noolaan jireen dad ka badan 20 kun oo qof, 
oo u badnaa ganacsato aad u ladan, laakiin ay dhammaantood ku dhinteen qarax Fulkaane oo dhagaxii, holacii, dambaskii iyo burburkii ka dhashay uu daboolay magaalada oo dhan, dadkiina ka dhigay wax sida asnaam oo kale ah, 

dadkan ayaa illaa maanta dhex yaalla magaalada burburkeeda iyo goobo lagu ururiyey.
Sannadkii 79kii Dhalashadii Ciise kadib oo ku dhowaad 5 Qarni (492 sano) ka horreysay dhalashadii Nebi Muxammed (SCW) ayaa uu Fulkaanahani ku dhacay dadkan magaaladan ku dhaqnaa,
marka la arkay qaabka ay u yaallaan maydadku ay  khubarada hidde-raaca iyo aathaartu kala soo baxeen fikir ah in uu ruux kastaa naf-xarbigii dhimashada ka horreeyey uu ku dadaalay in uu noolaado,

xarakaad jidheed oo uu ku raadinayo badbaadana sameeyey, sida in uu ordo ama iska dul qaado uurada iyo burburka, 
laakiin aanay waxba u tarin, maadaama dhan walba magaalada iyo gudaheedaba ay kaga yimaaddeen buuro dab holcaya ah, xitaa dhinaca baddu ay ka xigtay.


Magaalada Pompeii waxa hadda lagu tiriyaa in ay tahay goobaha dalxiiska loo tago ee ugu muhiimsan uguna dadka badan dunida oo dhan, gaar ahaan qaaradda Yurub, 

Dad aad u tiro badan oo dalxiiseyaal ah ayaa isaga yimaadda daafaha dunida si ay indhahooda ugu soo arkaan waxa ku dhacay magaalada Pompeii iyo sidoo kale ficillada iyo dhaqannada illaa hadda laga arkayo maydadka ee ay Magaaladan  samayn jirtay.

Waxaa xusid mudan in sida taariikhda ku cad, hadhaadiga magaaladdan iyo maydadkana laga fahmi karo in dadka magaaladdan deggeni ay baraysteen dhaqanno fool xun, 
Image result for pompeii imagesImage result for pompeii images
oo sinadu ugu horreyso, iyada oo illaa maanta la arkayo maydadka rag iyo dumar, rag iyo carruur, rag iyo dad isku jinsi ah oo shaaracyada magaalada Alle rogay uu maydkoodu ku qallafay iyaga oo ku gudo jira ficilladii sinada iyo anshax xumada ahaa. 
Sidoo kale waxa ay taariikhyahannada qaar xusaan in magaaladani ay caan ku ahayd ka ganacsiga jidhka.



Image result for pompeii imagespompeii maanta
Image result for pompeii imagespompeii xiligii hoere

Image result for pompeii imagesSawirada ilaa maata lugu arko Pompeii

Image result for pompeii imagesGoobihii folkaanadda

Image result for pompeii images
Roma pompeii ee dalxiiska loo tago

Image result for pompeii images Image result for pompeii images
Tiyaataradii  Hore

Image result for pompeii images Image result for pompeii images
Tiyaaradda hadda


Qoraa;;qadar omar hassan
Email;qadaryoung@gmail.com
Xigasho;https://en.wikipedia.org/wiki/Pompeii

  

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...