Koox ay budhcad badeeda Soomaalida ku haysatay ku dhowaad shan sano ayaa soo gaartay caasimadda Kenya ee Nairobi, waxa ayna markii ugu horreysay ka hadleen xaaladii ay ku noolaayeen muddadii ay gacanta ugu jireen burcad badeedda Soomaalida.
Dareen caadifadeed ayaa ka muuqday markii ay raggaasi oo 26 ahaa soo dhoweeyeen danjirayaasha waddammadooda u fadhiya Nairobi.
Waxa ay haatan ku noqonayaan dalalkii ay u kala dhasheen oo ay ka mid yihiin: Shiinaha, Philippines, Vietnam iyo qaar kale oo ka tirsan bariga qaaradda Asia.
Mid ka mid ah ragga la soo daayay ayaa BBC-da u sheegay in ay ku noolaayeen nolal ciriiri ah, ayna cuni jireen shimbiraha iyo waxyaabaha kale ee ay adagtahay in uu bani'aadamku cunno ahaan u cuno.
Sii deyntooda waxaa la xaqiijiyay maalintii Sabtidii ahayd kaddib wada xaajood waqti dheer qaatay.
Waxaa muddo dheer lagu hayay dhulka xeebaha Soomaaliya kaddib markii markabkooda, oo laga afduubay meel u dhow Seychelles, uu ku degay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya.
bbc
Comments
Post a Comment