Skip to main content

Teknoolajiyada iyo dhismaha : Wax dhisida oo aad u noqonaysa digital


Sawirka he Tower, DubaiImage copyright
Dhismaha The Tower oo ah dhismo casri ah, oo laga dhisayo Dubai wuxuu noqon doonaa dhismaha ugu dheer adduunka

Shirkadaha naqshadaha iyo dhismaha ayaa awooday inay arkaan naqshada kombuterka ee 3D oo ay u isticmaalayaan dhismayaashooda mudo badan.
Laakiin hadda waxay samayn karaan inay arkaan gudaha naqshada, iyadoo ay xiranayaan qalab madaxa la gashto oo leh teknoolajiyada (VR), isagoo siinaya aragti 360 degree.
Waxaa intaas dheer, dadka isla shaqeeya ayaa sidoo kale qalabka madaxa gashanaya oo arkaya isku wax, kadibna wax ka badali kara naqshada isla waqtigaas.
Shaqaalaha ayaa kala joogi kara meelo kala duwan caalamka.
Tani waa wax xiiso leh oo ku cusub dhismaha - taasoo ah horumar uu gaaray ganacsiga dhismaha.
Madaxa mashruuca Crossrail ee lagu dhisayo tareeno UK, Wolstenholme, ayaa sheegay "Taariikh ahaan aad ayaan uga gaabinay hal abuurka, ma aysan jirin baahi loo qabo isbadal.
"Laakiin hadda, anagoo u baahan inaan fursado ka helno dibadda, waxaan joognaa meel aan faa'iido heli karno".

Borogaraamyada dhismaha

Borogoraamka (BIM) oo samaynaya barnaamijyada 3D ee digital-ka ayaa la sii horumarinayaa.
Shirkadda Vizerra, oo saldhigeedu yahay San Francisco, ayaa bilowday awooda "gamification" iyo VR ee borogaraamkeeda BIM ee Revizto.

Naqshada 3D ee dhismoImage copyright
Hadda waa lagu dhex socon karaa borogaraamyada naqshada ee 3D iyadoo la isticmaalayo qalabka madaxa la gashto oo wata teknoolajida VR

"Borogaraamka Revizto, ayaa isticmaala 3D teknoolaji iyo cloud si uu isugu keeno naqshado dhismo oo kala duwan, ayuu sheegay Arman Gukaysa, oo ah madaxa shirkadda Vizerra.
Borogaraamka teknoolajiyadiisa 3D ayaa u ogolaanaysa qofka inuu dhexgalo naqshada isagoo arkaya gudaha. Qalabka wax lagu arko oo madaxa la gashto ee wata Revizto waxaa ka mid ah HTC Vive iyo Oculus VR.

Dhimista qaladka

Shaqaalaha samaynaysa mashaariicda ayaa is kaashan karta iskuwaqti, waxayna ku kala qaybsan karaan shaqooyinka.
Vizerra ayaa sheegtay habkan oo kale inay waqti u dhaqaalaynayso macaamiisha ilaa 40%, sababtoo ah waxaa la arkayaa qaladaadkii intuusan dhismaha bilaaban.

Sawirka borogaraamka ReviztoImage copyrightREVIZTO
Image captionBorogaraamka Revizto oo ay shaqaalaha isla isticmaalayaan markii ay wax naqshadaynayaan ayaa yaraynaya qaladaadka ayay sheegtay shirkada

"Mashaariicda dhismaha 30% ama ka badan ayaa misaaniyadooda lagu isticmaalaa in la saxo qaladka aan la arkin markii la naqshadaynayay" ayuu yiri Mr Gukasyan.
"Waa waali lacagta tirada badan ee qasaarta sababtoo ah hab hore ayaa la isticmaalay, oo ku salaysan naqshadayn 2D ah oo waraaqo la isticmaalay"

Nin xiran qalabka madaxa ee Oculus Rift headsetImage copyright
Image captionQalabka VR ee madaxa la gashto, sida Oculus Rift, ayaa aad loogu isticmaalayaa naqshadaynta dhismaha

Revizto ayaa hadda waxaa isticmaala in ka badan 60,000 shirkadood oo jooga 150 waddan ayay sheegtay Vizerra, waxaana ka mid ah shirkadaha caalamiga ee Foster & Partners iyo Perkins & Will.
Shirkadaha kale ee ku horeeya teknoolajiyadan kordhaysa ayaa ah AutoCAD, Revit iyo Vectorworks Architect, iyagoo saadaalinaya inay iibin doonaan borogaraamyo qiimihiisu dhan yahay $12bn sanadka markuu yahay 2022.

Maamulka

Mashaariicda waawayn ee dhismaha ayaa noqon kara wax aan sahlanayn oo qaali ah, marka in la maamulo shaqaalaha, alaabada iyo horumarka shaqada dhismaha ayaa muhiim ah.
Markii hore, meesha dhismaha uu ka socdo ayaa saacadaha shaqaalaha lagu qori jiray buug, oo ka dibna kombuterka la galinayay.
Hadda borogaraamka Rhumbix ayaa digital ka dhigay xogta iyadoo aan la isticmaalayn waraaq marka hore.

Niman ka shaqaynaya saldhiga tareenka ee RioImage copyright
In la maamulo xogta shaqaalaha dhismaha iyo waxa ay samaynayaan ayay fududaysay teknoolajiya

app-ka Rhumbix, ayaa u ogolaanaya inay saacadaha shaqaalaha ku diraan taleefoonada smartphone-ka si madaxda ay u saxiixaan, sidoo kale teknoolajiyadda ayaa u sheegi karta meesha ay shaqaalaha joogaan iyo meelaha shaqada laga qabtay. Tani ayaa suurto galinaysa in la ogaado shaqooyinka dib u dhacay ama daahay.
Ninka wax ka aasaasay Rhumbix, ee Zach Scheel, ayaa ka ahaa injineer milatariga Maraykanka wuxuuna dhiirigalin ka helay sida milatariga ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa askartooda, markii saldhigoodu uu ahaa dalka Djibouti waqtigii kacdoonka carabta ee 2011.
Isagoo ka shaqaynaya mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Chile sanado kadib, Mr Scheel ayaa ogaaday inay iskumid yihiin sida xogta loo soo arruuriyo iyo shaqada markii la samaynayo howlaha dhismaha.
"Shaqaalaha ayaa ah waxa ugu qaalisan mashaariicda dhismaha, waana wax aan aad loo fahan sanayn" ayuu dhahay.

Sawirka borogoraamka Smartphone screens showing Rhumbix softwareImage copyrightRHUMBIX
Image captionBorogaraamka Rhumbix ayaa ka caawiya madaxda inay la socdaan shaqaalaha waqtigooda

"Telefoonada Smartphone, Ipad iyo teknoolajiyada internetka ayaa isbadalka sameeyay iyagoo suurto galiyay teknoolajiyada muhiimka u ah in loo sameeyo brogaraam meelaha ay ka socdaan dhismaha"
Borogaraamka ayaa sidoo kale ogolaanaya in qiimaha, tirada iyo qalabka loo baahan yahay la ogaado waqtigaas oo ay madaxda fiiriyaan iyagoo isticmaalaya internetka. Shirkadaha ayaa sidoo kale ku soo gudbin kara qarashkooda iyo miisaaniyadooda.
Tani waa muhiim sababtoo ah 15% qalabka loo keeno meelaha dhismaha ka socda ayaa qasaara, ayay sheegtay haya'dda UK ee dhisida deegaanka u fiican ee Green Building Council, iyadoo Maraykanka qashinka ka yimaada dhismaha uu yahay ku dhawaad 40% ee qashinka adag.
" Waxaan ogaanaa qaladaad badan inay dhacayeen sababtoo ah injineerada meelaha la dhisayo ma haystaan xogta ay u baahan yihiin," ayuu sheegay Alexander Siljanovski, madaxa BaseStone oo ah shirkad samaysa borogaraamyada dhismaha.

Crossrail tunnelImage copyrightBASESTONE
Image captionBorogaraamka BaseStone ayaa loo isticmaalaa mashaariicda dhismaha ee ay ka mid yihiin tareenada London ee Crossrail

Borogaraamka BaseStone, ayaa isku xira meelaha ay ka socdaan dhismaha iyo xarunta shirkadda dhisaysa si digital ah, iyadoo u suurto galinaysa in la arko dhibaatooyinka waqti hore iyo in si fiican la iskula xiriiro.
BaseStone waxaa laga isticmaalaa 50 waddan iyadoo shirkadaha isticmaala ay ka mid yihiin Alstom, Skanksa, Balfour Beatty iyo Crossrail.
Shirkadaha kale ee bixiya borogaraamyada dhismaha ee lagu maamulo mashaariicda waxaa ka mid ah HBXL iyo Builk.
Sidaas darteed, shirkadaha dhismaha ayaa ogaanaya faa'iidada ay leedahay digitalka, iyadoo ay caawinayso teknoolajiyada VR ee naqshadaynta kombuterka waxay dhisayaan dhismayaal aan horay loo samayn.

bbc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...