Skip to main content

Saameenta Mobile-ka iyo Caafimaadka

Image result for how to effected Mobile a health
Sida la wada ogyahay tiknaloojiyada casriga ah waxa ay faa’iido wayn u leedahay aadamaha, laakiin haddana dhanka kale waxa ay tiknaloojiyadu wadataa dhibaatooyin badan ha noqoto mid caafimaad ama mid bulsho, sida ay sheegtay jariidada (Daily Mail) ee ka soo baxda dalka ingiriiska wiil u dhashay dalka shiinaha uu u sababay isticmaalka moobilka oo mugdi lagu isticmaalo indho la’aan.
Qofku marka uu mobilka ku isticmaalo mugdi afar saacadood oo xidhiidh ah muddo dhowr maalmood ah, waxa ay sheegeen khubarada caafimaadku inuu qofkaasi u nugulyahay indho la’aan.
Dhakhaatiir baadhitaanno ku sameeyay wiilka shiinaha ah ayaa waxa ay sheegeen in uu moobilka uu ku isticmaalay mugdiga u sababay dhaawac dhanka indhaha ah, isla markaana wiilkan ayaa waxa u aad u dhibsanayaa meelaha iftiinka.
Khubaro dhanka tiknalojiyada ah ayaa caddeeyay in tiknaloojiyada casriga ah sida computerka, mobilka iyo aaladaha kale ay halis ku yihiin caafimaadka indhaha, haddii aan laga taxadarin isticmaalka aaladahaas.
Sida ay sheegtay jariidada (Daily Mail) iyada oo soo xiganaysay dhaqaatiir ku xeel dheer caafimaadka indhaha, inay dhakhaatiirtu ka digeen sara u kaca arag yarida soo wajaha dhallinta isticmaasha taleefannada gacanta. Isla markaana waxa ay dhakhaatiirtaan sheegeen in ay sii kordhayso tirada dadka ka cabanaya xanuunnada indhaha kaddib isticmaalka aaladaha tiknaloojiyada casriga ah oo uu ugu horreeyo mobilku oo aad u badan.
Way jiraan qoraallo badan oo laga diyaariyay arintaan iyadoo lagu diraasaynayo xiriirka ka dhaxeeyo kansarka, xanuuno kale hadii ay jiraan iyo saameenta dhambaalada bir-qabadka leh ee taleefanda.
Inkastoo signals’ ka soo baxo taleefanada wireless-ka ku shaqeeyo la qiyaasayo in ay dhici karto in ay keenaan laba nooc oo kansar maskaxda galo oo la kala dhaho “Glioma iyo Acoustic Neuroma” laakiin illaa iyo hadda wax cilmibaaris lagu ogaaday ama hubaal loo hayo in moobeelada kansar laga qaado lama hayo, waana go’aanka ay hay’dda caafimaadka aduunka “WHO” ay ka gaartay gunaanadka baaritaanadaas oo idil.
khubarada caafimaad Dunida ayaa sheegay in baaritaano badan oo lagu sameeyay dhamaantood cadaynayaan inaanu telefoonka gacanta ee Mobile-ku halis ku ahayn aadamiga iyo caafimaadkiisa guud ahaan.
Warbixinta hayada caafimaadka aduunku ka diyaarisay dhibaatada telefoonada gacanta, ayaa laga diyaariyay baadhitaano lagu sameeyay Dad tiradoodu dhan tahay 2708 qof, kuwaas oo ku kala nool meelo kala duwan oo dunida, iyadoo dadkaa seddexda kun ee qof ku dhow, baaristooda gashay waaxda cudurada maskaxda iyo kansarka dhimirka ku dhaca u qaabilsan hay’ada caafimaadka aduunka, waxaana lagu ogaaday in Mobile-ku dhalin karo kansarka maskaxda ku dhaca.
Maalmo yar ka dib markii laanta jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay soo saartay daraasad caafimaad oo daaha ka rogaysa in telefoonka gacanta lagu qaato ee (Mobile)-ku uu sababo xanuunka kansarka gaar ahaan qaybtiisa maskaxda ku dhacda, ayaa kooxaha Khabiirada Caafimaadka kala taliya shirkadaha telefoonada gacanta iyo aaladaha kale ee Elegtarooniga sameeya dhexda ka qabsadeen warbixintii Hay’ada Qaramada Midoobay caafimaadka aduunka u qaabilsan ee (WHO).
Is burintan warbixinahan ayay dad badani walaac ka muujiyeen, waana markii ugu horaysay ee WHO iyo khubarada caafimaadku isku qabsadaan arrin la xidhiidha caafimaadka aadamaha. Isku soo wada duubo waxaa loo malaynayaa in talaabada khubarada ay ka danbayso arrin ganacsi maadama oo moobilada dunida lagu isticmaala xiligan marayaan halkii ugu saraysay tiradoodu aad u badanayso.mobile
Waxaa kaloo la baaray in mobeelada uu saameyn ku leeyahay shaqada wadnaha, hooyada uurka leh, dhinaca raganimada, hurdada iyo isbadalka niyada iyo fakarka qofka, iyadane baaritaano arintaas wax ku ool ah oo wax lagu dhisi karo lama hayo inkastoo ay socdaan baaritaano dhowr ah oo laga war sugayo wixii ka soo bixi doono arintaas.
sonna

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...