Skip to main content

Dumarka reer Morocco oo ka dagaalamaya xadgudubka maalin walba

Moroccans shout slogans as they hold placards during a demonstration against the arrest of two Moroccan women after their outfits were deemed inappropriate, in Rabat, Morocco, 29 June 2015. Two Moroccan women, who walked through a market wearing dresses, are facing charges of 'gross indecency', sparking an outcry in Morocco. The women were arrested on 16 June as they strolled through the open-air market in Inezgane, near Agadir cityImage copyrightEPA
Ma sahlana in dumarka Morocco ay jidka maraan iyadoon la aflagaadayn. Morgan Meaker ayaa dhagaystay dadka doonaya inay joojiyaan cudurkan xadgudubka.
"Morocco, wax walba oo aad samaysid, waxaad tahay sharmuuto," ayay sheegtay Ghizlane, oo ka shaqaysa hoteel. "hadaad xiratid waxa lagu quruxsado faruuryaha, waxaad tahay sharmuuto, hadaad madaxa aad dabooshid, waxaad tahay sharmuuto."
Carada ayaa banaanka u soo baxday Ghizlanes oo soddon jir ah, iyadoo fadhida maqaayad bartamaha Marrakesh. Sida dumarka kale ee reer Morocco Ghizlane ayaa aragta xadgudub maalin walba. Laakiin sanado yar ka hor waxay bilawday inay la dagaalanto.
Sirteeda waa inay samayso wax adkaynaya in nimanka ay aflagaadeeyaan dumarka jidka maraya, hadal ahaan ama ficil ahaan. Waxay la murantaa nimanka ku yiraahda jidka "waxaad qabtaa lugo fiican", ama mid kale oo ay ku eedaysay tuugnimo kadib markii hadal xadgudub ah uu ku yiri bangiga dhexdiisa . "Dad badan waa inay diidaan dhaqankan" ayay dhahday. "Nimanka wadankayga ma yaqaanaan marka wax la joojiyo."
Iyadoo haysata waxbarashada shahaadada Master degree, Ghizlane, ayaa sheegtay inaysan ahayn kaligeed dadka ka hortagaya xadgudubka.
Ghizlaine AhblainImage copyrightFRANCES BAKEWELL
Image captionGhizlaine Abhlain: "Morocco, wax walba oo aad samaysid waxaad tahay sharmuuto"
Rabat, magaalo madaxda Morocco, waxaan kula kulmay Mo. Hadalkeena ayaa ah mid adag. Waxay sheegtay inaysan badanaa ka hadlin xuquuqda dumarka - saaxiibadeed ayaan aad u danayneen.
"Riyadaydu waxay tahay in dumarka reer Morocco ay bartaan sida loo joojiyo xadgudubka," ayay dhahday. " Markii qof ku xadgudbo, waxaan ku riyoodaa dumarka inay wajiga ninka jabiyaan."
Waxay isku dayday inay samayso inay barato isboortiga lagu barto sida la isku difaaco laakiin waa inay fasax ka qaadataa dowladda. Codsigeeda looma soo jawaabin. Sidaas darteed kaligeed ayaa ka hortagaysa aflagaadada midba mar. "Markii qof isku dayo inuu i taabto" ayay dhahday "Waan ku qayliyaa ninka. Waxaan dhahaa, maxaad u samaynee waxan? Nimankan ma fahansana. Waligay ma helin jawaab fiican."
Laakiin sharci qabyo ah oo ku saabsan xadgudubka dumarka oo horyaala baarlamaanka Morocco, dadka jidka dumarka ku aflagaadeeya ayaa la kulmi doona inta u dhaxaysa bil ilaa lix bilood oo xarig ah ama ganaax $ 250 ilaa $1,200.
Men on motorbike pass women walking - MarrakechImage copyrightALAMY
"Waxaan u malaynaynaa sharcigan inuu yahay mid aan fiicnayn" ayay sheegtay Stephanie Willman Bordat, oo Maraykan ah oo ka shaqaynaysay xuquuqda dumarka 21 sano.
"Waa isbadal yar oo lagu samaynayo sharciga danbiyada" ayay sheegtay. Dhibka dhan waa dumarka oo sheegin dhibka loo gaysto, boliiska ma baaraan, dacwo oogayaashana ma dacweeyaan."
Laakiin xadgudubka jidka kuma reebaan dumarka inay aamusaan oo kaliya. Waxay sidoo kale xadidaa xoriyadooda ay ku aadi lahaayeen waxbarasho, shaqo, iyo sidii ay u dareemi lahaayeen ammaan waddankooda.
Halka isbadal inuu dhaco ay qaadan karto sanado, waqtiga dhow in isbadal lagu sameeyo sharciga ayaa diraysa fariin cad - waxa la ogolaan karo iyo waxa aan la ogolaan karin.
2015: Dadka reer Morocco oo ka banaanbaxaya laba dumar ah oo la xiray oo watay dhar aad u gaabanImage copyrightEPA
Image captionA 2015 banaanbax Morocco ka dhacay oo looga soo horjeedo xadgudubka dumarka kadib markii la xiray laba dumar oo watay dhar aad u gaaban
Dumar walba Morocco ma laha awood ay ku dagaalamaan. Dad badan ayaa iska indho tira, si ay uga hortagaan dagaal.
Iyadoo socota xaafada qadiimiga ee Rabat, Gitana oo ganacsato ah ayaa sheegtay si ay iskaga ilaaliso aflagaadada nimanka iyo taabashadooda inay meel walba ku tagto gaarigeeda.


bbc

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...