Skip to main content

Natasha Annie: Dagaalkeyga ka dhanka ah "dhurwaaga" Malawi

Natasha waxay waqti ku bixisay in gabdhaha iskuullada dhigta ay uga sheekeyso dhibkii ay la kulantayImage copyright
Natasha waxay waqti ku bixisay in gabdhaha iskuullada dhigta ay uga sheekeyso dhibkii ay la kulantay
Bishii July ee sanadkan BBC-da Waxay wax ka qortay nin u dhashay dalka Malawi oo inta lacag la siiyo si uu ugu galmooda gabdhaha yaryar ee tuulada uu ku noolyahay ku sugan.
Ninkaasi ayaa markii dambe xabsiga la dhigay waxaa hadda ku socoto dacwad oo waxaa lasoo taagay maxkamad.
Laakiin ninkan oo loogu magac daray dhurwaaga ayaa aad looga garanaayaa tuuladii uu ku noolaa. Falka uu sameynaayayna waa arin caadi ka ah qeybo ka mid ah dalka Malawi.
Balse markii dambe haweeney u dhalatay dalkaasi oo lagu magacaabo Natasha Annie Tonthola, ayaa la soo xiriirtay BBC-da si ay u fahfaahiso khibrada ay u leedahay arrintani, taas oo ku dhalisay in ay u ololeyso badbaadada haweenka iyo gabdhaha.
Qariidadda dalka MalawiQariidadda dalka Malawi

Waxaan u weynahay 5 caruur ah, waxaan kusoo barbaaray tuulo u dhaw caasimadda Lilongwe ee dalka Malwi. Waxaan jiray 13 sano markii la ii geeyay dhurwaaga.
Aabahay waxaa uu kasoo jeeday tuulo udhaw Mulanje oo ku taalo koonfurta dalka Malawi. Waxaana la ii diray xaflad halkaasi ka dhaceysay ka dib xanuunkeygi caadada ee iigu horreeyay. Ma lahayn ikhtiyaar aan ku diido, waana arrin ku dhacda gabar walba oo joogto tuuladaasi.
Waxaana la igu yiri waxaad wax ka baran doontaan dumar-nimada, markaan dhabta ka hadlo, aad ayaa ula dhacsanaa arrinkaasi, waxaana sidaaasi ila qabay gabdho kale.
Malintii ugu dambeysay, mid ka mid ah hawenkii da`da ahaa ee halkaasi ayaa inoo sheegtay in aynu soo gaarnay qeybtii ugu muhimsanayd xafladda.
Waxay inoo sheegtay in ninka la yiraahdo Dhurwaa uu noo imaan doono oo aan waxba ka walwalin, waxaa ay sheegtay in aanay ka hadleynin dhurwaagii dhabta ahaa, balse ay ula jeedo nin.
Balse aqoon uma aanan laheyn waxa loola jeedo Dhurwaaga iyo waxa uu sameyn doono, naloomana sheegin in uu inoo galmoon doono.
Dhamanteen waxaan sidanay mara yar oo waxaa na lagu yiri iska siiba dharka.
Waxaa naloo sheegay in la joogo xilligii nala tusi lahaa sida loola dhaqmo raga iyo in nala tuso waxa mustaqbalka an u sameneyno nimankeena, ka dibna indhaha ayaa nalaga xiray.
Lama rabo in aad muujiso cabsi. Ma ahan inaad muujiso inaadan ogeyn waxa kugu dhacaya.
Ninkii waa uu yimid oo waxaa uu ku dhahayaa seexo ,lugaha ayaad kala qaadeysa oo waxaa uu doono ayuu kugu samenayaa.
Na looma ogoleyn inaan ogaano ninka qofka uu yahay. Dadka waaweyn oo kaliya ayaa garanaya.
Gabar xambaarsan cunugeeda magaalada Lilongwe (March 2016)Image copyrightAFP
Image captionGabar xambaarsan cunugeeda magaalada Lilongwe (March 2016)
Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu yimid guriga aan ku noolaa. Ma garanaayo sida uu ku helay tilmaamta gurigeena. Wuxuu u muuqday nin degan, sidaas darteed ayaan guriga uga furay.
Wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu i arko aniga iyo gabadhiisa oo markaasi seddax jir ahayd. Wuxuu ii sheegay inuu i jecal yahay, aadna uga xun yahay wixii dhacay, sidii horana uusan ahayn.
"Wali anigaa ku qabo, wax badanna waan kuu qabtay'', ayuu igu yiri. "Haddii aan waxbarashada kaa soo bixin lahayn oo aan reerkiina biil siin lahayn, nolol dhib badan ayaad hadda ku noolaan lahaydeen, marka ogsoonow in aan abaal badan idiin ku leeyahay" ayuu sii raaciyay.
Dhab ahaantii ma doonayn inaan mar dambe la noolaado ninkan. Wuu igu qeyliyay oo wuxuu billaabay inuu igaraaco anigoo dhabta ku heysto gabadheyda. Deriska oo ku soo baxay qeyladeyda ayaa iga soo gaaray oo iga celiyay.
Dacwad kama gudbinin maxaa yeelay ma doonayn in dhibaatadayda ay ogaadaan dadweynaha.
Waxaan dareemayay in caqabadaha i hasyta ay ila wadaagaan gabdhaha iyo dumarka tuulada.
Natasha oo gabdhaha ku wacyi gelineysa iskuulladaImage copyrightELDSON CHAGARA
Image captionNatasha oo gabdhaha ku wacyi gelineysa iskuullada
Hay'ado maxalli ah ayaa isku deyay inay dadka wacyi geliyaan, balse waxay aheyd shaqo adag gaar ahaan marka aad dooneyso in aad loollan la gasho dhaqamo soo jireen ah sida isticmaalka 'dhurwaaga iyo kala dhexlidda xaasaska.
Bulshooyinka qaar waxay kugu oranayaan: "in aad waxbaratay kama dhigno in waxa aad rabto aad inoo sheegi karto. Dhaqamadan waxay ahayeen kuwa soo jireen ah oo sanado lagu dhaqmi jiray".
Balse qaar ka mid ah odayaasha iyo hogaamiyayaasha diimaha ayaa dhaqamadan ka joojiyay tuulooyin kooda.
Intii aan ku guda jiray shaqadan waxaan wax badan ka ogaaday caqabadaha gabdhaha ku heysta xarumaha waxbrashada. Haddii qoyaska tusaale ahaan ay wajahayaan dhaqaalo xumo waxay doorbidaan inay iskuulka u diraan wiilasha oo kali ah.
Sanadii 2011-kii waxaan ogaaday in loo qabo baahi in la dhiso urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka. Waxaana sidaasi ku aasaasay ururka Mama Africa Foundation Trust.
Rajo fiican ayaa ka qabaa mustaqbalka. Waxaa aaminsanahay in wax badan loo qaban karo haweenka iyo caruurta dhibanayaasha u ah raggan loogu magac daray dhurwaaga. Waa dagaal aad u dhib badan, balse rajo fiican ayaa ii muuqata.

bbc

Comments

Popular posts from this blog

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...