Skip to main content

Maxaa loo dhaleecaynayaa ganacsiga xorta ah ?

Dad ku mudaaharaadaya BerlinImage copyrightMas gacanta lagu sameeyay oo ay wadaan dad ka mudaaharaadaya heshiiska TTIP ee ganacsiga ee soo socda oo jooga Berlin
Ganacsiga xorta ah iyo isku furnaashaha ayaa u eg in ay uga imaanayso dhaleecayn dad kala duwan.
Sanaddo badan waxaa la aaminsanaa in ganacsiga xorta uu keeno shaqooyin badan, mishaar badan iyo alaab raqiis ah - oo uu u keeno faa'iidada waddamada horay u maray, kuwa dhaqaalahoodu soo korayo iyo kuwa saboolka.
Laakiin dad badan oo siyaasiyiin ah qaarkood, ayaa ka hadlaya sida ay uga caraysan yihiin in shaqooyinkii ay samaynayaan mashiino, oo shaqooyinkii hore ay dhamaanayaan iyo dad badan oo ajnabi ah oo waddanka imanaya.
Uma baahnid inaad fiirisid meel dheer si aad u aragtid saamaynta ay yeelatay walaaca ay qabaan dadka.
Aftidii UK ay kaga baxday Midowga Yurub ayaa waxaa ugu waynaa sababta walaac ay dadka ka qabaan ajnabiga imanaya waddanka, Donald Trump ayaa ku helay taageero badan Maraykanka sida uu uga soo horjeedo ganacssiga xorta ah, Yurubna waxaa ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeedo heeshiisyo ganacsi oo caalami ah ee soo socda.
Maxaa ka danbeeya ka soo horjeedkan maxaana laga qaban karaa dhibaatada ganacsiga xorta ah?

'Gnacsiga xorta ah waa ganacsi doqonimo ah'

Doorashada Maraykanka ayaa laga dareemayaa inay tahay xuduntii looga hadlayay ka soo horjeedka ganacsiga xorta iyo iskufurnaashaha adduunka.
Donald Trump ayaa ku eedeeyay Shiinaha inay doonayso inay dadka Maraykanka wax la'aan dhigto, iyadoo faragalinaysa lacagteeda ayna qiyaamayso ganacsiga caalamiga.
Wuxuu sheegay inuu ku soo rogi doono canshuur badan alaabada Shiinaha sabatoo ah waxay "xoogaysaa dhaqaalaha Maraykanka".
Hillary Clinton ayaa aragtay siyaasiyiin la tartamaysa oo ka soo horjeeda faa'iidada ganacsiga caalamiga.
Bernie Sanders, oo kula tartamayay Hillary Clinton magaacibada musharaxnimada ee xisbiga Dimoqraadiga, ayaa ololihiisa ku dooday in ganacsiga xorta ah uu dhameeyay dadka daqligoodu dhexdhexaad ka yahay ee Maraykanka.
Clinton ayaa uga jawaabtay walaaca ay sheegeen Sanders and Trump, inay dib ugu noqoto taageeradeedii TTIP (the Transatlantic Trade and Investment Partnership) - oo ah heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Yurub oo soo socda.

Hoos u dhaca wax soo saarka warshadaha Maraykanka

Dooda hoos u dhaca wax soo saarka warshadaha Maraykanka ayaa awood siiyay doodaha waqtiga doorashada Maraykanka ee 2016.
Sida looga xun yahay ayaa cad - Warshadaha Maraykanka ayaa arkay lix milyan oo shaqo oo la jaray intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2011, sida ay sheegtay Bureau of Labor Statistics.
Shaqaale warshada Chrysler ee Warren, Michigan Sept 25, 2014Image copyrightHoos u dhaca shaqooyinka warshadaha ayaa noqday arrin muhiim ah ololaha doorashada madaxweynenimada Maraykanka.
Daraasaad ayaa muujiyay in hoos u dhaca shaqooyinka warshadaha ee Maraykanka ay u keentay faa'iido Shiinaha.
Alaabada laga keeno Shiinaha ayaa macnaynaya 44% hoos u dhaca ku yimid shaqooyinka warshadaha Maraykanka intii u dhaxaysay 1990 ilaa 2007-dii, sida ay sheegtay Maxadka barashada shaqaalaha ee ku taal Bonn.
Qayb ahaan hoos u dhaca waxaa ugu wacnaa iyadoo la geeyay shaqooyinkii waddamo kale, laakiin teknoolajiyada iyo mashiinada samaynaya shaqooyinka ayaa sidoo kale saameeyay shaqooyinka.
" Waddamada oo dhan ayay qasaaro ka soo gaartay horumarka tecknoolajiyada - haduu yahay qofka telefoonka qabta iyo kan bangiga ka shaqeeya," ayuu sheegay Gary Hufbauer, oo ah nin ku xeel dheer ganacsiga oo ka tirsan Peterson Institute for International Economics.
"Dhibaatada Maraykanka waxay tahay wax badan ma samayno si aan u caawino dadka shaqooyinka waayay inaan siino lacag ay ku noolaadaan ama shaqooyin kale oo loo tababaro," ayuu sheegay Mr Hufbauer.
Dad mudaaharaadaya Maraykanka oo doonaya in saacadii la siiyo $15-dollars- April 14, 2016 in ChicagoImage copyright
Dad ku mudaaharaadaya Maraykanka si looogu kordhiyo lacagta, dad badan oo ku nool Maraykanka, Yurub Japan ayaan arkin wax koror ah oo ku yimid lacagta ay qaataan tobankii sano ee la soo dhaafay
Isbadalka teknoolajiyada iyo dhaqaalaha ayaa saameeyay meelo gaar ah oo ay ku adkaatay inay sameeyaan ganacsi cusub iyo shaqooyin cusub.
"Ma jiro koror ku yimid lacagta soo gasha dadka ku nool Maraykanka, Japan iyo Yurub tobankii sano ee ugu danbeeyay. Dadka ma faraxsana, haddii aad rabtid inaad qof ku eedeysid, way sahlan tahay inaad ajnabi ku eedeysid," ayuu sheegay Mr Hufbauer.

Koror la'aanta ganacsiga adduunka

Kororka siyaasiyiinta ka soo horjeeda ganacsiga xorta ayaa ku soo aaday waqti uu kororka ganacsiga adduunka uu hoos u dhacay tan iyo dhibaatadii dhaqaalaha adduunka ee 2008.
Intii u dhaxaysay 1986 iyo 2008 ganacsiga adduunka ayaa kordhay guud ahaan 6.5%, sida ay sheegtay ururka ganacsiga adduunka (WTO).
Inta u dhaxaysa 2012 iyo 2015 hoos ayuu u dhacday oo noqday guud ahaan 3.2% waxaana la saadaalinayaa inay kororto oo kaliya 1.7% sanadkan 2016.
Hoos u dhacan ayaa ka dhigaya waqtigii ugu dheeraa ee uu dhaqaalaha adduunka uusan kordhin tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Tan iyo dhibaatadii dhaqaalaha adduunka ee 2008, hoos u dhaca dhaqaalaha Shiinaha iyo isbadal la'aanta dhaqaale iyo siyaasad ee Yurub ayaa saamaysay koror la'aanta ganacsiga adduunka.
Astaan ganacsiga aan daacadda ahayn logo
Sidoo kale waxaa kordhay tallaabooyinka ay waddamada ku soo rogayaan xanibaad si ay u ilaalinayaan ganacsiga iyo shirkadaha waddankooda.
Si ay u ilaaliyaan shirkadaha iyo ganacsiga waddamadooda, siyaasiyiinta ayaa isticmaalay canshuuro iyo xanibaad la saarayo alaabada laga keeno waddamada kale.
"Dowladaha adduunka ayaa ku dhawaad laba jibaaray inay faragaliyaan ganacsiga labadii sano ee ugu danbaysay", ayuu sheegay Prof Simon Evenett, ee Jaamacada St Gallen.
"Kororka tallaabooyinka lagu ilaalinayo ganacsiga waddanka ayaa ka horaysay ka bixitaanka Britain ee Yurub iyo Donald Trump, isagoo ku taliyay in cadaadiska dhaqdhaqaaqan uu kordhin doono tallaabooyinka lagu ilaalinayo ganacsiga waddanka."
Dhaqaalyahanada ayaa ka digay in inkastoo ilaalinta ganacsiga waddanka ay soo jiidanayso siyaasiyiinta, waxay kor u qaadaysaa sicirka alaabada.
Maraykanka dadka ayaa ka soo horjeestay 2012-dii lugaha baabuurta ee lagu sameeyay shiinaha oo aad loo keenay suuqyada Maraykanka, iyadoo keentay su'aal haddii lacag laga samayn karo kuwa laga soo saaro waddanka.
Madaxweyne Obama ayaa kaga jawaabay canshuur si Shiinaha ay sharciga u raacdo.
Talaabooyinka lagu ilaalinayo ganacsiga ayaa aad loo soo dhaweeyay Maraykanka, laakiin daraasaad ay samaysay Peterson Institute ayaa sheegtay in canshuurta ay u keentay dadka Maraykanka inay ku bixiyaan $1.1bn oo dheeraad ah lugaha baabuurta sanadkii 2011.

Difaaca ganacsiga xorta ah ?

Iyadoo faa'iidada dhaqaale iyo mid bulsho ee uu leeyahay ganacsiga adduunka ay u imaanayso dhaleecayn, dadka difaaca ayaa isku dayay inay difaacaan.
"Lixdan sano kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, koror ganacsi ee alaabada iyo adeega oo aan horay loo arkin iyo maalgalin shisheeye oo balaaran ayaa ahaa waxa ugu wayn ee keenay horumarka bini'aadanka nus qarnigii la soo dhaafay" ayuu sheegay Gary Hufbauer.
Bangiga Adduunka, WTO iyo IMF ayaa arrintan ka dhigay waxa ugu muhiimsan kulankoodii Washington toddobaadkan.
Si ay xooga u saaraan, Bangiga Adduunka ayaa soo saaray daraasaad ku salaysan waddamada dhaqaalahoodu kordhayo oo muujinaya in daqliga guud ee 40% dadka saboolka ah uu kordhay 2008 ilaa 2013- dii, inkastoo ay jirtay saamaynta dhibaatada dhaqaalaha adduunka.
Waxaa kaloo jira inay ogaadeen siyaasiyiinta in sinaan la'aanta daqliga dadka soo gala iyo hoos u dhaca dhaqaalaha, wax walba oo u sabab ah ay tahay arrin u baahan in la xaliyo.
" Waxaan u malaynayaa waxaa jira in waddamada qaniga ah iyo dadka lacagta leh ay ogaadeen inay dhibaato ka jirto ganacsiga xorta ah," ayuu sheegay Branko Milanovic, oo ah dhaqaale yahan wax ka qoray sinaan la'aanta.
"Waxay ogaadeen si ay u ilaaliyaan shaqadooda waa inay wax ka qabtaan."
Baabuur wada kontaynar dekadda Qingdao, ee ShiinahaImage copyrightDadka dhaleecaynaya ayaa ku doodaya in faa'iidada ganacsiga xorta ah ay heleen dad yar bulshada waddamo badan
"Faa'iidada ganacsiga xorta ah ayaa waxaa arkay dad yar waddan walba," ayuu sheegay Andrew Lang oo ka tirsan London School of Economics.
"Su'aasha ma aha in ganacsiga xorta ah uu leeyahay faa'iido- sida cad waa uu leeyahay. Laakiin su'aasha waxay tahay yaa arkaya faa'iidadan," ayuu sheegay Prof Lang.
"Si wax looga qabto dhibaatooyinkan waxaad u baahan tahay in dhaqaalaha adduunka uu kordho. Dowladaha ayaa u baahan inay kordhiyaan lacagaha ay ku taageerayaan dhaqaalaha" ayuu yiri Gary Hufbauer.
Branko Milanovic ayaa tusaale u soo qaatay siyaasiyiintii hore ee wax ka qabtay hoos u dhaca dhaqaalaha.
"Ma aha wax aan la samayn karin siyaasiyiinta inay wax ka qabtaan dhaqaalaha," ayuu sheegay.
" Margaret Thatcher and iyo Ronald Reagan ayaa suurto galiyay inay isbadal sameeyaan waqti gaaban markay xilka hayeen - afar sano oo aad xilka haysid way ku filan tahay inaad samaysid isbadal."
Waxaa jira codad badan oo xooga saaraya sida ay uga soo horjeedaan ganacsiga xorta ah ee dadka ay aaminsanaayeen.
Iyadoo siyaasiyiinta ay is waydiinayaan faa'iidada ganacsiga xorta ah, waxaa jira dad badan oo ka soo horjeeda.
Ganacsiga xorta ah ayaa laga yaabaa inuu arkayo dad kala duwan oo ka soo horjeeda, laakiin dadka difaacaya ayaa ku adkaysanaya in dib loo soo nooleeyo inay tahay waxa kaliya ee lagu joojin karo in laga soo horjeesto.

Comments

Popular posts from this blog

Bilicda Deegaanka iyo Duurjoogta Dalka Botswana

Sawirro aad u qurux badan oo laga soo qaaday bilicda deegaanka iyo duurjoogta dalka Botswana ee khaarad Africa   ANNA SOBOTKA Anna Sobotka oo markii u horaysay booqatay Afrika ayaa sheegtay "in aysan filaynin in ay aragto quruxda iyo sumcadda uu dalka Botswana leeyahay" sawirkan maroodiyada biyaha isku qaboojinayana waxay ka qaaday beerta xayawaanka ee Chobe National Park ANNE MAY Sawir kale oo Anne May ay ka soo qaaday beerata xayawaanka ee Chobe National Park, markanse waa Gari biyo cabaya PHILIP WILLMOTT Shinbir qurux badan oo duulaysa                                                                               PATRICIA MUELLER Geed wayn                               ...

Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017

Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra. Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga. Lahaanshaha sawirka AFP Image caption Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray...

“Waligey tan oo kale maan arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar

Image copyright SYRIAN ARAB RED CRESCENT Image caption Dagaalka adag Dhakhaatiirtu way hadal beeleen Iyado dadkii nugulaa ee magaalada Xalab maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay'adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan. Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah. Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin damaanad qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas. Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka waayelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan. Annaga, Ururka bi...