Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi ayaa la shaaciyay in uu ku dhintay magaalada caasimadda ah ee Doxa oo xarun u ah dalkaasi.
Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Tani ayaa maalinimadii shalay ku geeriyooday mgaalada Doxa waxaana Wakaaladda Wararka ee Qadar ay soo warisay in marxuumkaasi uu ku dhintay da’da 84-sano jir.
Maamulka Qasriga boqortooyada dalka Qadar ayaa shaaciyay in marxuumkaasi loo sameyn doono aas qaran,isla markaana muddo 3-cisho ah dalka ay ka dhacayaan baroor-diiq.
Amiirka geeriyooday ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi Al-Tani ayaa xukunka daalkaasi qabtay Sanadkii 1972-dii , sanad kadib markii dalkaasi ka xoroobay gumeysigii Ingiriiska,.
Amiirka hadda ka taliiya dalkaasi Tamiim bin Xamdi Al Tani oo isna xukunka dalkaasi la wareegay 2013kii waxaa dhalay Amiirka geeriyooday
sonna
Comments
Post a Comment